Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland national television opens multiple tv studios/offices all over Europe and north America

Recommended Posts

TV-ga Qaranka Oo Studio Uk Loogu Tallo Galay Ka Furanaaya Magaaladda Birmingham

 

somaliland_national_tv.png

 

April 5th, 2012

 

Telefeeshinka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo ah Telefeeshinka matala codka shacabka Somaliland meel kasta oo uu adduunka ka joogo ayaa lagu sameeyay ballaadhin iyo horumar la taaban karo tan iyo wakhtigii ay Xukunka qabatay Xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) Telefeeshinka Qaranka oo markii hore baahintiisu ku koobnayd gudaha ayaa hadda laga daawada dhammaan dacalada dunida.

 

intaas uun laguma joojin ee waxaa hadda socda tayayn iyo ballaadhin aad u baxad weyn oo lagu wado Telefeeshinka, haday tahay qaybihiisa dibadda iyo gudahaba. Haddaba xarunta labaad ee Telefeeshinka Qaranka oo ku taala waddanka Ingiriiska ayaa yana ku guda jirta balladhin iyo dib u habyn baaxad leh, yadoo dhawaan barnaamijyo si Live ah loo daawado laga soo gudbin doono xarunta uu Telefeeshinku ku leeyahay waddanka Ingiriiska. Sida haddaba lagu sheegay warsaxafadeed ogaysiin ah oo ka soo baxay xafiiska Madaxa goblada Uk ee Telefeeshinka Qaranka Muniir Axmed Cigaal ayaa lagu sheegay in xadhiga laga jari doono Studio loogu tallo galay Gobolada waddanka Ingiriiska wakhtigaas oo ku beegan 14/4/2012.

 

Iyadoo xaruntan loogu tallo galay inay *****sho baahida bulshada rer Somaliland ee ku dhaqan gobolada waddanka Uk wixii ka baxsan Magaaladda London, maadaama oo shacabka rer Somaliland aanay wadda degenayn magaaladda London oo kaliya. Warsaxafadeedkii oo dhammaystiran wuxuu u qornaa sidan.

 

“Telefeeshinka Qaranka Somaliland oo ah midka huwan haybada iyo codka ummadda Somaliland oo dhan meel kasta oo ay adduunka ka jogaan, waxaa wajib ah in goob kasta loogu geeyo adeega iyo ka haqabtirka bulshada uu metelo Telefeeshinku, haddaba annaga oo taas ka duulayna waxaa dhammaan la ogaysiinaya bulshada rer Somaliland ee ku dhaqan Gobolada Uk in lafuraayo xarun cusub (Studio) oo qaabilsan adeega Gobolada uu ka kooban yahay waddanka Boqortooyadda Ingiriisku, ka dib markii aanu daraasad dheer ku eegnay goobta ugu haboon ee dhex u noqon karta dhammaan Gobolada isla markaana xidhiidhsiin karta waxay noqotay badhtamaha waddanka halkaas oo ah caasimadda labaad ee waddanka Britain magaaladda Birmingham.

 

Dabcan xarunta waddanka Ingiriiska ee Telefeeshinku waa magaaladda London, balse xafiiskan cusub waxaanu ugu tallo galnay si loo fududeeyo hawlaha Gobolada yadoo uu noqonaayo Telefeeshinaka Qaranku Tv´gii ugu horeeyay ee ka furta meel ka baxsan London Sutdio dhammaystiran. Waxaanu sidoo kale xarun ka samyn doona magaaladda Sheffield yadoo uu xafiiskasi hoos iman doono xarunta Birmingham ee Goblada.

 

Haddaba waxaanu ogaysiinayna dhammaan bulshada rer Somaliland ee ku dhaqan Gobolada Uk in xaflad ballaadhan oo xadhiga lagaga jaraayo Xaruntan cusub lagu qaban doono magaaladda Birmingham, taariikhdu markay tahay 14/4/2012 oo ku beegan maalin Sabti ah, Goobta xafladu ka dhacayso iyo saacadaha waanu idinku soo wargalin doonaa.”

Share this post


Link to post
Share on other sites

Telefishanka Qaranka Somaliland oo Xafiis cusub ka Furtay Gobolka Minnesota

 

Dhamaan dadkii madashaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay aad u soo dhawaynayaan tv- qaran....

 

Tilifishanka qaranka Somaliland ayaa xafiis cusub ka furrtay magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota.munaasibad balaadhan oo xadhiga lagaga jarayay xaruntaasi cusub ayaa lagu qabtay hutel ku yaala magaalada Minneapolis. Munaasibadaasi oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa wax ka soo qayb galay madaxda iyo hormoodka jaaliyada reer Somaliland ee ku nool gobalka Minnesota ,waxa kale oo ka soo qayb galay xubno sarsare oo ka socda aqalka wakiilada gobolka Minnesota oo ay ka mid tahay haweeynayda caanka ah ee la yidhaahdo Karen clark ,munaasibadaasi waxa kale oo ka soo qayb galay shakhsiyaad mihiima oo ka socday jaaliyadaha kale ee somalida minesota ,waxa kale oo ka soo qayb galay fanaaniin caan oo aad looga yaqaano dhulka somalidu degto oo madashaasi ka soo jeediyay madadaalo aad u heer saraysa,madashaasina waxa laga jeediyay hadalo qiimo leh oo lagu soo dhawaynayo tv-ga qaranka eeka hano qaaday magaalada Minneapolis. Ugu horayn waxa halkaasi ka hadlay agaasimaha tv-ga qaranka Somaliland ee waqooyiga America mr.samiir barre awgab oo ka hadlay marxaldihii kal duwanaa ee uu soo maray tv-guud ee qaranka iyo marxaladihii uu soo maray xafiiskan cusub ee laga furay Minnesota ,mr samiir waxa kale uu sheegay in tv-ga qaranku uu dawaynaha reer Somaliland eeku dhaqan gobolka Minnesota uu u suurto galin doono in ay fikirkooda ka dhiibtaan arimah ka jira wadankooda hooyo ee Somaliland isla markaana uu noqondoona il wareed lagu kalsoonyahy oo ay kaal socdaan hor umarka ka jira wadankooda hooyo ,mudane samiir waxa uu ku nuux nuuxsaday in uu tv-ga qaranku noqondoono mid dhex u ah dhamaan muwaadiniinta rer Somaliland eek u dhaqan dalka maraykanka muxaafid iyo mucaaridba.

 

Dhamaan dadkii madashaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay aad u soo dhawaynayaan tv- qaran ee ka howgalidoona magaalada Minneapolis waxayna ku tilmaameen horumar wayn ay ku talaabsatay wasaarada warfaafinta Somaliland iyo xukuumada jamhuuriyada Somaliland guudahaan, sadanihii ugu danbeeyay tv-qaranku hor u mar balaadhan ayuu sameeyay ,xarumo badan ayuu ka furtay wadamada ku yaala yurub Africa iyo asia ,xaruntani laga furay magaalada Minneapolis ayaa noqonaysa xaruntii ugu horaysay ee tilifishan afsoomaali ku hadlaayi uu ka furto magaalada Minneapolis ee wadnka maraykanka ,ugu danbayntii waxa halkaasi heeso madadaalo ah ka soo jeediyay fanaaniin caan ah oo ay ka mid tahay fanaanada caanka ah ee hodan c/raxmaan, oo ay dadkii madasha joogay oo dhami ay aad ugu riyaaqeen guud ahaan madashaasi ahaa mid aad uquruxbadan oo ay dakoo dhami ad ugu farxeen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this