Sign in to follow this  
Dr_Osman

President Farole Somalis Were Divided But Now United Under Garowe Principles

Recommended Posts

Dr_Osman   

Faroole-Faroole-Faroole-282x300.jpg

 

Faroole: “Soomaalidu horay way u kala jeeddey hadase way isu soo jeeddaa” Dhegeyso

 

Updated:- 1 min ago| 0 Commnets

 

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) oo xalay lagu marti qaaday casho sharaf ay Jaaliyadda Soomaalida ee Ingiriisku u qabteen madaxdii ka qayb galay shirka London ayaa ka hadlay arimo badan.

 

Madaxweynuhu wuxuu ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay midnimada umadda Soomaaliyeed, isagoo sheegay in Soomaalidu ay horay u kala jeeddey balse ay hada isu soo jeensatey.

 

Dr. Faroole waxa kale oo uu tilmaamay in madaxda Soomaalida ee ka qayb galay shirka London ay intooda badani yihiin kuwo ay ka go’an tahay inay wax qabtaan, heseyeeshee aysan tallaabo wax ku ool ah qaadi karin hadii aysan helin taageerada dadka Soomaaliyeed.

 

Waxa kale oo uu madaxweynaha Puntland sheegay in Soomaaliya xiligan ay fursado badan haysato, maadaama uu socdo isbedel siyaasadeed oo dhaxal gal ah, kaas oo sababay in indhaha caalamku ay Soomaaliya kusoo jeestaan.

 

 

Madaxweynaha Puntland oo ay khudbadiisu ahayd mid dhinacyo badan taabaneysey, waxa kaloo uu kusoo hadal qaaday sida ay nabaddu suurtagal uga dhigayso in dadku ay is dhex galaan, isagoo xusay in Muqdisho ay caasimadda tahay, cidina aysan gaar u lahayn, berina loosoo wada noqon doono.

 

Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) wuxuu ugu danbeyntii ugu baaqay qurbe joogta inay midnimo muujiyaan, isagoo tilmaamay in qurbe joogtu aysan weli bislaan marka laga eego dhinaca qabyaalada, arintaasoo uu xusay in dadka dalka gudihiisa joogaa ay kaga fiican yihiin.

 

Si gaar ah madaxweynuhu wuxuu ula dardaarmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Britain, wuxuuna ku booriyey inay ka fogaadaan wax walba oo midnimada Soomaaliyeed caqabad ku noqon kara maadaama ay iyagu bulshada kaalin muhiim ah ugu jiraan.

 

Casho sharafta xalay magaalada London ee caasimadda dalka Ingiriiska loogu sameeyey madaxdii ka qayb galay shiriii London ayaa waxaa sidoo kale ka hadlay mas’uuliyiin ka tirsan DKG, Gal-mudug, iyo maamulka Ahlu Sunna.

 

Horseed Media

 

Audio

http://horseedmedia.net/2012/02/25/faroole-soomaalidu-horay-way-u-kala-jeeddey-hadase-way-isu-soo-jeeddaa-dhegeyso/

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

LONDON: ” Carabkiina barra Dowlada Puntland & dowlada Federaalka ee Soomaaliya” Madaxweyne Faroole

February 25, 2012 10:34 am GMT - Written by PP - Edited by PP

 

London: (pp)- Madaxweynaha Puntland oo Xalay ka qaybgalay Xaflad lagu casumay madaxda Soomaalida ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka hadlay ayaa sheegay, in markii hore ay kala socdeen ,haddana ay yihiin kuwo wada socda oo doonaya siddii wadanka dhibka jira looga saari lahaa.

 

Madaxweynaha Puntland dr. C/raxmaan Maxamed Faroole

 

Madaxweyne Faroole Mar uu ka hadlay taageerada shacabka soomaaliyeed ay ka doonayaan ayaa yiri” Anagu maanta waan wada soconaa oo waxaa naga go’an in soomaaliya dhibka laga saaro, laakiin haddaanu helin taageerada shacabka , waxaan idiin sheegaynaa inaysan jirin wax aan qaban karno, taas maankiina ku ha”.

 

Madaxweynha ayaa siddoo kula dardaarmay qurba-joogta inay muujiyaan wadajir , isagoo wadanka Ingiriiska , gaar ahaan ,magaalada London ku shaanbadeeyey inay tahay meelaha fadhi-kudirka iyo shidada laga abuuro, isagoo ugu baaqay inay ka waantoobaan arrimaha qabyaalada una soo jeedsadaan inay wax qabadka dalkooda.

 

Faroole ayaa khudbadiisa ku weeraray shaqsiyaad soomaaliyeed oo xaflada ka hadlay oo Magaca Puntland u dhigayey si khaldan , wuxuuna yiri ” waxaan halkaan ka maqlayey kuwo u dhigaya magaca Puntland si khaldan, qaarkoodna ay dowlada federaalka ah ku sheegayaan Jamhuuriyada dimoqraadiyada soomaaliyeed, waa khaldan tihiin, waxaana bartaan Carabkiina Dowlad goboleedka Puntland ee Soomaaliyeed, wax Jamhuuriyada dimoqraadiyada soomaaliyeed la yiraahdana ma jirto dowlada Hadda jirta waxaa la yiraahdaa Dowlada Federaalka soomaaliya ”.

