Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Ethiopia and Somaliland to sign electricity export agreement

Recommended Posts

Tuesday, February 7th, 2012

 

khubaro Wakaaladda Korontada Itoobiya ka socda iyo Shirkad Wadani ah oo si wadajir ah Somaliland uga wada Daraasad Laydhka Itoobiya dalka lagu keenayo

 

Hargeysa(Waaheen) khubaro ka socota Wakaaladda Korontada Dalka Itoobiya iyo Shirkad dhinaca Korontada ah oo Wadni ah ayaa maalmihii ugu danbeeyayba Dalka ka waday Sahamin dhinaca Korontada ah taasoo ay ku doonayaan inay Dalka ku keenaan Korontada jaban ee biyaha laga soo saaro ee Dalka Itoobiya. Ilaa hada Xukuumadda Somaliland qorshaha ay wadaan labada dhinac ee Itoobiyaanka iyo shirkadda Wadaniga ah wax macluumaad ah kamay bixini hase yeeshee sida ay Ilo xogogaal ahi Waaheen u sheegeen waxay labada dhinac wadaan Maalgelin la sheegay shirkadda Wadaniga ahi inay ka haysato Dalka Faransiiska taasoo suurtogalinaysa inay shirkadaasi dalka Itoobiya ka soo qaadato Korontadeeda taagan xuduudka labada dal ee dhaxeeya ee Wajaale. Khubaradan ayaa waxay Sahamin dhinaca dabka ah ku sameeyeen Hargeysa, Berbera iyo Burco waxaana sida la sheegay u qorshaysan inay Boorame tagaan iyagoo mudadii ay socdaalka ku tagayeen Goboladaasi wada xaajood io wadahadalo bar bar waday shirkaddaha Korontada ee magaalooyinkaasi hase yeeshee warku muu sheegin natiijo ka soo baxday kulamadoodaasi. Sidoo kale ma jiraan xogo kale oo ku saabsan goorta ay fulinayaan Mashruuca ay wataan. Hore ayaa Shirkad kale oo Wadani ah u sheegtay inay soo qaadatay Heshiis dhinaca Koronto keenida dalka taasoo Ruqsad ka soo qaadatay dalka Itoobiya balse si rasmi ah looma oga inay saaxada ka baxday iyo inkale iyo sababaha dhaliyay toona. Hase yeeshee khubaro ku xeel dheer dhinaca Korontada ayaa sheegay inay hawshani tahay hawl baaxad leh oo u baahan shuruuc iyo Maalgelin rasmi ah oo suurtogelin karta in Korontadaasi lagu soo jiido. Tusaale ahaana sida ay dadka u dhuun daloola ganacsiga Korontadu Waaheen u xaqiijiyeen waxa loo baahan yahay in la helo intaan hawshan la gelin shuruuc ay ka mid yihiin Siyaasadii Korontada (Energy policy), Sharcigii iyo Xeerarkii (Energy Rule and Regulation), Guddi Qaran (Energy Commission) oo ka kooban Public/ Private iyo xubno kale oo dhex dhexaad ah maadaama shirkadaha Korontada dhaliyaa ay u badan yihiin shirkado gaar loo leeyahay halka Wakaaladda Korontada Dawladdu tahay qayb ahaan ta ugu yar ee Dab bixisa. inkasta oo aan la ogayn in shirkadda hore Suuqa si toos ah uga wada baxday hadana sida ay Ilo xogogaal ahi sheegeen arrimaha aan kor ku soo sheegnay ayaa la sheegay inay caqabad ku noqdeen, isla mar ahaantaana waxa la filayaa in ay hortaagnaan doonaan cid kasta oo isku dayda inay dalka ka fuliso mashruuca Korontada. Walina ma cada Awooda iyo baaxada ay u leedahay shirkadan imika Sahanka wadaa ka midho dhalinta arrintan. Dawladda Itoobiya oo hore u lahayd awooda dab dhalinta ee dhinaca Biyaha ayaa imika wada mashruuc balaadhan oo ay ku samaynayso Biyo xidhayn weyn oo awood u yeelanaya soo saarista Koronto dalkaasi u Iibgeeyo dalalka jaarka ah isagoo dhawaan uun dalka Jabuuti gaadhsiiyay Dab ku filan, imikana la filayo inuu Somaliland u soo gudbo. Si kasta ha ahaatee waxay arrintani Somaliland u noqon doontaa fursad fiican oo ay kaga kaaftoomi doono dhaqaale badan oo kaga bixi jiray dhinaca Shiidaalka iyo Dayactirka Qalabka Mishiinada taasoo sababi jirtay Shirkadaha Korontada iyo dadweynaha Somalilandba in Korontadu ay ku kacdo qiime ka badan ka lagaga helayo Itoobiya haddii si wadajir ah la iskaga kaashado meel marinta mashruucan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this