Sign in to follow this  
Liibaan

Sh. Shariif Soo Dhowaynta Iyo Aqoonsiga Khaatumo State Waa Guul u Soo Hoyatay Ummadda Soomaaliyed

Recommended Posts

Liibaan   

shariif-2.jpg

 

 

 

 

 

Sh. Shariif "Soo Dhowaynta Iyo Aqoonsiga Khaatumo State Waa Guul u Soo Hoyatay Ummadda Soomaaliyed"

 

 

Halhan Ka Dhageyso:

 

http://warqaad.com/sh-shariif-2/

 

 

 

 

 

Madax Weynaha Soomaaliya Sh Shariif: Khaatumo Waxaan u Aqoonsanay Si Loo Ilaaliyo Midnimada Soomaalia

 

 

08.MArch.2012: Madaxweynaha Dowlada KMG Soomaalia Sh Shariif Sh Axmed ayaa shaaca ka qaaday in Dowladiisa ay si rasmi ah u aqoonsatay Maamulka Khaatumo State of Somalia.

 

 

Xili uu kahadlayay Maanta munaasabad lagu xusayay Maalinta Haweenka Aduunka ayaa waxaa uu sheegay in uu lakulmay Madaxweynaha Maamulka Khaatumo isla markaana ay u aqoonsadeen Maamul Goboleed hoos yimaada Dolwada Soomaalia.

 

Madaxeynaha Soomaalia ayaa meesha ka saaray in Aqoonsashada Maamulka Khaatumo ay la micna tahay bur burinta Puntland ama Somaliland.

 

Waxaa uu sheegay in Somaliland ay kamid tahay Maamul Goboleedyada Soomaaliaa ayna la yeelan doonaan kulan deg deg ah si xal looga gaaro Mad Mawga haatan jira.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

DKMG oo Aqoonsatay Maamulka Khaatumo State of Somalia

 

 

Gedoweb Online

 

 

Wararka (News)

Maamul goboleedka Khaatumo ayaa noqday kii ugu horeeyey oo noociisa oo kale ah oo si dhakhso ah aqoonsi u helo kadib markii dowladda KMG ay sheegtay in ay aqoonsi buuxa siisay.

 

 

 

Sida laga soo xigtay wasiirka dastuurka iyo arrimaha federaalka TFG Maxamed Jimcaale dowladdu si rasmi ah ayey aqoonsi u siisay maamulka Khaatumo kadib markii madax ka tirsan maamulkaas ay magaalada Muqdisho kula shireen mas'uuliyiinta dowladda.

 

Wasiirku wuxuu xaqiijiyey in madaxweyne Shariif Sheekh Axmed uu kamid yahay madaxda la kulmay ragga hoggaaminayo Khaatumo, la iskuna afgartay in la wada shaqeeyo.

 

Madaxweynaha maamulkan Axmed Cilmi Cismaan ayaa isna u sheegay saxaafadda in uu jiro aqoonsigaas oo uu xusay in uu ku faraxsan yahay, muddana ay arrintaas u joogeen Muqdisho.

 

Haddaba maamulka Khaatumo oo dhawaan looga dhawaaqay magaalada khadiimiga ee Taleex waxaa si ba'an uga soo horjeeda maamullada Puntland iyo Somaliland oo u arkayo mid iyaga lidi ku ah.

 

DKMG waxay isku dhow yihiin Puntland waxaa marka aqoonsigan uu keeni karaa in uu kala fogeeyo, Somaliland oo iyaduna rajo laga qabay in ay la hadasho dowladda KMG way baajin kartaa taas sida la'leeyahay.

 

Sida cad Khaatumo waxay ku muteysatay aqoonsigan iyadoo ka taliso dhul ballaaran, leh ciidan iyo qaab maamul u habeysan.

 

C/llaahi Axmed Culusow

Gedoweb, Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Madaxweyne Shariif "Soo Dhoweynta Iyo Aqoonsiga Khaatumo State Of Somalia Waxaan u Arkeynay Howl Gacanta Soomaaliyeed Ku Jirta"

 

 

 

 

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa markii u horeysay ka hadlay aqoonsiga Dowladdiisa ay maamulka Khaatumo u aqoonsatay maamul goboleed kamid ah kuwa ka jira dalka.

 

Shariif Sheikh Axmed oo khudbad ka jeedinayay xuska munaasabada maalinta Haweenka oo maanta lagu qabtay guriga Hooyooyinka ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in uu cadeynaayo Dowladiisa aysan burburinin maamulada dhismay oo ula jeeday Puntland iyo Somaliland.

