Sign in to follow this  
Dr_Osman

Somaliland Defeated Again At Buhodle Prisoners Military Vehicle Captured. Thanks Boys

Recommended Posts

Dr_Osman   

d1.jpg

scaled.php?server=26&filename=trucksland

 

Dagaalkii Duleedka Buuhoodle oo Qadar ka Dib u Bilawday Iyo Gaadiid laga Qabsaday Somaliland oo la Geeyay Buuhoodle (Faahfaahin)

 

Buuhoodle (RBC) Dagaalkii saaka waaberigii ka qarxay deegaanka Sooljoogto ee duleedka magaalada Buuhoodle ayaa dib u bilawday ka dib markii uu qadar hakaday, sida wararka ugu dambeeya nagu soo gaarayaan.

 

Dagaalka ayaa saaka qarxay wax yar ka dib xilligii Salaada Subax, wuxunaa dagaalku ku bilawday madaafiic ay isweydaarsadeen labada dhinac waaberigii ka dibna waxaa bilawday dagaal toos ah.

 

Sooljoogto waxay dhanka Galbeed ka xigtaa Buuhoodle illaa 30- KM, waana meeshii uu dhowaan ka dhacay dagaalkii dhexmaray ciidamada Somaliland iyo kuwa Buuhoodle.

 

Sida uu sheegay wariye madax bannaan oo degmada Buuhoodle jooga dagaalka ayaa qadar qaboobay hase yeeshee wuxuu markale dib u bilawday ka dib markii ciidamada maamulka Somaliland ay soo rogaal celiyeen.

 

C/risaaq Bakeyle oo ka tirsan maamulka maamulka degmada Buuhoodle oo telefoon aan kula hadalnay wuxuu sheegay in illaa saddex baabuur oo nooca dagaalka ah kuwaasoo laga soo qabsaday ciidamada Somaliland. Mid ka mid ah baabuurtaasina waxaa saaran qoriga Zuu-ga.

 

C/risaaq wuxuu intaa ku daray inay sidoo kale dhankooda hayaan maxaabiis ay dagaalka ku soo qabteen.

 

Dhanka Somaliland weli kama hadlin dagaalka iyo baabuurta la sheegayo in looga qabsaday dagaalka.

 

Khasaaraha dhimasho iyo dhaawac

 

Dad ku sugan magaalada Burco ayaa Raxanreeb u sheegay in isbitaalka Burco la geeyay dhaawac iyo meydad lagu sheegay illaa 12 ruux kuwaasoo ahaa ciidamada maamulka Somaliland.

 

Dhanka magaalada Buuhoodle waxaa la geeyay tobaneeyo dhaawac iyo saddex dhimasho oo ah ciidamadii dagaalamayey.

 

Dagaalka ayaa ku fiday Meygaagle iyo Qorilugud. Qorilugud waxaa horey u joogay ciidamada Somaliland.

 

Xaalada magaalooyinka Buuhoodle iyo Burco ayaa aad u kacsan iadoo dadku ay aad u hadalhayaan dagaalka, sida uu soo sheegayo wariyaha Raxanreeb ee Hargeysa.

 

Dagaalkan wuxuu yimid xilli ay dawlada Ethiopia wado wada hadal ay isugu keeneyso madaxda Somaliland iyo kuwa Khaatumo State. Waxaana hadda arimaha wada hadalkan dartiis Addis Ababa u jooga masuuliyiin ka socota labada dhinac.

 

RBC Radio

Xafiiska wararka Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Of course somaliland wont talk about its defeat but pictures dont lie. Those trucks are somaliland and that soil is buhodle another massive defeat by the ciidamada madaniga ee buhoodle to somaliland rag-tag militia and as garoweonline put it "This battle proves how militarily weak somaliland is at this stage cuz its losing to security guards".. They havent even fought khatuumo state forces yet. Thats what garoweonline was meaning

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

where is Somaliland is big bad ciidamada qaranka? ma sheeko bay ahayd waxaas? cawe ciidamada qaranka lagu sheego? war awdal-toghdheer-waqoyi galbeed dhamantooda waxay fadhiyan qorilugud waxana ka adag carurta buhodle iskaba daa khatuumo state soldiers oo weliba dagaalka galin, carur baba ku filan!!! There is no denying somaliland is weak state ur militarily weak and thats why u ran away from somalia wad og tahay dacifnimadada. That makes sense!!! and garoweonline publication also made that clear in other words maxamed farole was saying "if the kids of buhodle is whooping ur backside, what u think khatumo soldiers will do? u see the point now

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Faah faahin ku saabsan dagaalkii maanta ka dhacay duleedka Buuhoodle

 

Updated:- 1 min ago| 0 Commnets

 

Xaaladda deegaanadii uu saaka dagaalka xoogani ka dhacay ee duleedka Buuhoodle ayaa saaka degen.

