Sign in to follow this  
Nur

Macaanka iimaanka

Recommended Posts

Nur   

Macaanka iimaanka

 

 

Walaal

 

 

Haddaad mar hore dhadhamisay macaanka iimaanka, laakin aad waayahan dareemi la'dayhay, ogow inaad ka tagtay wax wanaagsan ood sameyn jirtay, oo ku dhadhansiiyey macaanka iimaankaas. Qoraalkan waxaan ugu tala galay sidii marlabaad aad usoo ceshan leheyd macaanka imaanka eed soo dhadhamisay.

 

Maanta waxaan halkan is xasuusineynaa sidii aan ku hanan laheyn macaanka iimaanka haddaan marlabaad ku guuleysanno inaan dhadhamino, iyo sidaan ku xaqiijin laheyn macaankaas.

 

Dadka bartay cabbidda khamriga, ama daroogada oo dhadhansada , wexey ku dadaalaan sidey mar walba dareenkaas u heli lahaayeen, wexeyna u huraan wax walba si ay dareenkaas u gaadhaan ayagoo og inuu u jar ka tuurayo, ama inuu halaagayo.

 

Waxaa kaloo la soo wariyey in Bilaal Ibnu Rabaax, Mu'addinka Rasuulka SAWS la wareystay sababta uu ugu adkeystay oo uu ugu sabray iimaankiisa cadaabta lagu caddibay bacaadka Makka ee kulul, wuxuu ku jawaabay: " Waxaan isku daray xanuunka cadaabta iyo macaanka iimaanka, waxaa soo dul martay macaanka iimaanka" taasoo macnaheedu yahay, in macaanka iimaanka haduu qofku dhab ahaan u dhadhamiyo, inuu wax walba siisanayo, maxaa yeelay Allah ayaa ka iibsaday muminiinta naftooda iyo maalkooda oo ka iibiyay Janno. Hadaba, qofkii ay u dhabowdo macaanka iimaank, wuxuu helay jannadii adduunka sidii uu yidhii Sheikh Ibnu Taymia markii lagu xidhay xabbiskii Qalcada " Haddii la i xidho, waan khalweyn, xasuusta Allah iyo cibaadadiisa ayaan waqti u heli, haddiii la i dhoofiyo, waan jihaadi, haddii la i dilo, waa shahhidnimo, Jannadeydu wexey iigu taallaa laabteyda, cadowgeygu maxey igu fali?"

 

Mar uu Rasuulku SAWS wareystay nin saxaabi ah " Maxaad ku barisay?" ninkii saxaabiga ahaa wuxuu ku jawaabay " waxaan ku ku bariistay muumin-nimo", markaasuu Rasuulku SAWS yidhi, maxaa muujinaya iimaankaaga?" ninkii saxaabiga ahaa wuxuu yidhi " waxaa ii muuqda reer jannaadkii oo isa soo salaamaya, waxaa ii muuqda ahlu naarkii oo is eedaya" rasuulkii Allah SAWS wuxuu markaa ku yidhi ninkii, " Waad haleeshayee, ee ku mitid"

 

rasuulku wuxuu kaloo tilmaamay iimaanka " wax qalbiga ku jira oo uu dhabeeyo waxa la sameeyo"

 

Hadaba waxaad is warsaneysaa, sidee baan iimaan ku helnaa, dabadeedna u hanannaa?

 

Jawaabtu wexey ku xidhan tahay hadba qiimaha uu kula leeyahay iimaanka, taasoo keensaneysa howshaad ku gaadhi leheyd iimaankaas. Waxaa lagu hantaa iimaanka:

 

1. Sabirka : Allah SWT wuxuu yidhi " Kuwa sabraa, waxaa la siiyaa ajarkooga xisaab la'aan"

 

2. Ixtisaab: oo macnehhedu yahay in waxaad sameysneyso OO DHAN aad ku raadineyso wajiga Allah oo qudha

 

3, Ducada: Taasoo ah qallbiga cibaadada

 

4. Soonka Sunnada ah; ( Khamis, iyo isniin, iyo maalmaha caddaha ah, lixda shawaal, carafa, caashuuraa)

 

5. Quraankoo la khatimo bil walba hal jeer ( salaad walaboo la akhriyo afar bog)

 

6. Salaadaha oo loo dhakso loogu dhaksado ( Tabkiir bacdal aadaan oo kaa saaraya munaafiqiinta)

 

