Sign in to follow this  
Liibaan

VIDEO: Khaatumo State Vice President IndoSheel Visited Buuhoodle Airport, Khaatumo State of Somalia

Recommended Posts

Liibaan   

http://youtu.be/l6lbUf8L74Y" frameborder="0" allowfullscreen>

 

 

VIDEO: Khaatumo State Vice President IndoSheel Visited Buuhoodle Airport, Khaatumo State of Somalia

 

Wafdi uu Hogaaminayo Madaxwayne KuXigeenka Khaatumo Mudane IndhoSheel oo Maanta Booqday Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Buuhoodle, Maamul Goboleedka Khaatumo State of Somalia

 

 

Madaxwayne Maxamed yuusuf Jaamac indhasheel oo kamida golaha madaxtooyada maamulka khaatumo State iyo xubno kamida golihiisa wasiirada ayaa maanta booqasho ku tagay garoonka diyaaradah ee magaalda Buuhoodle.

 

Madaxwaynaha ayaa halkaasi ku xogwaraystay masuu liyiinta gacanta ku haya dhismaha garoonka diyaaradaha ee magaadlada Buuhoodle,

 

xasan faarax baad oo kamida masuuliyiinta gacanta ku haya dhismaha garoonka diyaaradaha ee magaadala Buuhoodle ayaa si kooban uga hadlay howlaha garoonka iyo halka ay marayaan.

 

waxa uuna xusay in garoonku uu imi ka marayo meel wanaagsan loona baahanayahay in laga wada qayb qaato sidii loo dhamaystiri lahaa imika waxa uu tabayanaa ay tahay qalabka fududeeya howsha laga qabanayo garoonka.

 

maxadwayne indhasheel oo halkaasi kahadlay ayaas sheegay inay maamulka Khaatumo uu san lakowsan bilaabidii garoonka waxa uu laakiin sheegay inay dhamaystirkiisa qayb laxaadleh ka qaadanayaan.

 

madaxwaynaha ayaa ugu baaqay dhamaan shacabka khaatumo state inay u istaagaan sidoo loo dhamaystiri lahaa dhaamaan howlaha qaran ee kasocda deegaanada khaatumo state ee ay ugu horeeyaan garoomada Magaalada Buuhoodle & Taleex isagoo xusayna in dhawaana la dayactiridoona garoonka magaalada laascaanood marka laga xoreeyo ciidamada Maamulka SNM.

 

Hoos ka daawo sawirada.

 

 

 

 

 

 

16-300x200.jpg

IMG_0924.jpg

IMG_0916.jpg

IMG_0923.jpg

IMG_0921.jpg

IMG_0899.jpg

IMG_0907.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

[MG]http://horufadhi.com/wp-content/uploads/2012/03/indhosheel1.jpg[/img]

 

Madaxweyne KuXigeenka Khaatumo State IndhoSheel: "Waxaan U Baahanahay Garoomo Diyaarado oo Degdeg Ah Inaano Dhisano"

 

Madaxweyne KuXigeenka Khaatumo State IndhoSheel Oo Maanta Booqasho Kutagay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Buuhoodle Sheegayna Inay Si Dhakhso Ah U Dhamaynayaan {Sawiro}

 

Waxaa maanta booqasho ku tagay Halka uu kasoconayo dhismaha garoonka diyaaradaha ee magaalada Buuhoodle Maxmed yuusuf Jaamac {indhasheel } oo Kamida golaha madaxtooyada Dawlad goboleedka Khaatumo State & Qayb kamida golaha Wasiirada ee maamulka Khaatumo State.

 

Ugu horayn waxa uu madaxwaynuhu indha indhayn iyo kormeer kusameeyay dhamaan qaybaha kala duwan ee garoonka intaas kadib ayaa waxa uu warbixin ka dhegaystay howl wadeenada gacanta ku haya dhismaha garoonka.

