Sign in to follow this  
General Duke

Galkacyu: Omar Samatar arguably the best school in Puntland Somalia

Recommended Posts

Gaalkacyo(puntlandi.com):- Dugsiga sare ee Cumar Samatar wuxuu ka mid yahay Dugsiyada ugu faca weyn Soomaaliya, waxaana sanad walba ka baxa arday farabadan oo u gudubta marxaladaha heerka Jaamacadeed.

Dugsigan waxaa isaga dambeeyay ilaa afar Maamul oo dhamaantood dadaalkii ay ku bixiyeen uu ka muuqdo dugsigan iyo ardayda wax ka barata.

Dugsiga Cumar samatar wuxuu kaalinta 1aad u galay qiimayn lagu sameeyay dugsiyada ugu tayada sareeya gobollada Puntland, wuxuuna sanadihii ugu dambeeyay noqday mid tayadiisa iyo dadaalkiisa waxbarasho looga daydo maadaama uu yahay hormuudka dhinaca waxbarashada dugsiyada sare ee Puntland.

Maamulaha Dugsiga sare ee Cumar Samatar Saciid Maxamed Xasan oo warbixin kooban naga siiyay waxbarshada dugsigan sare iyo marxaladihii uu soo maray ayaa yiri “ Hadaan si kooban uga waramo, Dugsigan sare ee Cumar Samatar runtii waa dugsi facweyn, waxaan oran karaa manta wuxuu jiraa dugsigan oo goob waxbarasho uu yahay 42sano, maxaa yeelay waxaa irdaha loo furay sanad dugsiyeedkii 1971-dii, sida magaciisa ka muuqata dugsiga waxaa loogu magac daray mid ka mid ah halyeeyadii Soomaaliyeed ee caanka ahaa oo lagu magacaabo Cumar Samatar Rooble oo dhashay 1850-kii wuxuuna noolaa ilaa 1948, wuxuu caan ku ahaa loolankii uu lagalay gumaystihii talyaaniga ee xilligaas, mudadaa 1971-dii ilaa 1991-d ii runtii dugsigu wuxuu ahaa noociisa dugsiyada sare ee soomaaliya kuwa ugu caansan, ugu quality-ga fiican, wuxuu ahaa collage ay ku soo hirtaan arday aad u farabadan oo uga imaanaysay dhamaan Gobollada Soomaaliya, waxayna wada joogaan hada soomaaliya oo dhan dadkii xilligaasi ka qalinjabiyay Dugsiga oo Dhaqaatiir, Profosooro, Engineero iyo siyaasiyiinba leh”.

Maamulaha Dugsiga oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Nasiibdarro xilligii ay soomaaliya burburtay, dugsigu wuxuu ka mid ahaa goobihii ay shaqadiisu istaagtay, waxaase dib loo furay 1999-kii oo noqday face-kii labaad ee Cumar Samatarka aanu manta ka shaqaynayno, xilligan dambe wuxuu dugsiga sare ee Cumar samatar ahaa sidii horay loogu yaqaanay guud ahaan Puntland midka ugu sumcada fiican ah, waxaa soo maray Afar maamul oo uu ugu horeeyay C/kariin Maxamuud Maxamed (Ilyaas), C/laahi Nuur salaad (Takar), Maxamed faarax Cawsey oo min afar sano maamulayay iyo Aniga oo hada maamulaha ah, anagoo rabna in aanu dugsiga ku hogaaminno tubtii ay maamuladii hore mareen, haatan waxaa dugsiga sare ee Cumar Samatar u diinwaagashan sanad dugsiyeed 2011-2012 teeramkiisan dambe 1900 oo arday oo dhow dhow, ardaydaas wiilashu waa 1387 oo la mid ah 74%, 494 gabdhood oo la mid ah 26% dugsiga waxaa ka hawlgala 35 macalin oo qaarkood ay yihiin barayaal sare, 20 shaqaale kale ah oo isugu jira maamul, kaaliyayaal ilaa shaqaalaha nadaafada. Dugsigu wuxuu ka koobanyahay 30 Class oo qaybta weyn ee Cumar samatar ah iyo 5 Class oo ah qaybta cusub ee laga dhisay xaafada Israac, Fasaladaas 10 ka mid ah waa Form One, 10 Fasalna waa Form two, 8 Fasalna waa Form Three, 5 Fasalna waa Form Four, Iskuulku wuxuu leeyahay Fasilitis badan oo ardayda ku kaalmaynaya in ay wax bartaan sida Maktabada, Sceince LAB, Computer LAB iyo waxyaabaha lamidka ah, Dugsiga waxaa ilaa iyo hada ka qalin jabisay arday 1300 ku dhaw oo gabdho iyo wiilalba leh kuwaas oo hada ka muuqda kaalimaha bulshada Soomaaliya oo dhan shaqooyin Muuhim ahna ka haya bulshada dhexdeeda”.

Dhinaca kale ardayda iyo Macalimiinta Dugsigan sare ee Cumar Samatar oo aanu arrimahan wax ka waydiinay ayaa aad u amaanay dadaalada dugsigan ka socda oo ay xaqiijiyeen mira dhalkooda dhinaca tayada waxbarashada ah.

Cumar Samatar waa Dugsiga ugu tayada wadanaagsan Dugsiyada waxbarashada puntland, waxaana hada wali jira dadaalo maamulku uu kor ugu sii qaadayo tayada waxbarshada Dugsiga.

Cumaryare, Gaalkacyo.

www.puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this