7. Ilaalinta sunnooyinka Rawaatibta ah. ( guri janno ayaa laguugu dhisaa)

 

8. Ku dadaalidda labada rakcdood ee Salaadda barqaha ( duxaa, taasoo xubnahaaga ka bixineysa sadaqada)

 

9. Ku dadaal maalinkii oo dhan inaad ku sugnaatid weysoqab, ( caajiska iyo sheitaanka ayey kaa fogeysaa)

 

10. Ku dadaaal labada rakcadood oo sunnada ah aadaanka dabadiis

 

11. Ku dadaalidda adkaarta subaxa iyo kuwa fiidka ( Faaiido cajiib badan ayaan ka dhaxlay)

 

12. Labo rakcadood oo intaadan seexanin aad tukato ayadood u niyeyesato Qiyaamulleil

 

13. Akhrinta Quraanka iyo ku cibro qaadashada sheekooyinkiisa

 

14. Sunnada habeenkii ee Shafciga iyo watriga

 

15. Habeenkii intaadan seexan ood is xisaabisid ( maxaan maanta korosaday, maxaan khasaaray, maxaa iga dhiman?)

 

16. Dambi dhaaf ood Allah ka bariso si joogto ah.

 

17. Ku fakaridda uunka Allah iyo yaabkiisa ( abuurka cirka iyo cajaaibta dhulka)

 

18. Qalbiga oo laga meydho ( dhaqo) cudurrada ( xasadka, dakanaha iwm)

 

19. Dadkood ugu yeedho waxaad aaminsantahay ( Taasoo iimaanka si weyn u kordhisa)

 

20. Macsida Allah oo laga tago ( macsidu wexey nusqaamisaa iimaanka)

 

21. Waalidka oo baarri loo noqdo.

 

22. Qaraabada soke ( rixinka) oo la xidhiidhiyo ( loo kaalmeeyo, lagana warhayo)

 

 

Nur

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nur   

Walaalaha Geel Jirayaasha ah

 

Mar labaad waxaan soo celinayaa qoraal aan u qoray naftayda, laakin aan filayo inaad ila wadaagtaan,maxaa yeelay in kastoon aragga jirka ku kala duwan nahay, quluubteenna waa isku wada dareen ( inta kheyrka jecel) sidaa darteed, nagu soo kordhi dareenkaaga.

 

 

Nur

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalixa   

Nur

Hadda runta kuu sheego and Allah knows

1. Sabirka : Allah SWT wuxuu yidhi " Kuwa sabraa, waxaa la siiyaa ajarkooga xisaab la'aan"

Taas laa ima diriin i have zero tolerance

5. Quraankoo la khatimo bil walba hal jeer ( salaad walaboo la akhriyo afar bog)

 

taasna once in a blue moon baan sameeya

6. Salaadaha oo loo dhakso loogu dhaksado ( Tabkiir bacdal aadaan oo kaa saaraya munaafiqiinta)

 

I have been trying that for a very long time,,,laaba saladood marka horee igu tukado taa sadeexaad and mostley Asar prayers waxaan arkaya sacadoo wax yar kaa hadhay maghrib time then i pray Asar knowing it hasn't been accepted or hoping it has.

and the last

22. Qaraabada soke ( rixinka) oo la xidhiidhiyo ( loo kaalmeeyo, lagana warhayo)

 

taas waa hadii aan ogyahay in aay wali noolyihin iyoo in kalee. Last time i said g'day Mrs Mac stansa was last Christmas. smile.gif

So maa cabirikartaa my imaan???

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nur   

Rayaana sis

 

Sideyda oo kale waxaad ku duceysataa bishan Ramadaanka ah.

 

 

Allow ha nagu la dhaqmin waxaan ehal u nahay oon kaa mudan nahay ( Cadaab), ee waxaad nagula dhaqantaa waxaad adiga Ehel u tahay oo ah DULQAADKAAGA iyo RAXMAD.

 

In aan ogaanno meeshaan ka gaabinno waa tallabada hore ee towbada, Allaha na waafajiyo wax walba uu Allah jecel yahay iyo Sunnada Rasuuliisa SAWS , Amin.

