Sign in to follow this  
Somalina

50 cent arrives in Gedo

Recommended Posts

Somalina   

scaled.php?tn=0&server=615&filename=rs7o

 

Wafdi ballaaran oo ka socda hey’adda Cunnada aduunka ee WFP oo uu wehliyo fanaanka caanka ah ee 50 cent ayaa booqasho ku tagay degmada Dooloow Soomaaliya, iyagoo halkaasi kula kulamay dedka deegaankaasi.

 

Wafdigani ka socday hey’adda WFP ee gaaray degmada Dooloow Soomaaliya ayaa waxaa socdaalkooda ku wehliyay fanaanka caanka ah ee 50 cent, waxaana degmada Dooloow ku soo dhaweeyay masuuliyiin uu ka mid yahay guddoomiyaha degmadaasi, saraakiisha ciidammada dowladda iyo dadka deegaanka.

 

Wadfiga WFP iyo fanaanka 50 cent ayaa booqday xarumo Waxbarasho iyo deegaannada ay ku nool yihiin dadka degmada Doowool Soomaaliya, oo ay kula hadleen dadka halkaasi degnaa.

 

50 cent oo dadka deegaanka kala sheekeystay xaaladdooda nolololeed, kadib ayuu warbaahinta qaranka u sheegay in ay tahay markii ugu horeysay oo uu Soomaaliya soo gaaro, balse uu kula kulmay daruufo aad badan oo heysta dadka degmada Dooloow ku nool, waxa uuna carabka ku adkeeyay in dadkii uu la kulmay ay ugu darnaayeen Haween qaba xanuunno kala duwan.

 

Fanaanka caanka ee madowga ah dhallashadiisu tahay Mareykan ayaa ballan qaaday in uu gacan ka geysan doono caawinta dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa uu kula kulmay Dooloow Soomaaliya.

 

Wafdiga hey’adda Cunnada aduunka ee WFP iyo fanaanka 50 cent ayaa dib uga laabtay degmada Dooloow Soomaaliya, waxaana ay noqoneysa markii ugu horeysay ee uu Soomaaliya soo gaaro fanaankaasi, taasi oo ka digeysa in is badel uu ka jiro Soomaaliya maadaama ay ka abuurmeyso taariikh cusub.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

50 cent waa brave indeed and he is a friend of Africa. I have met him in Dar Es Slaam couple years back,we were staying in the same Hotel. Did you know he is quite short, 1.60m camal. I felt tall like a giant standing next to him. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Carafaat;787037 wrote:
50 cent waa brave indeed and he is a friend of Africa. I have met him in Dar Es Slaam couple years back,we were staying in the same Hotel. Did you know he is quite short, 1.60m camal. I felt tall like a giant standing next to him.
:D

 

no man 50 cent is not Short . hes about 1.83 cm tall(6.feet). Somalis average hight is 1.75. so mr 50 cent is 8 cm t taller han evarage Somalia.

you can check it 50 cents hight

 

http://www.imdb.com/name/nm1265067/bio

 

 

and you can see this picture all people in the picture somalis and the camera 50 cent is the tallest.

 

scaled.php?tn=0&server=615&filename=rs7o

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this