Sign in to follow this  
kingofkings

Madaxweyne Faroole oo Magaalada London u dhoofay

Recommended Posts

Garoowe (PV):-Madaxweynaha Dowlada Puntland C/raxmaan sheekh Maxamed Faroole iyo wafdi uu horkacayo ayaa saacadihii ugu danbeeyay ka dhoofay garoonka diyaaradaha garoowe kaasoo shalay ahaa mid aad u mashquul badan.

 

Wafdiga Madaxweynaha oo ay ku jiraan Wasiirada arimaha gudaha C/laahi Axmed jaamac Ilka jiir,wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga Caalamiga ah iyo wasiirka waxbarashada ayaa waxaa klu sii sagootiyay garoonka diyaaradaha caasimada Puntland ee Garoowe mas’uuliyiin ay ka mid yihiin madaxweyne xigeenka iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka.

 

Madaxweynaha waxaa la sheegay inuu jabuuti sii mari doono kadib uu london toos ugu anbabaxi doono hadii Alle idmo.

 

Wafdiga Madaxweynaha ayaa lagu wadaa inay London uga qeybgalaan shir Dowlada Ingriisku u qabaneyso dhinacyada Soomaalida qaarkood kaasoo aad uga duwan shirarkii hore soomaalida loogu qaban jirey.

 

Wararka shirka ayaa aad isu soo taraya inkastoo ajandaha rasmiga ah aan wali laheyn hadana dowlada Ingriiska ahmiyad weyn ayay siisay shirkaasi waxaana lagu martiqaaday ilaa 50 madaxweyne oo caalamka ka kala imaan doona.

 

Shirka oo warar aan la xaqiijin ay sheegayaan inuu socon doono 5 saacadood islamarkaana furmi doona 23-ka bishaan ayaa lagu wadaa inay ka soo baxaan qodono wax badan wax ka badala siyaasada soomaaliya.

 

Dhanka kale wafdiga Madaxweyne Faroole ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee durba u dhoofa london iyadoo sidaas oo kale madaxweynaha Somaliland uu isna u dhaqaaqay shirkaasi waxaana lagu wadaa in madaxda Soomaalida ee lagu martiqaaday ay dhamaan u dhoofaan dalka Ingriiska sacadaha soo socda.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha Dowladda Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole iyo wefdi uu hogaaminaayo ayaa maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe,waxaana ay kusii jeedaan magaalada London oo ay uga qaybgali doonaan shirka Britain u qabanayso dhinacyada Soomaalida.

 

Wefdiga Madaxweynaha waxaa kamid ah Wasiirka Wasaaradda arimaha gudaha Gen.C/laahi Axmed Jaamac (Ilkojiir),Wasiirka Waxbarashada Cabdi Faarax Juxa,Wasiiru dowlaha Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga C/qaadir Cabdi Xaashi iyo xubno kamid ah madaxtooyada.

 

Madaxweynaha ayaa maqrabnimadii ka degay magaalada Jabuuti halkaas oo uu ku horumaray lana filaayo in uu la kulmo madaxda dalkaas kana mid yahay Madaxweyne Ismaacil Cumar Geelle,waxaana kadib uu usii gudbi doona magaalada London.

 

Ma jirin wax hadal ah uu siiyey warbaahinta Madaxweyne Faroole iyadoo tiro dhowr jeer oo hore u sheegay in Dowladiisa ay soo dhoweynayso Shirka London kuna tilmaamay mid fursad u ah Soomaalida.

 

Dhinaca kale wafuudi ka qaybgashay Shirka wadatashiga kasocday magaalada Garoowe saddexdii maalmood laga soo gudbay ayaa kawada dhoofay magaalada,waxaana kamid ahaa Madaxweyne Shariif oo ku laabtay Muqdisho,Ra’iisulwasaare Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo u duulay magaalada Nairobi una gudbi doona magaalada Brussels ee dalka Belgium kadibna aadi doono Shirka magaalada London.

 

Wasiirka Awqaafta Jamhuuriyada Jabuuti, ayaa isna u duulay dalkiisa, isagoo safarkiisa ay ku wehliyeen xubno reer Jabuuti ah iyo waliba u qaybsanaha arrimaha Puntland ee Jabuuti Mudane Cali Cabdi Awaare.

 

Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo oo isna shirka lagu marti qaaday ayaa maanta ka ambabaxay magaalada Hargeysa,waxaana dhinacyada Soomaalida kusii qulqulayaan magaalada London oo maalinta khamiista shirka ka dhacaayo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this