 

Nur

Share this post


Link to post
Share on other sites

waxan rabaa inaan halkan ku soo gudbiyo qayb kamid ah xadiithka jibriil een wada garanayno , waana qaybta ka hadlaysa lixda tiir ee iimaanka

 

 

(1) wuxu yidhi nabigu(scw)(iimaanku waa inaad rumayso Alle)micneheeduna waxa weeye inaad alle inuu kaligii yahay rumayso qalbiga iyo carabkaba aad ka rumayso isuna dulayso awaamirtiisa una hogaan santo, go'aana aad ku gaadho inaad u hogaansanto waxa uu alle ku faray , adigoo kana fogaanaya iska kibrin iyo santaag iyo cinaad inaad latimaado, hadaad saa samayso waxad latimid wuxu alle kugu jeclaanayo waxadna ka dheraatay wixi cadho alle kuso jiidi lahaa.

 

 

(2) (rumaynta malaa'igta )waxaa weeye inaad rumayso inta alle magac yadooda u ku sheegay kitaabkiisa aadna rumayso in alle leeyahay malaa'ig kale oo aynaan garanayn tiradooda iyo magacyadooda alle mooyee.

 

 

(3) (rumaynta kutubtiisa)waxa weeye inaan rumayno inta alle magac yadooda inoogu sheegay kitaabkiis sida Towraad, Injiil, iyo Zabuur aanna rumayno in alle leeyahay kutub kale oon kuwan ahayn oo aynaan garanayn,waxana rumaynaynaa Furqaan farqibaana u dhexeeya rumaynta kutubahaa kale iyo keenan Furqaan, rumaynta aan rumaynayno kutubta kale waa inaan qalbiga ka qirno in kutub alle soo dajiyay ay yihiin iyo carabkaba, rumaynta aan rumaynayno kitaabkeena Furqaana waa inaan qalbiga iyo carabkaba ka qirno waxa intaa siidheer inaan inaan wuxu ina farayo raacno wuxu inaga reebayana ka hadhno.

 

 

4)(rumaynta rususha)waa inaan rumayno inta uu alle inoogu sheegay kitaabkiisa magac yadooda, rumaynana inya jiraan rusul iyo nabiyo kale oo aynaan aqoon, waxaynuna rumaynaynaa nabigeena(scw)Muxamad rumayntaa aan rumaynayno nabigeenana way ka duwan tahay rumaynta aan rumaynayno nabiyada kale, rususha kale saan urumaynayno waa inaan qirno inay yihiin rusul alle soo diraya, amaa nabigeena(scw)saan urumaynayno waa inaan qalbiga iyo carabkaba ka rumayno, rumaynana marwalba wuxu ina faray iyo wuxu inaga reebay, marka hadaan raacno wuxuu inoola yimid waajibaadkana aan gudano xaaraantana aan xaaraan u ictiqaadino xalaashan xalaal shubahaadkana aan ka fogaano khayraadkana aan ku dadaalo, saasaa ah rumaynta rasuulkeena(scw).

 

 

(5) (rumaynta aakhiro)waxa weeye inaan rumayno in laysa soo saarayo dhimasha kadib xisaabina ya jirto, rumaynana mizaanka iyo abaal marinta iyo ciqaabta iyo inay jirto jano iyo naar, rumaynana wax kasta oo alle iyo rasuulkiisu(scw)noosheegen inay maalintaa dhacayso.

 

 

(6) (rumaynta qadarta khayr & sharba)waa inaan rumayno in wixi ina asiiba uuna ahayn mid marnaba inagafi lahaa, wixi ina gafana inuuna ahayn mid marnaba inagu dhici lahaa, waana inaynaan odhan haday saas iyo saas ahaan lahayd saas iyo saasbay noqon lahayd , hadu waxas iyo waxaas jiri lahaana waxaas iyo waxaas madheceen

 

waana sidaas rumaynta alle iyo maa'igtiisa iyo kutubtiisa iyo rusushiisa iyo maalinta qiyaamo iyo qadarta khayr iyo sharba

 

 

wallaahu aclam

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nur   

Ukhtii Al Muslima

 

Jazaakillahu kheiran, taasi wexey aheyd xasuusin fiican ee arkaanta iimaanka, laakin wax ma ku kordhin kartaa macaanka la dareemo markii iimaan Allah qalbigeenna ku cammiro?

 

Nur

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jabhad   

asalamu alaikum wr wb.

 

Macaanka uguweeyn aa dareemi karto, is security iyo kalsooni ilahey. If you have these 2 characteristics, i don't know what else you could possible need.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nur   

Wajcal lii Waziiran min ahlii.........