 

Warar dheeraad ah oo soo baxay ayaa sheegaya in dagaalkaas ay ku gacan sareeyaan ciidamada deegaanka,waxaana wararku ay intaas ku darayaan in 3 Gaaro oo nooca dagaalka ah laga qabsaday ciidamada maamulka Somaliland.

 

Khasaaraha dagaalka ee labada dhinac kala gaarey ayaan ilaa iyo hada la ogeyn waxaana degmada Buuhoodle lasoo gaarsiiyey 6-askari oo ciidamada Somaliland maxaabiis ahaan looga soo qabsaday.

 

Xaaladda ayaa xiligan ah mid degen waxaase laga cabsi qabaa in dib mar kale dagaal u qarxo maadaama ay labada dhinacba abaabul ciidan oo xoog leh wadaan, guud ahaan jewiga guud ee Buuhoodle ayaana ah mid saan saan colaadeed oo xoogan laga dareemayo.

 

Waxayna labada dhinac ku kala sugan yihiin Sool-joogto oo qiyaastii 28km waqooyiga degmada Buuhoodle kaga beegan iyo Meygaagle oo waxyar u jirta, ciidamada Khaatumo saaka waxay gaareen Meygaagle haseyeeshee markii dagaalku qaboobey ayey Sool-joogto dib ugu soo noqdeen.

 

Madaxweynaha Puntland ayaa isna ka hadlay dagaalka saaka ka bilowday duleedka Buuhoodle xilli uu khudbad ka jeedinayey munaasabad lagu daah furayey Dastuurka Puntland, codka madaxweynaha iyo faah faahin dheeri ah oo ku saabsan dagaalkaas iyo khasaaraha ka dhashayba Horseed Media saacadaha soo fool leh ayey idiin soo gudbin doontaa.

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Maamulka Khaatumo State Oo Caawa Shir Saxaafeed Kuqabtay Aqalka Madaxtooyada ee Magaalada Buuhoodle (Dhegayso+Sawiro)

 

Maamulka Khaatumo State Of Soomaaliya ayaa caawa aqalka madaxtooyada maamulka Khaatumo State ku qabtay shir saxaafadeed laga hadlay dhinacyo badan.

 

Ugu horayn waxaa halkaasi ka hadaly Madaxwayne ” Maxamed Yuusuf Jaamca” Indhasheel. oo kahadlay waxyaabihii uqabsoomay maamulka Khaatumo State iyo weliba waxyaabaha ay qorshaynayaan, sidoo kalana waxa uu kahadlay dagaalada Ka soconaya qaybo kamida Gobolka Cayn.

 

waxaa isna halkaasi ka hadlay Wasiirka arimaha Gudaha maamulka Khaatumo State Yaasiin Axmed Sulub ugu horayna sheegay in guulo la taabo karo kasoo hooyeen dagaaladii lakowsaday ee ka dhacay deegaanka G/ Cayn

 

sidoo kalana waxaa ukahadlay halka ay marayaan howlihii dhisida maamulka ee dhamaan degmooyinka iyo gobolada waxa uu sheegay in ay meel wanaagsan marayaan isagoo sheegay inay gacana xabada kuridayaan gacana maamulka ay kudhisayaan taasna ay uqayb samaan.

 

Madaxwaynaha Maamulka Khaatumo State Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash) ayaa isna dhankiisa ka hadlay arimo dhowr ah waxuuna ugu horayn sheegay in ay kamaamul ahaa diyaar uyihiin nabad waarta oo dhexmarta maamulka Khaatumo State iyo maamulada ay deriska yihiin taasi oo kumacneeyay inaysan ahay nabad gole kaga kac ah.

