Sign in to follow this  
Che -Guevara

Ethiopian troops set to leave Somalia by end April:AU

Recommended Posts

Nassir....The AU and International Community had years to properly train and equip a robust Somali force.Instead, millions are being poured into AMISOM and neighboring countries while Somali forces are left in the wildernesses with no pay or proper hardware. This shows the TFG is being undermined by denied the building of Somali army and police forces.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweyne Sheekh Shariif oo kulan looga hadlayo ammaanka Soomaaliya ugu ambabaxay Addis Ababa

 

Talaado, Maarso 13, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaasoo ay ku tageen booqasho hal maalin qaadanaysa.

 

Wasiir u dowlaha madaxtooyada Soomaaliya, Cabdiraxiim Cabdi Abiikar oo safarkan ka warbixinayay ayaa sheegay in madaxweynaha Soomaaliya uu casuumaad rasmi ah ka helay ra'iisul wasaaraha Itoobiya.

 

"Madaxda Soomaaliya iyo Itoobiya waxay kawada hadli doonaan xaaladda ammaan ee dalka iyo sidii loo xaqiijin lahaa in ciidamada AMISOM ay ka howlgalaan gobollada dalka ee laga saaray Al-shabaab," ayuu yiri wasiir u dowlaha oo warbaahinta la hadlay.

 

Shariif Sheekh Axmed iyo wafdigiisa ayaa waxay ka dhoofeen garoonka diyaaradaha Muqdisho baqonimadii maanta iyagoo saacad kaddibna tagay Addis Ababa, balse ma jirto madaxweynaha hadal uu siiyay saxaafadda markii uu ka dhoofayay Muqdisho iyo markii uu gaaray Addis Ababa.

 

Gobollada dalka Soomaaliya qaarkood ayaa waxaa ku sugan ciidamada Itoobiya oo gacan ku siinaya kuwa DKMG ah dagaal lagula jiro Al-shabaab, waxaana ciidamadan ay qabsadeen degmooyinka Baydhabo iyo Baladweyne oo ahaa goobo ay gacanta ku haysay Al-shabaab.

 

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa marar badan safarro ku tagay dalka Itoobiya tan iyo markii xilkan loo doortay horraantii sannadkii 2009, waxaana xilligaas ka hor uu hoggaaminayay xoogaggii maxkamadaha oo dagaal kula jiray ciidamadii Itoobiya ee ku sugnaa Muqdisho.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Onilne

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this