Sign in to follow this  
NASSIR

Gudiga Jaaliyada Maakhir State oo Nairobi ku Shiray +Sawiro

Recommended Posts

NASSIR   

Nairobi:-:- Gudiga Jaaliyada Maakhir State ee Dalka Kenya ayaa Maanta Shir isugu Wacay Xubnaha Gudigaasi iyo qaar ka mid ah Jaaliyada oo Dalka Kenya Sugnaa, Shirka oo ka dhacay Hotel Madiina Mall waxa looga hadlay Xog Waraysi ku aadan Xubnihii ka qayb Galay Shirkii Jaaliyadaha Gobolada Sanaag,Bari, iyo Hayland ee ka dhacay Dalka Uganda.

 

Caaqil Cabdi Nuur Maxamed Xaaji oo Furay Shirkaasi ayaa Faah Faahiyay Ujeedka Shirka waxana uu sheegay inuu ka mid ahaa Xubnihii ka qayb Galay Shirkii Midaynta Jaaliyadaha Geeska Africa ee Kampala lagu qabtay, isaga oo Amaan u Jeediyay Jaaliyadii Maakhir State ee dalka Uganda sida wayn ee ay soo dhaweeyeen.

 

Hadalka ayaa lagu Wareejiyay C/salaan Cismaan Bulqaas oo ah G/Xigeenka Jaaliyada isaga Wax ka Taabtay Shirkii ay Galeen iyo in la Magcaabo Dhowr Xubnood oo Jaaliyada Kenya ay ku Darsato Dallada Wayn ee Midaynaysa Jaaliyadaha geeska Africa,sida Uganda, Sudaan, Ethiopia.

 

Waxa Goobtaasi ka hadlay Caaqil Cabdi Qani Maxamed Qoobay oo isna Hormuud u ahaa, Gudidii u Anba Baxday Dalka Uganda, isaga oo Xusay inay la Kulmeen intii ay Kampala Joogeen Wakiilo badan oo Maamulo Goboleedyo isla markaana lays dhaafsaday Arrimo badan.

 

Wuxuu soo qaatay Kulan ay Khaatumo yeesheen kaasi oo salka ku hayo Xoojinta Daris Wanaagsa Bulshada Deegaankaasi.

 

Mr Qoobay ayaa Carabka ku adkeeyay inay Muhiim tahay in Midnimada Somaliya loo si taago isaga oo dhaleeceeyay Cid kasta oo Doonaysa inaan Deegaanka Maakhir Horumar la Gaadhsiin.

 

“Wuxuu Yiri Afar Qof aya Gobolada Amaankiisa ka shaqayn Kara hadii la dhahao Looma dhama waxba Socon Maayaan intii Meel ku Shirta ee Wax Fiican Soo Saarta Hala taageero looma dhama waa waxa Deegaanka Halkaasi dhiga Maanta” Ayuu yiri

 

Dhanka Amaanka ayuu wax ka taabtay isaga Xusay inay Beesha Caalamka Gaadhsiiyeen Fariimo badan oo ah inaanu Deegaankaasi ahayn mid Aan Qalalaase ka Jirin balse uu yahay Mid Nabadoon, kaasi oo aanay Marnaba ka dhicin Dilalka Qorshaysan ee Gobolada Pl Inta badan lagu Yaqaan.

 

C/raxmaan Maacir oo ka mid ah Odayaasha Jaaliyada oo Shirkaasi ka soo qayb Galay waxa uu ka halday Aragtidiisa ku aadan Dhismaha Maamulkaasi Maakhir State isaga oo Tilmaamay in ay Muqadas tahay in Beelaha Goboladu ay Shiraan isla markaana Go’aan Midaysan ay wada qaataan.

 

Cali Saalax Shire Ciyoon oo dhawaan dalkii Ka Yimi ayaa Jaaliyada uga Warbixiyay Marxalada ay ku Sugan yihiin Goboladii Maakhir State waxana uu xusay inaanay jirin wax dhiila Colaadeed ah, hase ahaatee uu Mahadnaqa uga siday dadkii Gudaha ku dhaqnaa Jaaliayda Kenya oo ah mid Fir Fircoon.

 

Gudoomiye ku xigeenka Maxamed Siciid Kurre ku dhawaaqay in Gudida dhexe ee Jaaliyadu ay Go’aan ka Gaadhaan Xubnaha Dallada Wayn ugu Biiraya taasi oo dhamaan laysku Raacay

 

Gaba Gabadii ayaa Jaaliyadu Tacsi u dirtay Umada Somaliyeed Geeridii ku Timi Madaxwaynihii Hore ee Somaliya Coll C/laahi Yuusuf waxana ay Ilaahay uga Baryeen inuu Janadii ka Waraabiyo.

 

GalGalanews.com/Nairobi

 

Sawiradii Shirkaasi Hoos ka Daawo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Is it me or Maakhir is more active on SOL...How come I don't read a lot about this area on Somali websites?

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

Abwaan, Only News from Xamar dominates Somali sites, particularly neutral ones.

 

Maakhiris have long learned that building real institutions is the key to creating a viable federal state.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

^ Somalia, The borders are in line with the Sultanate of Ina Ali Shire with modifications of course just like PL traces its history to the old Kingdom.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Funny because they are not from your clan mise wax kalaa jira? Please explain why you find them funny. Yaab badanaa....Soo dad Soomaaliyeed ma ahan oo waxa aad adigu xaq u leedahay iyaguna uma lahan?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

NASSIR...I guess dhulka sidaas u weyn dadku kuma badna...Mise adina waxaad dhihi rabtaa 1/3 of Somalia ayaa meesha deggan awal baa dad taas maaro looga waayee?:D. Adigoo ayidaya xitaa inaan akhriyey baan moodayey haddii aanan khaldanayn:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

Abwaan;808883 wrote:
NASSIR...I guess dhulka sidaas u weyn dadku kuma badna...Mise adina waxaad dhihi rabtaa 1/3 of Somalia ayaa meesha deggan awal baa dad taas maaro looga waayee?
:D
. Adigoo ayidaya xitaa inaan akhriyey baan moodayey haddii aanan khaldanayn:D

Abwaan, Sidaad ula socoto goboladan dhibaato siyaasadeed baa haysata taasoo carqalad wayn ku haysa gobolka horumarkiisa. Suaasha waxa weeye maadaama Somalia ay ka jirto dowlad federaal ah, sooma wanaagsana in la taageero maamulada ka jira gobolka Maakhir loona ansaxiyo budget ama laga caawiyo wixii ayaga cashuur ahaan ama deeq ayka helaan dadka u dhashey gobolka sida ay dowlada federaalka ee Mareykanka ay u caawiso gobol kasta , degmad kasta. Waxaa loo baahan yahey waa laamiyaal, airport iyo deked. Inta kale maamulka iyo shacabka ayaa qabsan kara.

 

Waxaa kaloo leeyahey sidaan hore usheegey in state walba laga mamnuuco ciidan aan ka aheen kan nabadsugida ama bileyska iyo maxkamado hoose iyo dhexe.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this