Sign in to follow this  
Dr_Osman

Bosaso Local Govt Officially Launches Gaaca Road Paving. PICS

Recommended Posts

Dr_Osman   

Maamulka Degmada Bosaso ayaa maanta Laami saaray Wadada Gaac ee Magaalada Bosaso .

 

Maamulka degmada Bosaaso ayaa maanta si rasimiya laami u saaray wadada Gaaca oo ah wado muhim ah dhanka isu socodka gaadiidka iyo dadka gudaha magaalada Bosaso.

 

Wadadan ayaa horay u ahayd mid uu aad uga muuqdo bur bur farabadan taasi oo mararka qaarkood dhibaatooyin ku keeni jirtay gawaarida isticmaala wadadaasi .

 

Gudoomiyaha degmada Bosaso Xasan Cabdalle Xasan oo SBC kula hadalay gobta ay shaqadu ka socotay ayaa sheegay in mudo badadn ay wadeen dayactirka wadada Gaaca ilaa ay maanta ka soogaartay in lasaaro Laami sidaasi waxaa SBC u xaqiijiyay gudoomiyaha degmada Bosaso Mudane Xasan

 

Dhanka kale gudoomiyaha degmada Bosaso Xasan Cabdalle Xasan ayaa shacabka Reer Bosaso ugu baaqay in ay gacan kageystaan shaqooyinka uu maamulku wado ee ku aadan soo celinta bilicda Magaalada dhaqaalaha Puntland ee Bosaso iyo waliba furitaanka wadooyinka muhimka ah .

 

Masuuliyiin ayaa SBC u xaqiijiyay in wadada xigta Gaaca ee laamiga lasaarayo ay tahay wadada Hor marta Warbaahinta Caalimiga ah ee SBC aadan dhanka garoonka diyaaradaha .

 

Maamulka degmada Bosaso mudadii gaabnayd ee uu xilka hayey waxa uu ku talaabsaday horumar dhanka wax qabashada ah oo waliba u badan furida wadooyinka Bosaso iyada oo la og yahay in Bosaso ay caan ku tahay wadooyin ciriir aha

 

 

Cismaan Saalax Ismaaciil

SBC International Boosaaso

Daalacatey :9

 

laami-1.jpg

laami-2.jpg

laami-3.jpg

laami-4.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

Ku dayo Puntland ku dayo.

 

I guess it's the 1st municipal paving project since the collapse of the central government.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

king there is always going to be a long way to go, but its better then what mogadishu folks are doing their city. Its a step in the right direction and it should be encouraged not disproved

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dr_Osman;795305 wrote:
king there is always going to be a long way to go, but its better then what mogadishu folks are doing their city. Its a step in the right direction and it should be encouraged not disproved

i encourage it 100 and 10 percent.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Dhismihii lagu wadey Laamiga Boosaaso oo gaba gabo ku dhow [sawiro]

 

Updated:- 1 hour ago| 4 Commnets

 

Waxaa gabo gabo ku dhow dayactir todobaadyadii u danbeeyey lagu wadey qaybo kamid ah jidka Laamiga ah ee dhex mara magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

 

Jidkan oo ah kan ugu weyn magaalada islamarkaana ugu saxmadda badan ayaa waxaa si joogto ah maalin walba u isticmaala gaadiid iyo dadweyne aad u tira badan.

 

Waxaana hadda gacanta lagu hayaa inta u dhexeysa Hotel Nakhiil iyo xarunta dowladda hoose ee degmada Boosaaso halkaasoo horay burbur xoogani uu uga muuqdey.

 

Gaar Yaasiin Axmed oo ah maamulaha shirkadda qandaraaska dhismaha wadooyinka magaalada Boosaaso la siiyey ee El-Gar oo maanta Horseed Media u waramay ayaa ka warbixiyey meesha ay wax marayaan.

 

Wuxuuna sheegay in howshu ay gaba gabo ku dhowdahay balse ay in mudo ah hakad geli doonto maadaama sida uu sheegay uu ka go’ay Daamurkii jidka Laamiga looga dhigi lahaa haseyeeshee ay ka dalbadeen dalka UAE islamarkaana uu dhowaan u iman doono.

 

Mr Gaar ayaa mar ay Horseed Media weydiisey sababta dayactirka jidka weyn ee Laamiga ah looga hor mariyey dhismihii lagu bilaabi lahaa wadada Gaaca ee aadda dhinaca Airportka wuxuu sheegay in taas ay keentay dhaqaalihii howsha lagu fulin lahaa ee hay’adaha mashruuca JPLG-ga taageeraa bixin lahaayeen oo aan weli soo bixin.

 

Si kastaba ha ahaatee magaalada Boosaaso oo xudun u ah dhaqaalaha iyo ganacsiga Puntland iyo qaybo badan oo kamid ah dalka Soomaaliya ayaa waxaa bilihii u danbeeyey ka socdey dadaalo ay wadeen waxgaradka, ganacsatada, iyo maamulka degmada kuna aadan sidii jidadka magaalada looga dhigi lahaa kuwo Laami ah si isu socodka dadka iyo bilicda guud ee magaaladaba kor loogu qaado.

 

Waxaana xusid mudan in kharashka ku baxaya dayactirka ay shirkadda dhismaha wadooyinka ee El-Gar ku wado qaybo kamid ah jidka Laamiga ah ee Boosaaso dhex mara ay ku deeqeen ganacsatada iyo dadka iska leh dhismayaasha ku yaal wadada hareeraheeda.

 

Feel free to comment on Horseed Media! Here you are with one of Somalia's most engaging forum

 

DSCN4551-640x480.jpg

DSCN4554-640x480.jpg

DSCN4546-640x480.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this