Sign in to follow this  
kingofkings

Where is the Puntland Government ?

Recommended Posts

Qaylo dhaan xooggan ayaa kasoo yeereysa deegaanada ay abaaruhu saameeyeen ee ku yaal bariga fog ee gobolka Bari.

 

Dhulkaas oo mudo 5-sano ku dhow aan wax roob ah helin ayaa waxaa ka taagan biyo la’aan aad u daran.

 

Abaarta oo ah tii ugu adkayd ee in mudo ah deegaanadaas ka dhacda ayaa sababtay dhimashada dhowr qof oo caruur u badan.

 

Caruurtan oo ay tiradoodu 4-tahay ayaa u geeriyoodey nafaqo darro iyo cuduro uu shuban biyoodku kamid yahay kuwaas oo meelaha qaar ka dilaacay.

 

Sidoo kale waxaa dadka geeriyoodey ku jira 2-dumar ah. Hooyooyinkaas ayaa dhintay kadib markii ay dhiig la’aani soo food saartay xiligii ay umuleen.

 

Dhinaca kale waxaa meelaha qaar ka bilowday barakac baahsan kadib markii ay abaartu dishey in badan oo kamid ah xoolihii ay dadku dhaqanayeen.

 

Inta u dhexeysa degmooyinka Qandala, Caluul iyo Baargaal ayaa ah deegaanada ugu daran ee ay abaartu sida ba’an u saameysey.

 

Man jirto ilaa iyo hadda cid dadka ku dhaqan deegaanada abaareysan ee gobolka Bari taageero u fidisay marka laga reebo dowladda oo sheegtay inay u gurman doonto.

Share this post


Link to post
Share on other sites

How can PL stand idly by and do nothing while their precious citizens are dying of lack of basic necessities such as water and food. SHAME ON YOU PL GOV:confused::(:mad:

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gudoomiyaha Bari: ” Waa loo gurmanayaa Deegaanada ay abaaruhu ka jiraan”

 

Maamulka gobolka Bari ayaa ka hadlay abaaraha dabada dheeraaday ee ka taagan qaar kamid ah deegaanada kulaala xeebaha labada badood ee Inida iyo gacanka cadmeed.

 

Gudoomiyaha gobolka Bari Cabdisamed Maxamed (Gallan) ayaa sheegay in maamulka gobolku uu dejiyey qorshe ku aadan sidii dhibaatooyinka ay abaaruhu keeneen wax looga qaban lahaa.

 

Wuxuuna intaas ku daray in qaylo dhaanta ku aadan xaaladda abaaraha ay u gudbiyeen dowladda dhexe ee Puntland iyo hay’adaha samafalka ee maxalliga ah iyo kuwa kale ee caalamiga ah.

 

Gudoomiyaha gobolka Bari ayaa dhinaca kale sheegay in maamulka gobolku uu sida ugu dhakhsaha badan ugu gurman doono deegaanada ay abaartu ka jirto islamarkaana la sameyn doono hawlo biyo dhaamis ah si looga hortago in xaaladdu ay kasii darto.

 

Hadalka gudoomiyaha gobolka ayaa imaanaya xilli xaaladda abaartu ay tahay mid kasoo daraysa marba mark ka danbeysa, waxaana qaar kamid ah deegaanada abaareysan siyaabo kala duwan ugu geeriyoodey dhowr qof.

 

Abaarta ka taagan deegaanada ku yaal bariga fog ayaa ah tii ugu ba’neyd ee la arko in mudo ah, waxaana dhulkaas ka jirta biyo’laan daran kadib markii ay qalaleen inta badan ceelashii ay dadku ka cabi jireen mudo 4-sano ka bandanna aysan wax roobab ahi ka di’in.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

Inta u dhexeysa degmooyinka Qandala, Caluul iyo Baargaal ayaa ah deegaanada ugu daran ee ay abaartu sida ba’an u saameysey.

I think 1.3 million was allocated to them this year, where did that money go?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somalia;813981 wrote:
I think 1.3 million was allocated to them this year, where did that money go?

if the gov. allocated 1.3 million for these counties, then the idi@ts that missed placed the funds need to be brought to court for crimes against humanity. :mad:

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mario B   

It's good to see a little less hero worship on here for once from the two of you, this is a serious matter InshaAllah i will be making rain dua for puntlanders and all Somalis and non Somalis in the horn.

Share this post


Link to post
Share on other sites
b-boy   

The admin have taken steps to deal this just yesterday the mayor of Baargaal was touring the eastern Bari coast to assess the situation there.

Share this post


Link to post
Share on other sites

b-boy;813991 wrote:
The admin have taken steps to deal this just yesterday the mayor of Baargaal was touring the eastern Bari coast to assess the situation there.

finally a good news. thanks for the update.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this