Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Im back

Recommended Posts

Miskiin xooga sawiro aan haaya inta badan waa private sawiro aan cidaha ka qaaday laakin Yaaqshiid iyo Kaaraan ayaan sawiro ka haaya.Meshii waa so mari waaye wakhtiga igu yaraaday cid kasta ku imaaneyso xitaa badda liido inaan ku dabaasha wakhti uu waayay ka waran.

 

Malika abaayo walahi xamar iska okey ay aheyd nabad buuxda kama aysan jirin sababtoo markii aan tagaye Al shabaab meelo badan ay ka joogeen magaalada gaar ahaan dhanka warshadahaa iyo huriwaa iyo dhinacyadaas mararka qaar madafiic iyo dagaal ayaa ka dhacaye dhinaca Soos hadana yaaqshiid iyo kaaraan iyo waqooyiga tuugo ******** aa ku badnaa oo ka tirsan ciidanka dowladda ciidanka waa 2 nooc kuwana waa ******** kuwana waa dad fiican. Koleey 2 bilood kahor ay aheyd taasi hadda xooga wey dhaanta sidii hore sida ay qaraabada sheegaayaan.

 

Juxa Juungaal ayaan degeneyn meel uu dhow iskool Yaaqshiid oo dhaxeeysa labada wado 30ka iyo warshadaha.Sawiradana inshallah intaan ka haayo sida ugu dhaqsiyaha badan aa idin gudbinaa.Thanks for the welcoming abaay

 

Blue barasho wanaagsan sis , hada kedib xigtaa nahay yaah :)

Share this post


Link to post
Share on other sites
BOB   

Welcome back macalinka weyn, gadaashaa cida hal jiijiile aa kusoo kordhay oo baal riig aasba ciyoow horey ka billaabay jiijiil kale inaan u jiriyo waaye hada ee wax nuuraayo Sweden iyo Yaaqshiid makusoo aragtay? maxaa heysaa adiga sidaada kale? Cadaygii iyo macawiistii aa iga ballan qaaday maii keente mise waa i hilmaanre illeen mudo aan kala maqneene? qaraabada sidee aheeyeen? deriskana ka waran iyaga? ciyaalka xaafada ka waran? macallinka dugsiga ka waran? warka isii abaabiina, meeqa gabdhood aa lagu siiyay intaa Xamar joogtay? meeqaa taleefankooda kasoo qaadatay? soo dhowoow abaa warkana isii. :D

 

 

 

 

 

 

 

 

Peace, Love & Unity.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ar Bob horta marka horeeto xaa laga jiriyay xamar isweydii bal, xaajiyada waala barajeeyay midoo baarri oo raaliya ah ayaan xamar ku mehersaday waxaa lay sheegay asalkeedu waa reer waamo :). alhamdulilah bas bash waaye sxb, caday iyo macawiis aa duqa midoo ladan oo qurux dhaaftay aa ku habeeyay ee adiga isa soo diyaari summer-kaan aan kuso guuriheeyna.. Qaraabada waa ladan yihiin, deriska iyo ciyaalka xaafada qaati aaka tagnaa sxb, xamar dadkii hore waa wax dhintay iyo wax qaxay dad oo nareefoos cilan heeyso lee ku haray meeha indhihiiba ka ridaayan ani muggoo dadkan waa is fahmi weynay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
BOB   

Ee hadaaba gabar reer waamo soo guursatay macawiis iyo caday walax ka ween aan kugu leeyahay oo seedigaa aan ahay, soomalina waxee dhahdaa seedi waa beer (ma aha beer kii qamriga ee beerkii la cunaayey aan sheegooyaa :D). Reer waamo baarinimada waan ku ogaa illaahay igama qaado, hilib qubo ii samee ku dheh subagiisana cab, teeda kale malaay noocaa rabto sheego wee kuu dubee laakiin habeenkii in la cayaarsiiyo ee rabtaa ee taas ha hilmaamin oo walibana cayaar dhuu-dhuumashoow eh ee jeceshahay. ;D

 

Aniga summer iska dhaafee hadda xataa diyaar aan ahay laakiin hal cilad aa jirtaa widaaygeey, kuwa soomaaliya joogo aniga waa ka cabsahaa been ma sheegaayi, kuwaas haba i maqashiin hana igusoo qaadin wadnahaa rig i dhahaa, kuwo fish & chipska eh aan jeclahay kuwaas aan is fahmeenaa, inkastoo iyagana ay shiishada aad u jecelyihiin hadana baariyaal waaye oo wax waa maqlaayaan, kuwaas hadii meel iigu ogtahay farta iigu tilmaan saacadaan aan kabeheey soo gashahaa waana soo biibaa. :D

 

 

 

 

 

 

 

Peace, Love & Unity.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Bob waa hagaag :) Midoo fish and chips oo reer waamo ah oo qatar cadiim anaa kaga raadinaayo UK gaar ahaan Leicester maxaan gabdho nuuraayo ku arkay magaaladaas gaar ahaan meesha la yiraa St. Mattews kk.

 

LST thanks sxb lool wiilka shariif waaba amaan yaah xaaji

Share this post


Link to post
Share on other sites
BOB   

oba hiloowlow;807951 wrote:
Bob waa hagaag
:)
Midoo fish and chips oo reer waamo ah oo qatar cadiim anaa kaga raadinaayo UK gaar ahaan Leicester maxaan gabdho nuuraayo ku arkay magaaladaas gaar ahaan meesha la yiraa St. Mattews kk.

Leicester inee reer Alles Goed u badan yihiin aan u maleenaaye mise? :) UK caadi ma aha abaa, wixii bilcaamo ahaay oo aan Africa ka dhex raadin jiray illeyn inteeba ii joogaan, kabahaa iiga dhammaaday Africa. :)

 

 

 

 

 

 

Peace, Love & Unity.

Share this post


Link to post
Share on other sites
wyre   

Welcome back brother Oba long time yaakhey, SOL saa oga tagtay nuurki waa ka tagay waa lagu tabay

 

Miskiin-Macruuf-Aqiyaar;807831 wrote:

 

here is a more newer version by Khaalid.

 

 

 

.

Believe me nuunka ninkaan hees ma ahane heeso uu isku walaaqay, wuu ku ciyaaray heesti dhameyd maxaa u dhiibay

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this