Sign in to follow this  
kingofkings

Augustine Mahiga oo sheegay in koox aan waxba dhaamin Alsabaab ay afganbi ku qasbadeen Madaxtooyada

Recommended Posts

Muqdisho (PV):-Wakiilka gaarka ah ee arimaha Soomaaliya ugu qaabilsan Qaramada Midoobe Augustine Mahiga ayaa markii ugu horeysay si toos ah u weeraray madaxda sar sare ee Dowlada KMG ah gaar ahaan Madaxweynaha isagoo xusay inay afganbi ku haystaan madaxtooyada.

 

Koox uu ugu magac daray reer Ala sheekh ayuu sheegay Augustine Mahiga inay afganbi ku haystaan madaxtooyada islamarkaana ay doonayaan sidii ay xukunka ku sii dheereysan lahaayeen.

 

Mahiga oo la hadlayay website Soomaali ah oo la yiraahd Somali Report ayaa xusay in koox aan waxbadan dhaamin Kooxda Al Shabaab afgambi siyaasadeed ay ku qabsadeen Madaxtooyada Soomaaliya sida uu warka u dhigay.

 

Augustine_Mahiga.jpg

 

Sidoo kale Mahiga ayaa sheegay in kooxdaasi oo lagu magacaabo Aala Sheekh oo loola jeedo madaxdii ka timid dhanka maxkamadaha ee shariif hogaaminayay inay diidan yihiin awood qeybsiga iyo in la meel mariyo arrimaha Rood-maabka, isagoo tilmaamay inay doonayaan in awoodda kali ay ku ekaato sida uu hadalka u dhigay.

 

Mahiga waxaa kale uu is bar bar dhig ku sameeyay reer aalla sheekh oo shariif uu hogaamiyo iyo Xarakada Alshabaab waxaana uu sheegay in alsabaab la yaqaan ayna yihiin urur dagaal kula jira Dowlada iyo shisheeyaha islamarkaana leh hadaf iyo mowqif balse kooxda Aala sheekh oo afgambiyay howlihii Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya aan aheyn kooxo hubaysan, damac gaar ahna leh sida uu hadalka u dhigay, waxaase uu ku tilmaamay inay diidan yihiin in kala dambeyn ay ka dhacdo dalka Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in Augustine Mahiga ay maradu ka dhacay haddii ay rumoobaan hadalo Mahiga laga sheegay

Madaxweynaha ayaa hadalkan sheegay isaga oo jooga goobihii shalay laga saaray kooxda Alshabab ee Suuqa Xoolaha iyo Xeradii Maslax.

Warkan oo dhan qeybta hoose ka dhageyso.

 

Audio

 

http://www.voanews.com/somali/news/Madaxweyne-Shariif-oo-Mahiga-u-Jawaabay-141360203.html

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this