 

Madaxweynaha ayaa soo hadal qaaday Jawigii shirka ee Xalay ayaa yiri” Sida hadda aad meesha u fadhidaan waxaad jilaysaan inaad Xamar la joogo, laakiin arrinku saas maaha , magaalooyinka soomaaliya sidooda ayey ahaanayaan Garoowe, Boosaaso iyo Hargeysa la soo rari maayo sidaas ayey u camirnanayaan, magaalada Muqdishana dib baa loogu noqonayaa oo loogu wada noolaanayaa”.

 

Madaxweynaha ayaa hadalkiisa ku soo gunaanuday ” Dalka aad joogtaan oo aad u soo qaxdeen oo aad ku nabadgasheen oo caruurtiina aad ku korsataan ku dadaala inaad wax fa’iidaysataan oo caruurtiina aad ugu faa’iidaysataan” .

 

Xafladii Xalay ayaa kama danbays waxaa hadalo kooban ka soo jeediyey Madaxdweynaha DFKMG Soomaaliya , Sh. Shariif Sh. Axmed , isagoo soomaalida weydiistay Taageero dhaqaale oo dalka dib loogu dhiso, isagoo soo hadal qaaday hadal uu xaflada ka sheegay Madaxweyne Faroole oo ahaa Dowlad federaal ah ayaa soomaaliya ka dhalanaysa ayuu Madaxweyne Shariif si kaftan ku yiri ” Waad maqlaysaan Walaalkay Faroole inuu ku dhigan yahay Federaalka, laakiin Federaalku waa ku meel-gaar oo soomaalida ayaa marka hore la isugu keenayaa, marka danbena soomaali ayaa ka tashanaysa ma Federaal ayaan sii haysanaynaa , mise Wax kale ayaan qaadanaynaa” ayuu hadalkiidsa ku soo gaba-babeeyey Madaxweyne Shariif.

 

Daabacaadda: Puntlandpost.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

kingofkings;794632 wrote:
Faroole is yet again leading Somalia and Somalis in the right direction.

funny people walahi reer banadir said no to the garowe agreement, alshabab who control the entire south said no, Somaliland said no...

 

saxib stop dreaming, dreamers. the garowe agreement is equal with toilet paper.. hahaha...masakin. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Faroole can't even unite the garowe clan enclave let alone uniting somalia the garowe accord is not accepted in ximan iyo xeeb not in hiiraan and also not in other parts of southern somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

Xaaji Xunjuf;794683 wrote:
Faroole can't even unite the garowe clan enclave let alone uniting somalia the garowe accord is not accepted in ximan iyo xeeb not in hiiraan and also not in other parts of southern somalia.

Lol, do not kid yourself, you know Faroole won this match, he played cards like no other before him. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maya somalia cadalaad baan la raba sabab wa walahayo waxan ku idhi ya qadanaya wax ay afar nin so mal maluuqdeen in garowe oo u farooole gar wadeen ka yahay cadalaad baa loo Bahanyahay sheekdadan garowe accord ma shaqeyneyso wanad arki dad badan ba iska hor iman doona.

Share this post


Link to post
Share on other sites
peasant   

Xaaji wax walba meel ayey ka bilowdan, afar tan nin waxa ay tuseen somali in ay wada fariisan karto wadankoda gudahiisa ayna ka wada hadli karaan sidii xal waara loogu heli lahaa bulsha weynta somaliyed. Xaaji taa keli ah baa amaan mudan kadib inta aan la gudo gelin waxa ay ku heshiiyen. Sidoo kale Xaaji gogoshu somali oo dhan bay u fidsanayd lakiin idinku ma idin iman hadii aad tihiin mamulka somalida waqooyi tasina ma aha mid cid kale lagu eedi karo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

peasant;794730 wrote:
Xaaji wax walba meel ayey ka bilowdan, afar tan nin waxa ay tuseen somali in ay wada fariisan karto wadankoda gudahiisa ayna ka wada hadli karaan sidii xal waara loogu heli lahaa bulsha weynta somaliyed. Xaaji taa keli ah baa amaan mudan kadib inta aan la gudo gelin waxa ay ku heshiiyen. Sidoo kale Xaaji gogoshu somali oo dhan bay u fidsanayd lakiin idinku ma idin iman hadii aad tihiin mamulka somalida waqooyi tasina ma aha mid cid kale lagu eedi karo.

Peasant mayaa wa fiicantahay in dalka gudihisa lugu shiro balse ma lo dhama wa mayaa wax aan loo dhamayn in ragi ku dhawaqaan oo ay xeer ka dhigtan in dadka somalia lugu hogaamiyo wa qalad weye. Ama u yeedha hiiraan dadka matala ximan iyo xeeb dadka matala azaniya cida matasha jubaland cida matasha gobolada koonfurta somaliya iyo inta shabatu haysato cid matasha dee ama naga dayaa. Mide labaad shirkani shir somali oo dhan maha ,miya loo yeedhay reer nfd miya loo yeedhay reer somali galbeed miya lo yeedhay Somaliland na looma yeedhin. Shirka Garowe wuxu aha shir ku sahabsan Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

Xaaji Xunjuf;794725 wrote:
Maya somalia cadalaad baan la raba sabab wa walahayo waxan ku idhi ya qadanaya wax ay afar nin so mal maluuqdeen in garowe oo u farooole gar wadeen ka yahay cadalaad baa loo Bahanyahay sheekdadan garowe accord ma shaqeyneyso wanad arki dad badan ba iska hor iman doona.

I'm sorry but the world disagrees. It will indeed work.

 

The TFG has made its play and so has the international community, both the US and the UK.

 

And as you heard Hillary Clinton say, anyone who stands in the way of the transition will be dealt with. It can't be stopped.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this