Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Sultaan Jamac samatar of awdal president siilaanyo will receive a hero's welcome tomorrow

Recommended Posts

Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar Oo Ka Hadlay Go’aamada Ka Soo BaxayShirkii London Ee Madaxweyne Siilaanyo Ka Qayb-galay, Fariina U Diray Shacbiga

 

Hargeysa, March 1, 2012 (Haatuf) - Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar oo ka mid ah Salaadiinta Gobolada Gabiley, Awdal iyo Selel ayaa sheegay in go’aanadii ka soo baxay Shirkii dhawaan lagu qabtay Magaaladda London ee Dalka Ingiriiska ay ahaayeen guulo dhaxal-gal u ah Qaranimada Somaliland, tilmaamay-na in Weftigii Madaxweyne Axmed Siilaanyo hogaaminayay ee ka qayb-galay Shirkaasi London ay Dalka u soo hooyeen guul Taariikhiya, ugu-na baaqay Shacabiga Somaliland in soo dhaweyn balaadhan loogu sameeyo Caasimada Somaliland iyo guud-ahaanba Gobolada iyo Degmooyinka Dalka, isaga oo intaa ku daray in Waftiga Madaxweynaha Somaliland Shirkaasi London laga siiyay Meeqaam sare oo Dawladnimo.

Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar oo Shalay Galab Shir jaraa’id ku qabtay Magaaladda Gabiley oo Wargeyska Haatuf mar uu kula xidiidhay Khadka Telefoonka uga xog-waramay nuxurka Shirkaasi uu qabtay iyo aragtidiisa ku aadan go’aamadii ka soo baxay Shirkii London, ayaa isaga oo ka hadlaya arrimahaas, waxa uu yidhi “Run ahaantii

Waftigii Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo) hogaaminayay ee ka qayb-galay Shirkii dhawaan lagu qabtay Magaaladda London waxay ka soo hooyeen guul Taariikhiya oo dhaxal-gal u ah Qaranimada Jamhuuryada Somaliland, kaas oo Waftiga laga siiyay Mee-qaam Dawladnimo oo heer sare ah, go’aanada ka soo baxay Shirkaasi-na waxay ahaayeen kuwo dhaxal-gal ah oo Somaliland guul ka gaadhay, marka loo eego qodobka go’aanka Shirkaas ee Caalamku ku kala saaray Somaliland iyo Somalia, taasaa inoo ah guul aynu gaadhnay, waanan ku hambalyaynayaa guusha ay soo hooyeen Waftiga Madaxweynuhu, waxaan ku baaqayaa in Waftiga Madaxweynaha oo maal-maha soo socda Dalka ku soo guryo-noqon doona in Caasimada Hargeysa si weyn loogu soo dhaweeyo, oo Gobolada iyo Degmooyinka Dalka loogu sameeyo Banaan-baxyo lagu taageerayo Qaranimada Somaliland oo aan loo kala hadhin, isla markaana la mid ah Dibad-baxyadii ka dhacay London ee lagu teegaarayay Waftiga Madaxweynaha laga sameeyo Dalka-na”.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this