Sign in to follow this  
Shinbir Majabe

WarDegDeg: Ciidammada Ahlu Sunna oo la wareegay Ceelbuur iyo Maxaas

Recommended Posts

Ciidammada culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca oo garabsanaya kuwa Ethiopia ee ogolaanshaha DKMG dalka kusoo galay ayaa goor dhow siyaabo kala duwan ula wareegay degmooyinka Ceelbuur iyo Maxaas oo ku kala yaalla gobollada Galgaduud iyo Hiiraan, iyadoo firxadka malleeshiyaadka Al-Qaacidda ay ciidammada ku raad jooggaan.

 

Howlgalladani ka kala dhacay degmooyin ku yaalla Galgaduud iyo Hiiraan waxaa si wadajir ah u fuliyay ciidammada Ahlu Sunna oo kaashanaya ciidammada Itoobiya, degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud oo ay maalmahan dulleedkeedu ku sugnaayeen ciidammada Qalabka Sida iyo ciidammada Itoobiya kaddib markii ay isaga carareen malleeshiyaadka Al-Qaacidda ayeey Galabta gudaha u galleen halkaasi ciidammada.

 

Markii ay ciidammada gudaha u galleen degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud ayaa waxaa halkaasi ay billaabeen howlgallo kale, iyagoo haatan ku raad joogga haraadiga malleeshiyaadka Al-Qaacidda, waxaana deggan xaaladda degmada, waxayna ciidammadu galleen iyadoo aysan wax dagaallo ah ka dhicin.

 

Dhinaca ciidammada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Itoobiya ayaa isla galabta la wareegay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, halkaasi oo ay saraakiisha dowladda horrey u sheegtay in saacaddaha soo socda ay gaari doonaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xaaji Xunjuf;809908 wrote:
^^ Waxad ilawday xabashida la socday sideed u ilaawi karta ninka meesha hormoodka ka aha.

My thread is more realistic.

Ethiopia captured Maxaas & Ceelbuur lol

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kuwa Baydhabo iyo Baladweyn qabtay ayaga yay ahaayeen? Ethiopia ciidankeeda way na support garaynayaan, marki howsha dhamaatana dib ayay u laabanayaan.

 

Shabaab cadaw ka weyn Somalia ma jiro.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shinbir Shabaab wa wiilal yar yar oo Somali oo la majaharabiyey waxad ka dhigaysa Yuhuud oo kale wa wiilal u bahaan inay dalkooda oo joogaan ogow caruurtay amxaaradu diilaan wa caruur inaga dhimatay wa jiil so koraya.. itoobiya 2006 markay maxakiimta ay haysteen Somalia soo may so galin xoog kumay soo galin soo lama didiin soo sharifka aad hada avaterkisa siidato dagaal jihaad ah ma iclaamin maanta muxu uga hadli wayey. Korneel Abdilahi Yusuf ma wax kala lugu diidana tallow?

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^ waxaad rabtaa in aad isku meel dhigto Maxkamadahi Islaamiga iyo Shabaab. Adeer farqi weyn ayaa u dhaxeeya, Maxkamadaha waxay isugu jireen cid walba, laakiin Alqaacidada Soomaaliya waa danbiilayaal aanan arxan lahayn.

 

Dhibka ay magaalada Ceelbuur ka geysteen 5 tii sano ay heysteen wax la soo koobi karo ma ahan, Ilaahey ayaa dadka ka kor qaaday, Itoobiyaanka cid jecel ma jirto, waana cadaw soo jireen ah laakiin xaaladda hadda la taagan yahay ayaa saamaxayso in aad kala doorato laba dhib kan fudud.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shinbir anigu iga sheekeyn meysid markay amxaaradu so galeen 2006 akhirkeedi waxa so dalbatay dawlad sida tan oo kale TFG ba la odhan jiray waxa ka ah madax ah nin la odhan jiray Korneel Abdilahi Yusuf 2 cisho ka hor bu geeriyooday iyo nin la yidha Ali maxammad geedi, Waxay ku andacoon jireen Alqacida ba joogta Somalia halanaga so gaadho wa ti la so galay. Ha ilaawin dagaaladi Xamar ka socday waxa waday koox la odhan jiray muqaawamada 2007 wa kuwi iyago akhirteenki Shabaab noqday xita tarzankan hada xamar ka ah mayorka london wuxu ka laha down amxaaradu maanta laakin wa la wanaagsanyihin. Maxakimti ragi hormood ka aha qeyb ba Shabaab noqday qaar na way iskaga baxeen siyasadi qaar way dhinteen qaar dawlada TFG bay u galeen shirarki Djibouti ayaa lugu kala qeybiyey Kagan Shinbir Majabow la yidhahow Amxaaradu kheyr Somalia uma so wadaan wabaanu u fadhina laakin iga qor wey iska tegi doonaan beri iyago waxba so kordhin waxay ka tagayaan uun magaalooyin ay babiyaan dad ay layaan taasna dawlada aad tageertiid ba ka raali ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^ waa sidaan filayay, wax kale oo Shabaab la isaga celin karo ma heysid.