 

Hasa ahaatee waxa uu nabadaas ku xidhay in maamulka Siilaanyo uu kabaxo deegaanada uu ku sugan ee khaatumo State sidoo kalana uu joojiyo duulaanka uu ku doonayo inuu kaqabsado deegaano horleh hadii aan taas lahelina waxa uu madaxwaynuhu sheegay inaysan suura gelayn nabad lala galo maamulka Uu minjirara habaabiyey Siilaanyo.

 

Ugudanbayna madaxwaynaha ayaa kahadlay safardhawaan laga yaabo inuu ugu kicitimo deegaano katirsan maamulka Khaatumo State.

 

Shirkan Caawa lagu qabtay aqalka madaxtooyada maamulka Khaatumo State ayaa kusoo beegmaya xili shalay uu madaxwaynaha maamulka Hargeisa ku baaqay nabad, waxaana xusid mudan baaqaas kadib ay Jabhada SNM duulaan kusoo qaaday deegaanka Sooljoogto. halkaasi oo ay iskacaabin xoogan kala kulmeen ciidamada Maamulka Khaatumo State ee kusugan jiida hore ee dagaalka.

 

Picture-017.jpg

Picture-021.jpg

 

Khatuumo State Press Conference. Audio

http://horufadhi.com/2012/02/07/maamulka-khaatumo-state-oo-caawa-shir-saxaafeed-kuqabtay-aqalka-madaxtooyada-ee-magaalada-buuhoodle-dhegaysosawiro/

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

M/wayne Faroolle oo cambaareeyay weerarka Soomaliland ay kusoo qaaday Buuhoodla,isagoona qasawadayaal kutilmaamay maamulka Khaatumo

 

Wed, 08 Feb 2012 07:06:17 -0500 am -05:00 -18000

 

Garowe,Feb 8 -Madaxwaynaaha dowladda Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole oo maanta ka hadlayay munsaabad kadhacday magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ayaa nasiib darro ku tilmaamay weerarkii ay ciidamada Somaliland kusoo qaadeen deegaano ka mid ah degmada Buuhoodle oo ay ugu dambeysay dagaalkii saaka ka kadhacay duleedka Buuhoodle.

 

Madaxwaynaha ayaa ku tilmaamay wax nasiib darro ah in maamulka Somaliland uu soo weeraro goobo ay ku suganyihiin dad reer miyi ah oo xoolo dhaqato ah.

 

"Waxaa nasiib darro ah in xukuumadda Somaliland ay weerar qaaban kusoo qaado magaalada Buuhoodle bishii January 15keeda,wararka sida ay nagu soo gaarayaana saaka mar kale ay soo weerartay,iyadoo ciidamadeeda ay fadhiyaan goobihii miyiga ee xoolaha biyaha ka cabayeen"ayuu yiri madaxwaynaha Puntland oo intaasi raaciyay xiligaan in la joogo dhibaatada Soomaaliya in lasoo afjaro oo uu maamulka Somaliland weeraro kusoo qaado deegaanada Buuhoodle.

 

Madaxwaynaha ayaa ugu baaqay maamulka Somaliland inuu ciidankiisa dib ugu celiyo goobihii ay fadhiyeen 15kii January ka hor,isagoona uga digay inay dagaal sokeeye ka dhalato talaabooyinka ay Somaliland ka wado deegaanKa Buuhoodle.

 

"Kuwa iyagu meel aan waxba ku jiri wax ka raadinaya ama hadba dhinac usoconaya oo raadinaya in hadba geedi socodka Soomaaliyeed dhiig ku raadiyaan oo maalintii Buuhoodle lasoo weerarayay ku sugnaa,dabadeedna Itoobiya u cararay waxaan u sheegaynaa sida aad wax ku raadinaysaan waxba ku heli maysaan"ayuu sii raaciay madaxwayne Cabdiraxmaan Maxamed Faroole.

 

Madaxwayne Faroole ayaa sheegay dowladda Itoobiya oo ka shaqaynaysay inaysan isku dhicin Somaliland iyo Puntland inay runta u sheegto madaxwaynaha Somaliland oo xiligaan ku sugan dalka Itoobiya,ayna waxba ka dhagaysan dad uu ku tilmaamay inay yihiin qaswadayaal.

