Sign in to follow this  
Mooge

Terrorist mastermind claims he was dating the suicide bomber after he was shown video

Recommended Posts

Mooge   

Mid Ka Mid Ah Shaqaalaha Wasaarada Arimaha Gudaha DKMG Soomaaliya Oo Shukaansaday Gabadhii Dhawaan Tiyaatarka Isku Qarxisay Intaysan Is Qarxin Ka Hor

April 17, 2012 | Filed under: QORMOOYIN | Posted by: admin

 

 

Mid ka mid ah shaqaalaha wasaarada arimaha gudaha ee dowladda ku meel gaarka ah ee Soomaaliya ayaa loo qabtay tuhunka la xiriira cidii fududeysay qaraxii ka dhacay tiyaatarka qaranka 4tii bishan April kaasoo ay masuuliyadiisa sheegteen Alshabaab isla markaana tuhun dhex dhigay masuuliyiinta dowladda federaalka ugu sareeya.

 

Ruuxan la qabtay oo aanan weli magaciisa helin ayaa la sheegay in hay’adda nabad sugidu ay ka dhex aragtay mid ka mid ah cajaladihii goobta laga duubay isaga oo la sheekeysanaya gabadhii is qarxisay, waxaase markii wax laga weydiiyey aqoonta uu gabadhaasi u leeyahay uu sheegay inaanu arag gabadhaasi aqoona u lahayn inkastoo markii cajalada loo daaray uu isku difaacay inuu shukaansanayey.

 

Muuqaalka ayaa sida la sheegay laga dhex arkay isaga iyo gabadha oo sheekeysanaya, dhowr mar ayuu ka tagay una soo laabtay, markii ugu dambeysay oo uu ka tagay ayey gabadhii soo istaagtay oo is qarxisay.

 

Arintan ayaa sii xoojinaysa in qaraxan ay fududeeyeen qaar ka mid ah hay’adaha dowladda, waxaana baaritaanka iyo su’aalaha ninkaasi la weydiinayo ay haatan ku wajahan yihiin inay jiraan masuuliyiin sare oo wasaaradaasi ka tirsan oo wax ka ogaa qaraxa. Wasaaradda arimaha gudaha ayaa ka mid ahayd hay’adaha dowladda ku meel gaarka ah ee garabka ra’iisul wasaaruhu ay ku eedeeyeen inay masuuliyadooda ka soo bixi waayeen, iyada oo la wada ogsoon yahay in wasiirka wasaaradaasi oo goobta ku casuunaa uu soo xaadiri waayo, taasoo shakiga sii xoojineysa.

 

Qabashada ninkan iyo rag kale oo ka tirsan xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa ku soo aadaysa xili ay is heytaan madaxda sare ee dowladda ku meel gaarka ah ee Soomaaliya, iyadoo ra’iisul wasaaraha iyo wasiiradii kale ee halista galay ay ku doodayaan in ay jiraan masuuliyiin ka tirsan dowladda oo wax ka oogaa arintan iyagoo su’aalo ka keenay sababta ay masuuliyiin uu madaxweynuhuk a mid yahay oo meesha lagu casuumay u soo xaadiri waayeen. Dhinaca kalena madaxweynaha ayaa wixii ka dambeeyey eedeyntii uu u soo jeediyey wasaarada warfaafinta aan hadal dambe laga maqlin.

 

Gudigii la sheegay in loo xilsaaray soo baarida qaraxan iyo cidii ka dambeysay ayaanan warkiisa dib dambe loo maqal, waxa kaliya ee socdaa waa dad ay xirxireyso hay’adda nabadsugida oo lafteeduba ka mid ah hay’adaha ay fartu ku godan tahay.”

 

Booramaonline Desk

 

Muqdisho/Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mooge   

his name is Cali Cabdi Wardheere. he is inlaw of mayor of mogadisho tarzan. he was caught two days ago but yesterday he was secretly freed by militia from tarzan/shariif clan. he disappeared again and people say he escaped the country. where will he go?

 

ufuZX.jpg

 

nairobi wa kacsan tahay maanta. this injustice will not go unpunished. these criminal gangs in mogdisho must be stopped.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mooge   

Mr Wardheere ayaa la sheegay in
hay’adda nabad sugidu ay ka dhex aragtay mid ka mid ah cajaladihii goobta laga duubay isaga oo la sheekeysanaya gabadhii is qarxisay
, waxaase markii wax laga weydiiyey aqoonta uu gabadhaasi u leeyahay uu sheegay inaanu arag gabadhaasi aqoona u lahayn inkastoo
markii cajalada loo daaray uu isku difaacay inuu shukaansanayey
.

he will be caught.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mooge   

he can't come to nairobi either there are murderer pirates everywhere and they run things here. looooool.

 

he will live in shariif's bedroom until amisom finds a rat hiding under bed.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Beer-Gaal;819882 wrote:
waar tollow war kaan maa lahubiyo?

lol...Beer-Gaal, waano abuuris baa ka horreysey ma maqashay?:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this