Sign in to follow this  
NASSIR

Xafladii Maakhir ee Kampala Iyo Jaaliyadaha Geeska Africa oo la mideeyey -Sawiro

Recommended Posts

NASSIR   

13th March 2012 ·

 

Xafladii Maakhir State oo Kampala Lagu qabtay iyo Jaaliyadaha Geeska Africa oo la Mideeyay.

 

Xaflada Balaadhan oo ay soo qaban qaabiyeen Jaaliyada Uganda ee Maakhir State ayaa lagu qabtay Dalka Uganda Xafladaasi ayaa Ujeedkeedu ahaa in looga doodo arrimo badan waxana Arimaha looga hadlayay ka mid ahaa Midaynta Jaaliyadaha Geeska Africa ee Reer Maakhir State.

 

Munaasibadaasi oo ahayd mid aad loo soo Agaasimay waxa lagu Casumay oo Khudbado ka Jeediyay Wakiilo ka kala socday Maamulada Khaatumo State, Galmudug State, Raascaseyr State, Puntland State, awdal State.

 

Ugu Horayn waxa Xaflaasi ka hadlay Ganacsade Maxamed Aadan Ciise [Jagac] oo ka mid ahaa Odayaasha Laf dhabarta u ah Jaaliyada Maakhir State ee dalka Uganda.

 

Mr Jagac ayaa xusay inay u Mahadcelinayaan dhamaan Xubnaha Xafladaasi lagu Casumay ee ay ugu Horeeyaan Maamulada ka Jira Somaliya.

 

Sidoo kale waxa uu Faah Faahin dheer ka Bixiyay Baahida loo qabo in Dadka Deeganada Sanaag,Hayland, Bari ay Diyaar ugu Yihiin inay ka Tashadaan Mustaqbalkooda iyaga oo aan Cidna Duulaan ku Ahayn.

 

“Munaasibadan Balaadhan waxa soo qaban qaabiyay Jaaliyada Maakhir State ee Geeska Africa waxaana Dalka Kenya Nooga Yimi Shan Xubnood kuwaasi oo ka mid ah Maakhir State Xafiiskooda Kenya Ujeedka aanu u qabanay Mahan inaanu cid ku Duro ama Cid Gaar ah wax uga sheegno Kaliya inaanu Beesha Caalamka iyo Maamulada Hareeraha, iyo Xitaa Somalida kale u Sheegno in Deeganada aan Sheegay ay Yihiin Nabad isla markaana aanay ka Jiro Dhiila Colaadee” Ayuu Yiri Ganacsade Jagac.

 

Docda kale Gudoomiyaha Arday reer Maakhir ee Uganda C/saaq Axmed Siciid [ Abdi Qaraaje] ayaa Hadalka lagu soo dhaweeyay isaga oo Mahad u celiyay Dhamaan ka soo qayb Galayaasha iyo Xubnihii ka soo Safray dalka Kenya isaga oo sheegay inay ka Urur ahaan ay wax wayn qabteen isla markaana ay xidhiidho badan la sameeyeen Jaaliyadaha kale ee Geeska Africa.

 

Dhanka Jaaliyada Dalka Kenya oo ah Jaaliyada ugu Miisaanka Culus ee Reer Maakhir waxa shirkaasi uga qayb Gala Shan Xubnood,waxana Shirkaasi ka hadlay, Gudoomiyaha Jaaliyada C/salaam Cismaan Bulqaas oo wax badan ka Taabtay Muhiimada Kulanka iyo wixii u Hirgalay intii ay Xafiiska Joogeen, sidoo kale waxa isna lagu soo dhaweeyay Caaqil C/Nuur Sharmaake Maxamed Xaaji oo ka mid ahaa Waftigii Kenya ka soo Duulay,Caaqilka ayaa sheegay in Ay Bilaabatay Duufaantiin Reer Maakhir ee ay ahayd in laga Gudbo Marxalada qalafsan ee ah Maamulada Hareeraha, Caaqilka ayaa dhaliilay Shirkadaha Shidaalka ee PL Kuwaasi oo si Sharci daro ah ku Baadha Macdanta Shidaalka.

 

Dhanka Maamulada Wakiilada Maamulada waxa hadlay Gudoomiyaha Jaaliyada Khaatumo State ee dalka Uganda C/qaadir Jaamac Maxamed [Kaarshe] isaga oo Mahad balaadhan u celiyay Maamulka Maakhir State ee Munaasibaasi soo abaabulay.