 

"Aduunka waqtigaan xaadirka ah ee maanta la joogo oo anagu ka hadlayno dimuqraadiyeen qof walba xaq buu u leeyahay ayihiisa inuu ka taliyo,magaalada Laascaanood haysashadeedu waa waxa sabab u ah oo kuwo siyaasiyiin isku sheegaya ay rabaan inay kaga faa'iidaystaan qalalaaso siyaadadeed inay mar dambe xukun meel kaga helaan "

 

Madaxwaynaha ayaa isagoo hadalkiisa sii wata waxaa uu ugu baaqay maamulka Somaliland inuu ciidamadiisa kala baxo magaalada Laascaanood kahor inta uusan furmin shirka London ee la filayo inuu qabsoomo.

 

"Waxaan ugu yeeraynaa dowladda Somaliland inay magaalada Laascaanood si degdeg ah uga baxdo oo aysan ka qaybgalin shirka London ciidamadeeda oo ku sugan magaalada Laascaaood'ayuu yiri madaxwayne Faroole,isagoo hadalkiisa siiwata ayaa waxaa uu sheegay beesha caalamka inaysan shirka London ugu yeerin dad Soomaaliyeed oo nabadda kasoo horjeeda.

 

Hadalka madaxwayne Faroole ayaa waxaa uu soo baxayaa xilli ay saaka dagaallo ka dhaceen deegaano ka mid ah degmada Buuhoodle ee gobolka Cayn.

 

Diiwaanka Wararka

Daljir Boosaaso.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Faroel.jpg

 

 

Somalia: Puntland leader warns of 'new civil war' as Somaliland forces attack Buhodle

8 Feb 8, 2012 - 4:44:15 AM

 

BUHODLE, Somalia Feb 8, 2012 (Garowe Online) - The President of Somalia's Puntland government has sent a strong warning to Somaliland forces after an attack on Buhodle city left dozens dead, Radio Garowe reports.

 

Local sources and witnesses report that Somaliland forces launched an attack on Buhodle on Tuesday, after a week of quietness in the front line between Somaliland forces and clan militia based in Buhodle.

 

At least 18 wounded persons mostly fighters and 3 dead persons were brought to Buhodle health centers, locals added.

 

There was no casualty figures on the Somaliland side, but locals stated that Buhodle clan militia seized 3 armed trucks from Somaliland troops, who retreated from the front line. Around midday Tuesday, Somaliland forces had gained reinforcement from nearby military camps and the fighting had subsided by early afternoon hours.

 

It was Somaliland's second attack on Buhodle since January 2012, when over 80 Somaliland soldiers were killed in day-long battles.

 

Puntland's warning

 

Puntland President Abdirahman Mohamed Farole, addressing the launching of Puntland's constitution in the state capital Garowe, told the crowd that Somaliland's continued aggressions in Buhodle area will not be tolerated.

President of Puntland Dr.Abdirahman Farole

 

"We condemn Somaliland's aggression on Buhodle and we demand Somaliland immediately withdraw from Las Anod town," said President Farole, adding: "We warn that if Somaliland continues its violent aggressions against Buhodle, that a new civil war might erupt in northern Somalia."

 

President Farole continued, saying: "It is unfortunate that an administration which claims to support peace [somaliland] is now attacking peaceful areas.

 

Speaking about Khatumo political group, Puntland's leader said that "politicians who failed in Somali politics should not seek positions with the blood of civilians."

 

Continuing, he said: "No one should listen to failed politicians who want to create instability. Those politicians who were there when fighting erupted in Buhodle in January and then those same failed politicians fled to Ethiopia."

 

Khatumo is a self-declared "state" in Somalia, following the conclusion of the Taleh conference attended by politicians and elders from the *********** clan that resides in Las Anod and Buhodle areas. Somaliland and Puntland claim ownership over Sool and Sanaag regions, home to ***** communities who share kinship with Puntland clans.

 

Somaliland and Puntland regions have enjoyed relative stability since the 1990s, but the threat of instability has lingered over the region since Somaliland forces militarily seized control of Las Anod in October 2007.

 

GAROWE ONLINE

Share this post


Link to post
Share on other sites
AsadSL   

lol these people think they have even seen Ciidanka Somaliland. Somaliland can enter buudhole anytime but its playing smart politics but only people with no sense and running around with no heads like ssc think they are winning or stronger lol.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this