 

Xasan Faarax baad oo kamida howl wadeenada gacanta ku haya dhismaha garoonka ayaa warbixin dheer kabixiyey qaababkii kala duwanaa ee uu soo maray dhismaha garoonkani.

 

waxa uuna sheegay in aan garoonka gabagabada taagan aan lagu dhisin lacag ay bixiyeen haayado ama dawlada laakiin lagu dhisay dadka shacabka ah ee deegaanada khaatumo state jeebkooda.

 

waxa uuna ugu danbayn ka xog waramay waxyaabaha daruuriga ah ee hada garoonku ubahaanyahay , Sida qalabka Lagu simo, Cagafta lagu qaadayo ciida, iyo waxyaabaha la halmaala ee fududeeya howsha oo dhamaanba kamaqan Garoonka, xasan ayaa waxa uu xusay in madaxwaynaha ay usoo bandhigi doonaan dhamaan lacagihii & Waxayaabiihii kale ee lasoo gaadhsiiyey garoonka iyo halka sidii ay ubaxeen iyagoo liis garaysan.

 

Cumar Cabdi Haaruun oo isna kamida howlwadeena sida aadka ah waqtigooda ugu soo huray sidii uu u dhamaystirmi lahaa garoonkani ayaa isna dhankiisa sheegay in waxyaabo badan qabsoomeen intaas dhimana hadii gacmaha lays qabsado la dhamaystiri doono.

 

Intaa kadib ayaa waxaa halkaasi ka hadlay Maxamed Yuusuf Jaamac (indhasheel) oo Kamida golaha Madaxtooyada maamulka Khaatumo State waxa uuna ugu horayn u mahad celiyey howl wadeenadii waqtigooda & xoogooda usoo huray dhismaha garoonka Magaalada Buuhoodle.

 

Sidoo kale waxa uu madaxwaynuhu ka hadlay sida ay muhiim utahay in si dhakhso ah loo dhameeyo dhismaha garoonka waxa uuna ugu baaqay masuuliyiinta gacanta ku hayey dhismaha garoonka inay si dhakhso ah usoo qiimeeyaan dhamaan agabka iyo waxyaabaha aasaasiga ah ee ka dhiman garoonka.

 

Madaxwaynaha ayaa sidoo kale ka hadlay manaafacaadka uu leeyahay garoonkani & Garoonaada kale ee ay yeelanayaan deeganada khaatumo state waxa uuna xusay in dhamaysirkiisa imika ay kufilanyihiin Shacabka Reer Khaatumo iyo Maamulkoodu, ayna maamul ahaana lakowsan bilowgii garoonkan hasa ahaatee ay dhamaysirkiisa qayb laxaadleh ka qaadanayaan.

 

waxa uuna sidoo kale sheegay in deegaanka khaatumo aad ubalaadhanyahay islamarkaana loo bahanyahay dhamaystirka Garoonada imika soconayo dhismahoodu sida garoonka ka socda magaalada Taariikhiga ah ee Taleex.

 

Ugu danbayntii ayaa waxa uu sheegay in garoonka magaalada Buuhoodle ay u hadhay halmar oo gacanta lawada saaro maamulka Iyo Shacaba waxa uuna sheegay in marka laqiimeeyo ay soo bandhigo doonaan si looga wada qayb qaato.

 

Garoonka magaalada Buuhoodle ayaa dhismihiisu imika waxaa uu soconayey mudo (2 sano & 7 bilooda) waxaana dadka khibrada u leh ay sheegayaan hadii loo helo qalabka fududeeya shaqada laga hayo Garoonka in si deg deg ah loo dhamayn karo.

(( MUWAADIN KA QAYB QAADO HORUMARKA IYO DHISMAHA DALKAAGA))

 

 

 

IMG_0924.jpg

IMG_0919.jpg

IMG_0904.jpg

IMG_0896.jpg

IMG_0915.jpg

IMG_0904.jpg

IMG_0921.jpg

IMG_0907.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this