Sign in to follow this  
kingofkings

The hargeisa snm enclave going crazy

Recommended Posts

Abwaan Suugaantiisa ku dhaliilay Hoggaaminta Madaxwayne Siilaanyo oo maanta Xabsiga loo taxaabay

 

Hargeysa, 14 April, 2012 (SLpost)- Ciidamada Booliska Somaliland ayaa maanta Xabsiga Dhigay Mujaahid Haybe Faarax Nuur oo ah Abwaan Reer Somaliland ah oo ku dhaqan Magaalada Gabiley kana mid ahaa Mujaahidiintii Ururkii SNM ka dib markii uu suugaantiisa ku dhaliilay hoggaaminta madaxweyne Siilaanyo.

 

Mujaahid Haybe waxa uu madaxweynaha Dhaliishiisa u mariyey mid ka mid ah wargeysyada caasimadda ka soo baxa isaga oo Madaxwayne Siilaanyo ku Dhaliilay Hogaamintiisa Siyaasiga ah tan iyo wakhtigii uu ahaa Gudoomiyaha ururka SNM oo uu Sheegay inuu ku Dhaqmi jiray Cadaalad Darro, Eex iyo Qabiilaysi.

 

Goobjooge ku Dhawaa goobta lagu Qabtay Abwaanka ayaa Sheegay in Ciidan Tiro badan la dulgeeyay Abwaanka islmarkaana Gaadhi Qufulan lagu soo qaaday haddana uu ku Xidhanyahay Saldhig Boolis oo ku yaala Magaalada Gabiley.

 

Ma jiro Waaran Qabasho ah oo Abwaanka loo keenay Balse Ciidanku Waxa uu Xoog ku soo qabtay Abwaan Haybe Faarax Nuur oo aan la Garanayn Ujeedada ka Danbaysa Xadhigiisa,balse lala xidhiidhinayo Qabashadiisa dhaliilo uu madaxweynaha warbaahinta u mariyey kaas oo ku sheegay Dhawr Gabay oo ku Dhaliilay Hogaaminta Madaxwayne Siilaanyo

 

Abwaan Haybe Faarax Nuur waxa uu tiriyay Maansooyin badan oo Ku Dhaliilayo Hogaaminta Axmed Siilaanyo kuwaas oo ku Sheegayo in aanu ahayn Madaxwayne Cadaaliya Waxaa ka mid ah Maansooyinka Abwaanku Tiriyay Ereyadan:

 

Ninka Dawlad meeraran,

Daadihi la yidhoow,

Dayacdoo xilkaagii,

Hawshii laguu diray

dusheedaad ku gama’adoo,

Daa,uus sidaad tahay

Waad isdaawanaysee,

Dadkii kugu khasaaryoo,

Dabadhoonka maqashiyo,

Ma Xirsaa ku Daafici,

Mise waad iskaga degi doqoniimo qaadee

 

Abwaankan ayaa ka mid noqonaya qofkii labaad ee loo Xidho Dhaliisha Madaxwayne Siilaanyo isaga oo hore Xabsiga ugu jiray Boqor Cismaan Buur madow.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this