Sign in to follow this  
General Duke

Socdaalka Dr.Faroole oo habeenkii labaad Qardho ku hoyanaya maxaa kasoo baxay?

Recommended Posts

March 14, 2012 // Warar Somaali

Waxaa habeenkii labaad Qardho ku sugan wafdi ka tirsan Maamul goboleedka Puntland oo uu hogaaminayo Dr.C/raxman Maxamed Farole Madaxweynaha Puntland, kuwaas oo sida Madaxweynaha shalay saxaafadda u sheegay socdaalkoodu yahay mid nabadeed raadin ah.

 

Madaxweyne Faroole ayaa Qardho u soo gaaray sidii xal looga gaari lahaa xalinta xurguf yar oo laba beelood oo walalo ah ku dhex martay Qardho mudo hadda dhowr bilood laga jooga.

 

Madaxweynaha ayaa xalay iyo caawa kulamo la kala yeeshay odayaasha laba beelood ee xurgufta dhex martay, isaga oo kala hadlay sidii xal loogu dhameyn lahaa.

 

Wararka aanu ka helayno dad xogogaal ah oo ka ag dhow Madaxweynaha Puntland ayaa u sheegay PN24 in sidoo kale madaxweynaha uu kulan la qaatay gudi Isimo ah oo ay ka mid ahaayeen Burhaan Boqor Muuse iyo Islaan Maxamuud Islaan Yaasiin, taasi oo uu kala hadaly sidii arinta loo dhameyn lahaa.

 

Heshiisiinta laba beelood ayaa aheyd mid horey xal looga gaaray, laakiin dib uu soo noqtay ka dib markii 6 bilood ka hor Qardho lagu dilay niman dhalinyaro ah, oo ka soo jeedo beelaha heshiiska gaaray.

 

Dhanka kalena waxaa iyadda wararka caawa ka soo baxaya Hotel Alle-Aamiin oo ah halka uu degan yahay Madaxweyne Faroole sheegayaan in weli aan laga gaarin heshiis rasmi ah, waloow la balamay beri Subax. Insha Allaah.

 

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa waxaa uu intii uu Qardho ku sugnaa kulamo kale oo gooni gooni ah la yeeshay odayaal ka soo jeedo beelo walalo ah oo ka dagaalamay dhawaan degaano ka tirsan Degmadda Rako ee gobolka Karkaar.

 

Kulamadda Madaxweynaha uu la yeelanayo beelaha ayaa ah mid uu ku doonayo in xal looga gaaro khilaafadka dhex mara beelaha, taasi oo ku soo beegmeysa xilli muran xoog leh uu ka jiro wakhti uu Madaxweynaha uu ku darsaday inta uu xilka haynayo.

 

Weli si rasmi ah go’aan looga soo saaray ma jiro balse waxaa la filayaa in arinta xurgufta beelaha oo wadda hadalkeedu horey ay u wadeen Odayaasha degaanka Qardho in xal rasmi ah laga gaaro haduu Alle idmo.

 

Puntland News 24

 

Qardho-Somaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this