Sign in to follow this  
Siciid1986

Madaxweyne Siilaanyo oo Ra’iisal-wasaaraha Ingiriiska Guddoonsiiyey Dhukumanti Iftiiminaya Qaddiyadd

Recommended Posts

Kulan xalay dhexmaray madaxweynayaasha Somaliland iyo Seychelles + Mudaharaad ballaadhan oo jaaliyadaha reer Somaliland ka hordhigeen xafiiska Ra’iisal-wasaaraha Britain

 

 

London (Jam)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa markii ugu horreysay taariikhdii shalay la kulmay Ra’iisal-wasaaraha Ingiriiska Mr. David Cameron, isla markaana guddoonsiiyey dukumantiyo iftiimanaya taariikhda qaddiyadda madaxbannaanida Somaliland, kadib markii Madaxweynuhu ka qaybgalay mudaharaad aad u ballaadhan oo jaaliyadaha reer Somaliland ka hordhigeen xafiiska Ra’iisal-wasaaraha Britain ee magaalada London.

 

 

Madaxweyne Siilaanyo oo dadweynaha reer Somaliland kala qaybgalay mudaharaadkaas oo lagu dalbanayey aqoonsi caalami ah, iyadoo baraf iyo roob da’ayey magaalada London, waxa uu xafiiskiisa kulan kula yeeshay Ra’iisal-wasaaraha Ingiriiska ee 10 Down Street, waxaannnu Madxweynaha Somaliland ku guddoonsiiyey Ra’iisal-wasaare David Cameron dukumantiyo iyo qoraallo la xidhiidha taariikhda iyo qadiyadda madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.

 

 

Waxa kale oo ay Madaxweynaha Somaliland iyo weftigiisu isla shalay kulan la yeesheen Wasiirrada Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee dalka Ingriiska, iyaga oo ka wadahadlay qodobo la xidhiidha sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka iskaashi ee u dhexeeya labada dawladdood.

 

 

Sida sarkaal ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibedda Jamhuuriyadda Somaliland uu Jamhuuriya u xaqiijiyey, waxa kale oo madaxweyne Siilaanyo xalay magaalada London kulan la yeeshay madaxweynaha dalka Seychelles James Michel, iyada oo la sheegay in labada madaxweyne ka wadahadleen qodobo la xidhiidha arrimaha budhcad-badeeda iyo sidii iskaashi looga samayn lahaa la-dagaalankooda.

 

 

Mudaharaadka jaaliyadaha reer Somaliland oo ah ugu ballaadhnaa abid, kana qaybgaleen dad lagu qiyaasay ilaa hal milyan oo qof oo ka dhacay shalay wajahadda hore ee xafiiska Ra’iisal-wasaaraha Ingiriiska, waxay halkaas ku soo bandhigeen hal-ku-dhegyo iftiiminaya taariikhda Somaliland iyo sida loogu baahan yahay in dunidu u fidiso ictiraaf caalami ah, iyagoo bannaanbaxayaashu muujiyey in dimuqraadiyadda iyo xasilloonida ka jirta Somaliland tusaale fiican u tahay mandaqadda Geeska Afrika iyo guud ahaan qaaradda Afrika.

 

 

Bannaabaxayaasha reer Somaliland oo ka kala yimi dalal badan oo ku yaal qaaradda Yurub iyo Waqooyiga Ameerika, isla markaana kala qaybgaleen masuuliyiinta sare ee dalka iyo siyaasiyiin ka tirsan asxaabta qaranka iyo kuwa madaxbannaanba, waxay ku lebbisnaayeen dhar ka samaysan calanka Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanay ku dhawaaqayeen erayo ay ka mid ahaayeen; ‘Ictiraaf baannu doonaynaa iyo weedho kale.’ Waxa kaloo mudaharaadayaashu Somaliland siteen calanka iyo astaamaha dawladda Ingiriiska.

 

 

Dhinaca kale, Madaxweynaha Somaliland uu isla shalay magaalada London kaga qaybgalay xaflad lagu daah-furayey hay’ad cusub oo la yidhaa Hay'adda Horumarinta iyo Iskaashiga Somaliland (SDC), taasoo loo abuuray inay wax weyn ka tarto dhinaca mashaariicda horumarinta iyo maalgashida dalka Somaliland ka helo beesha caalamka.

 

 

Waa markii ugu horreysay taariikhda ee Madaxweyne Somaliland ah la kulmo Ra’iisal-wasaaraha waddanka Britain.

 

395459_224072907688184_100002564295383_4

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this