Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somalilands former Parliament speaker Axmed Adan Qaybe on Prof Cali Khalif Galaydh

Recommended Posts

Qaybe-axmed-475x190.jpg

 

“Cali Khaliif waxuu caddeeyay inuu xaq u leeyahay xubinimada gudigaas isagoo ku faanaya shahaadada PhD ee uu ka qaatay jaamacad derejada saddexaad ah. Wuxuuse illow sanyahay inuu xukuumadii………”-Oday Qaybe Oo Cambaareeyay Siyaasadda Gaaban Ee Cali Khaliif Galaydh

 

Hargeysa(Togaherer)-Guddoomiyihii golihii hore ee wakiilada Somaliland Md. Axmed Maxamed Aadan (Qaybe), ayaa si adag u naqdiyay siyaasadda Dr. Cali Khalif Galaydh ee ku waajahan deegaanada Beesha Dhulbahanate iyo weliba aragtidiisa wada hadalka Somaliland iyo Somaliya.

 

Sida uu Daabacay Wargeyska Geeska Afrika, Oday Qaybe wuxuu sheegay in inkastoo uu Cali Khaliif sheego inuu aaminsanyahay Somaliweyn, haddana haddii loogu yeedho inuu madaxweyne xigeen labaad ka noqdo Somaliland, la arki doono isagoo difaacaya jiritaanka iyo madaxbanaanida Somaliland. Oday Qaybe, wuxuu muujiyay inuu ka xunyahay inay reer Buhodle noqdeen dad qof walba u nuqul. Qoraalkaasi wuxuu u dhignaa sidan: “Waxaan la yaab sanahay afar bug laha Cali Khaliif ee sheeganaya maamul gobaleed aan jirin. Sharciyada adduunku ku dhaqmo ayaa tilmaamaya meeshii dawladi ama maamul goboleed ka tirsani ka jirto ay leedahay dhul la yaqaan ( recognized territory).

 

Mr. Cali khaliif wuxuu ka xanaaqay labada masuul ee ka soo jeeda beelaha sool iyo sanaag bari ee sheekh shariif ku magacaabay xubno ka mid ah gudida Somaliya uga qayb geli doonta wada hadalka Somaliland. Cali Khaliif waxuu caddeeyay inuu xaq u leeyahay xubinimada gudigaas isagoo ku faanaya shahaadada PhD ee uu ka qaatay jaamacad derejada saddexaad ah. Wuxuu illow sanyahay inuu xukuumadii Cabdi Qaasim uu Raysalwasaare ka ahaa isagoo ******* oo dhan metelaayey hankii loo qabay ku fashilmay oo Barlamankii Somaliya kalsoonidii kala noqday.

 

Cali Khaliif wuxuu reer sool siiba degaanka Buuhoodle ku noqday gantaal laga soo ridey Maraykan dhimasho iyo dhaawac tobanaan dhallinyaro ah sababay inkastoo uu yidhi somaliwayn ayaan u dhimayaaa siday Waheen 16/4/2012 qortay , haddii madaxwayne ku xigeen labaad loogu yeedhi lahaa isagoo ordaya ayuu Hargeysa imaan lahaa oo ku baaqaya madax banaanida Somaliland inay muqadas tahay.

 

Waxaan ka xumahay inay reer Buhodle noqdeen dad ninka doonaaba ku shaqaysan karo oo si fududna dagaal u gelin karo.”

 

Warqabadka Togaherer

 

Hargeysa, Somaliland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this