 

‘’Waxaan rabaa in aan cadeeyo maamulada dhismay anaga midnimadooda iyo horumarkooda baan taageerayna ha noqdaan Somaliland ama Puntland,waxaan u haysanaa in ay tahay guul umadda Soomaaliyeed usoo hoyotay.Soomaalida mar walba ama xilli kasta la joogo kala tebasho baa timaada,Dowladda maadama ay tahay Dowladdi dhexe waxaa laga yaaba dad tabanaaya in ay u yimaadaan maxaa la gudboon marka Dowladda?,ma waxaa la gudboon in albaabada xirato mise waxaa la gudboon in albaabka furtocid wax tabanaysa dhageysato?,albaabka in la furo oo dadka lasoo dhoweeyo’’,ayuu yiri.

 

Madaxweyne Shariif oo si toos ah usoo hadal qaaday aqoonsiga maamulka Khaatumo,wuxuuna sheegay in soo dhoweynta ay u sameyeen ay u arkayeen howl gacanta Soomaaliyeed ku jirta ujeedaduna ay tahay in la wada hadal siiyo,nabad lagu wada noolaado iyo habka maamulka laga wada heshiiyo.

 

Waxaa uu meesha ka saaray in ujeedada tahay in la kala qaybiyo ama la burburiyo maamulada dhisan balse ujeedada tahay fursad lagu mideyn karo degaan kasta iyo Umadda Soomaaliyeed.

 

‘’Soo dhoweynta Khaatumo anagu waxaan u arkeynay howl gacanta Soomaaliyeed ku jirta ujeedaduna tahay in dad la wada hadashiyo,nabad lagu wada noolaado habka maamulka laga wada heshiisyo in ay fursadaas dowladda abuuri karto taasna ayaan kala hadalnay walaalaheena Khaatumo waana gaarsiinay labada gobol kale in Dowladda waxay ka shaqaynaysa in ay burburin ahayn laakin ay tahay nabadayn iyo midnimo’’

 

‘’Laakin ujeedadu ma ahaan qaybin iyo burburin maamul dhisan,ujeedadu waxaa waaye in aan raadino fursada loo mideyn karo degaan kasta,fursada lagu mideyn karo Umadda Soomaaliyeed taas waxaan ula jeeda beriyahan waxaa Suuqa aad ugu jirtey Dowladdu waxay ka shaqaynaysa in ay burburiso Somaliland,Puntland arintaas waxba kama jiraan’’,ayuu sheegay.

 

Dhinaca kale Madaxweyne Shariif ayaa sheegay in la samayn doono guddi ka shaqeeya wada hadal dhexmara Dowladda Federaalka iyo maamulka Somaliland ee doonaya in uu ka madax banaanado Soomaaliya inteeda kale.

 

Wefdi kasocda maamulka Khaatumo ayaa mudooyinkaan joogay magaalada Muqdisho,waxaana ay ku guuleysteen in ay aqoonsi ka helaan Dowladda Federaalka.

 

Maamulada Puntland iyo Somaliland oo hore uga soo horjeestay dhismaha maamulkaan ayaa weli ka hadlin arimahaan.

 

Dalweyn.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

thank-you.jpg

 

thank-you-card1%5B210x319%5D.JPG

 

 

U Mahad Naq ,Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed Iyo Hanbalyo Madaxda iyo Shacabka Khaatumo State.

 

 

Ugu horeyn waxaan salaanta islaamka ku salamaya Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Salaanta kabacdi waxaan uga mahad celinaya si aan la soo koobi karin Hiilka Qaran ee uu gutey kuna dhiradey wajibadka sarna iyado weliba anu ognahey daremi karnana culeyska sarna.

Ansixinta Maamul Gobaleedka KHaatumo State Of Somalia oo aan u dhashey kana so jeedo. Madaxweynaha waxan leyahey guuleeyso o magaca ha jiro Taariikhda baal dahaba ayad ka gashey madaxweyne xaqsoor ah oo umada somaliyeed u dhex dhexada inaad tahey ayana muqatey. Umada reer Khaatumo State waxey soo martey wakhti aad u adag sugeysey uun bal mar uun iney dowladooda somaliyed aan cidi u dhaxeyn mantana taas gacantan ku heyna. Aad iyo aad baanu kuugu mahad naqeyna kuuna tageersanahey.

 

Madaxda,G10,Saladiinta,Cuqaasha iyo Shacabka Khaatumo State hanbalyo hanbalyo iyo salaan ban idiin leyahey dhamantin meel kasto aad aduunka joogtaanba.

Ansixinta maamul Gobaledkena Khaatumo State maha guushii ugu horeyse uso hoyatey, Mid ka mihim san ba sohoyato ah ( Midnimadeena ) Tana waa Guul aad iyo aad u weyn o aynu ku guleysaney.

Insha alaah guusha tan ku xigta wa Lascanood iyo dhulka inti kale inaga maqna, Guuul iyo Gobanimo waxqabad iyo midnimo aya ino balana dhamanten barbarkey ka baxda wa bakeyla galeen..

 

Wabilahi Towfiiq

Maryan Heybe Yusuf.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this