 

“ Khaatumo State iyo Maakhir State waa laba Maamul oo Daris ah dadkuna waa dad Ehel ah waxa ka dhexeeya wax badan waxaanu Rabnaa inaan iska kaashano Arima badan sida inaanu xidhiidh dheeraad ah la samayno Jaaliyadaha kale Aduunku waa u soo Jeensaday inay Soomaliya wax u qabtaan xitaa Degmo kaliya hadii Maamul Hoosaad nabad ah laga dhiso waa la Taageeraayaa’” Ayuu yiri Kaarshe

 

Maxamuud Siciid Nuur Jibriil iyo C/raxmaan Xasan Yusuf Nadiif oo ka mid ah Aqoonyahanka Reer Maakhir ee dalka Uganda waxa ay Halkaasi ka soo jeediyeen Khudbado u badnaa Wacyi galin iyo in Wadamada Arrimaha Somaliya Daneeya loo sheego in Dhulkaasi Yahay mid aan Lagu Muransanayn isla markaana u baahan Horumar.

 

Gaba Gabadii waxa halkaasi War-Murtiyeedkii Shirkaasi laga soo saaray Goobta ka Akhriyay C/qani Cali Moon Wuxuuna u dhignaa sidan.

 

1-In la Mideeyo Jaaliyadaha Reer Maakhir ee Qaarada Africa, sida Kenya Uganda, Sudan,Ethiopia, Jabuuti,Sout Africa.

 

2-In Midnimada Somaliya ay tahay Waajib Muqadas ah Aana La Kala Gooyan Karin.

 

3- Waxaanu Taageeraynaa Xoojinaynaa Baaqii ka soo Baxay Shirkii Kenya kaasi oo Loo Jeediyay Jaaliyadaha Dibada ee Reer Maakhir, Salaadiinta, Nabadoonada, iyo Aqoonyahanka,Gudaha Jooga in la Waco Shir wayne looga Tashanayo Aayaha Danbe iyo Masiirka Deeganada Reer Maakhir Taasi oo Sanadihii danbe ay soo Food saareen Dhibaatooyin dhan Walba leh.

 

4- Waxaanu Ogaysiinaynaa Dowlada TFG ee Somaliyeed iyo Beesha Caalamka in Deeganada Sanaag Hayland, Bari, aanay ahayn Dispute Area [Ama Dhul Lagu Muransanyahay] ayna tahay Meesha ugu Nabada Badan, Talada Deeganadaasi waxay ka Go’daa Salaadiinta,Nabadoonada, iyo wax Garadka Deeganada Maakhir Khayraadkiisana Aan la Isticmaali Karin Si aan Sharciga Waafaqsanayn.

 

5-Waxaanu soo dhawaynaynaa Casumadii Dowlada Turkigu ku Casuntay Reer Maakhir Shirka ka dhacaya Dalka Turkiga

 

6-Waxaanu Gacmo furan ku soo dhawaynaynaa Cidwalba oo Waxtar ku soo Kordhinaysa Deeganada Reer Maakhir.

 

Xubnihii Khadka Telefoonka Munaasibada kaga soo qayb Galay waxa ka mid ahaa.

 

Xildhibaanada Caasha Axmed Cabdalla oo ka mid ah Xubnaha Reer Maakhir ee TFG ugu Jira ayaa Shirkaasi lagu soo xidhay iyada oo Dalka Kenya ku Sugan waxana ay Sheegtay in Maakhir State ay tahay Maamul Madax-Banaan isla markaana wakhtigan la Jaan qaadi kara Wacyiga Siyaasada Somaliya.

 

Coll Jibriil Cali Salaad oo ahaa Shakhsigii Keenay Fekerka Maakhir State ayaa Halkaasi isna Hadal ka soo Jeediyay dhanka Telefoonka ah waxana uu ku dheeraaday Muhiimada ay leedahay in Shirwayne Reer Maakhir isugu Yimaadaan.

 

Sawiro dheeraad ah iyo muuqaal Naga suga

 

Bahda GalGalanews.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

Miskiin-Macruuf-Aqiyaar;803597 wrote:
Haye waa sugeynaa ee si dhaqso ah ha naloogu soo gudbiyo sawirada.
058.gif

They're coming Inshallah. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

MMA, The East African community of Maakhir are in touch with the ins and outs of the motherland. The rest of Maakhir community chapters across continential Europe and North American will follow suit and carry the torch, I believe.

 

Bottom-up approach to rebuilding our Somalia is the way to go.

Share this post


Link to post
Share on other sites

NASSIR;803603 wrote:
I am glad things are moving in the right direction.

 

scaled.php?server=412&filename=mapxa.png

 

hahahaaaaaa make my day....why don't you take it if that's all yours..it's 1/2 the country....sell that to sharif:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

^^ I know. :D

But the point remains, Khaatumo claims those regions but now Maakhir woke up and decided to muddy the water (actually, Maakhir is just a party in a hall). :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this