 

..Haaruuna akhii

 

waxaad qortay:

 

iimaanku inuu yahay : security iyo kalsooni

 

Walaal Allah waa ku waafajiyay macnaha toosan ee iimaanka, af Carabiga markaan u laabanno, iimaan wuxuu ka soo jeedaa asalka kalimadda aamana ( Derivative of AMN or Security)

 

Qofka Allah rumeeya wuxuu dareema security, Allah wuxuu ku leeyahay Quraanka " Hadaba labada qolo ( gaalo iyo Muslim) yaa mudan AMN ( Security from Allahs punishment)? Allah wuxuu noo sheegay in ay mudan yihiin amaan ama security kuwa ( Alladiina aamanuu wa lam yalbisuu iimaanahum bi zulmin" kuwa Allah rumeeyay oo aan ku dadin iimaankooda dulun ( in uunka la dumlo, ama Allah la dulmo oo ah in qofaan Asaga aheyn laga baqo, loo hoggansamo lana jeclaado).

 

 

Nur

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nur   

Nomad wallaal

 

Boggan waxaan u mar kale u furay si loo kala faa'iideysto oo qof waliba ka hadlo dareenikiisa/dareenkeeda ku saabsan waxa uu iimaanka ku koro ama ku nusqaamo.

 

Tani waa is xasuusin, hadaba qofkii doona, waddo Rabbigiisa/Rabbigeeda gaadhsiisa ( Waddooyinka Lagu Nabad Galo, Subul al salaam), ha maro.

 

 

Nur

Share this post


Link to post
Share on other sites
Blessed   

Nur,

 

Bogani wuxuu ka mid yahay kuwii qoraal-kaaga ugu qaalisanaa. Maasha Allah. Waxan hada akhristay taad ka hadlaysid, Jacaylka Alleh siduu inoo ku roon yahay oo markaa waxaan ka fakarayey bal sidee baa loo nafaqeyn lahaa marka uu nolosha iyo aduunku dikriga iyo kalgacalka aad Illaahay u qabtid, shucaac ku dhex kiciyo.

 

Jawaabtiina, waa tan. Ilahay, khayr ha kaasiiyo walaal, anaga hidaayad iyo Jacaylkiisoo daacad ah ha nagu barakeeyo, Aameen. smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nur   

Walaalo Zenobia

 

Allaha ku jeclaado, muminiinta iyo malaaigtiisa ( Xaajiga isnhAllah jecelkiisa shaki ma leh!)

 

Walaal, waxaad tahay raciilkii hore ee SOL Islam page, runtiina, waa la kala korey, haseyeeshee waxaan ku faraxsanahay inaad lix sano kaddib aad weli ACTIVE SOLer tahy. Allah ku xafido, reerkaaa iyo intaad jeceshahay.

 

Walaalo, Qalbiga Allah jeclaada, ma qasaaro, tan Allah qofkii wax walba ka hormariyana, Wax walbuu ka hormaraa, Allaha addimaheenna diintiisa noogu sugo.

 

Hadaba, meesha naga tiiri, boggaan wuxuu u baahan yahay in la nuuriyo, Allah ku nuuriyee!

 

 

Nur

Share this post


Link to post
Share on other sites
Blessed   

Nur,

 

Waad ku mahadsantahy ducada walaal, koleyba intaan SOL joogey faaido aan tiro laheen ayaan ka faaiday qoraalda eNuri. Alhamdulilah.

 

 

Waan kuna dadaali inaan, meesha inaga tiiriyo. :D Insha Allah. smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nur   

Blessed sis

 

Waa bishii Ramadaan ee barakeysneyd, bishii loogu talagalay in iimaanka la sara mariyo ( Lacallakum Tattaquun), sidaa darteed waxaa lagu qiyaasaa faaidada bishan hadba intuu dareenkeenna iimaanka gaaro, waa bishii nafta lagu tababarayay iney hiigsato meel sare, jannooyinka Firdows, iyo agagaarka Carshiga Allah.

 

Wuxuu Yiri Imaam Shaafici:

 

Waxaan raadinnay sidaan dunuubta uga tagi laheyn, waxaan ka helnay salaadda duxaa

 

Waxaan raadinnay nuurka qubuurta markaan galno, waxaan ka helnay akhriska Quraanka

 

Waxaan raadinnay gudbidda siraadka, waxaan ka helnay soonka iyo sadaqada.

 

Waxaan raadinnay sidaan ku hoos hadhsan laheyn carshiga Raxmaanka, waxaan taas ka helnay asxaabta akhayaarta ah oon isku jeclaanno Allah dartii.

 

Ramaadan Mubaarak!

 

 

Nur

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this