 

Waxaa ii cad inaadan aqoon u lahayn Maxkamadihi 2006, haddiiba ay kuula mid yihiin Shabaabka hadda jira. TFG du wali waa sideedii oo AY iyo Shariif wax farqi wayn uma dhaxeeyo, laakiin farqi wayn waxuu u dhaxeeyaa Maxkadamaha iyo Shabaab. Maxkamadaha waxaa ku jiray ururo diini ah oo kala fikir duwan, sida: Al Itixaad, Salafiyah, Al Ictisaam, Al Islaax, Suufi, Ganacsato, Aqoonyahanno iyo qeybaha bulshada ay ka kooban tahay. Hogaankooda waxay ahaayeen dad la yaqaan oo xushmad iyo wadaniyad labadaba lagu yaqaan, Halka Shabaab ay leeyihiin hal fikir oo ka siman, hogaankoodana aan la aqoon, maslaxadda Dalka iyo Dadkana aanan ka shaqayn.

 

waagii 2006, Maxkamadaha hogaankooda waxay ogolaayeen wada hadal, waxaana ka go'need iney Dawlad Soomaaliyeed la sameeyo taasoo ku salaysan Sharciga Islaamka, Laakiin Shabaab marnaba ma doonayaan inay miiska wada hadalka soo fadhiistaan, dad aana ayaga ahayna waxay u yaqaanaan Murtadiin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dowladda Soomaaliya Oo Ka Hadashay La Wareegidda Magaalooyinka Istiraatiijiga Ah Ee Ceelbuur Iyo Maxaas.WARSAXAAFADEED

 

(Muqdisho, Marso 26, 2012) Ciidamada Soomaaliya oo garab ka helaya Ciidamada Itoobiya waxay ka xureeyeen Magaalada Ceel Buur(Gobolka Galgaduud) iyo Magaalada Maxaas(Gobolka Hiiraan) iyo deegaano hoos yimaad, maanta Maleeshiyaadka Al-shabab (Al-qaacida Soomaaliya) ee

argagixisada ah iyadoon wax iska caabina aysan jirin.

 

Waxaa farxad leh in Shacabka degan labada magaalo ay ku soo dhaweeyeen ciidamada xureynayay Alalaas, caleemo qoyan, iyo ubax , iyagoo muujinayay farxada ay u qabaan in sadax saneo ka dib ay ka xuroobeen, duleysigii, dhibaatadii iyo rafaadkii ay ku hayeen maleeshiyaadka Al-shabab.

 

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Boostada & Isgaarsiinta Mudane C/qaadir Xuseen Maxamed (Jaahweyn) oo wareysi uu siiyay Warbaahinta Qaranka- ayaa yiri “waxay u tahay farxad weyn dhamaan shacabka Soomaaliyeed, xukuumadda iyo gaar ahaan shacabka labada magaalo iyo degaanada kale ee ugu danbeyn laga xureeyay duleysigii iyo tacadigii ay ku hayeen argagixisadu, waxaa farxad ah in gacanta dowladda ay ku soo noqdeen”

 

Wasiirka ayaa intaa ku daray “ Hore ayaa xukuumada Soomaaliya wacad ugu martay xureynta dhulka cadawgu haysto iyo in ay waajib ah a soo celinta nidaamka sharcigga goobaha xorooba, mana la ogola xad-gudub iyo aargoosi shaqsiyaadeed oo ku salaysan tuhun. Cidii danbe gashayna waa in sharciga la horkeeno si loogu cadeeyo sharciguna isagaa sarreeya, lana dhowro Cadaaladda, taasoo ah tilmaamnta ay Xukuumadda Soomaaliya uga duwan tahay Maleeshiyaadka Al-shabab ee Argagixisada ah”

Wasiirka ayaa hadalkiisa ku soo gunaanaday “waxaan ugu baaqaayaa dhalinyarada la marin habaabiyay ee da’ada yar ee weli ku harsan Al-shabab ee ku howlan waxan Diinta iyo caqliguba ogoleyn iney ka haraan danbiilayaasha baxsadka ah iyo Ajaanibta aan arxanka u hayn dadkeena iyo dalkeena, kana faaideystaan dhalinyaradu cafiska Xukuumadda Soomaaliya si ay uga baxaan

dhibaatada ay ku dhex jiraan, tiiyoo waqtigu gabaabsi yahay”.

 

Dhamaad

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this