Sign in to follow this  
Liibaan

Wafdigii Khaatumo State Of Somalia Oo Casuumad Ka Helay Dawladda Federalka IItoobiya

Recommended Posts

Liibaan   

139.jpg&sa=X&ei=KZEpT_HEKe2w0QHa_cDrAg&v

 

 

galaydh.jpg&sa=X&ei=B5EpT7_OFKTL0QH_nvDu

 

Sawir-059-342x256.jpg&sa=X&ei=GJEpT_bWMc

 

Wafdigii Khaatumo State Of Somalia Oo Casuumad Ka Helay Dawladda Federalka Itoobiya-

Lasanod Online. Wednesday, February 01, 2012

 

 

 

 

Jigjiga,(lasanod Online)- Waxaa saaka Hiirtii waaberi diyaarad khaasa ah lagu qaaday waftigii Maamulka Khaatumo State Of Somalia..

 

iyagoo socdaalkoodan ku aadanaa Magaalada Adisababa Ee Xarunta Dawlada Federaalka Ethiopia.

 

Kadib markii ay casuumad ka heleen madaxda sare ee dawladda Federaalka Itoobiya.

 

Waxaana sii sagootiyey masuuliyiin heer federaal ah oo iyagu ayaamahanba ku mashquul sanaa soo dhawaynta wafdiga Maamulka Khaatumo State ee ku yimid wadanka Ethiopia qaybihiisa kala duwan.

 

Wafdigu intii ay joogeen gudaha dalka Itoobiya waxay galeen shirar iyo casuumado badan oo ka imaanaya Soomaalida degan Deegaanka Itoobiya (DDS).

 

Sidoo kalena shalay ayay ahayd markii ay casuumada balaadhan u fidiyeen Beelweynta ****** ee ku nool magaalada Jigjiga.

 

Kala socda lasanod Online Sawirada gadaal baanu idiinka soo diraynaa Insha'allaahu....

Copyright © 2011 Lasanod.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

1111.jpg

 

 

R/wasaaraha Itoobiya Melez Zanawi oo Diyaraad Khaas ah u soo diray Wafida Khaatumo

 

waxaa maanta gaadhay magaladda Adis abab waftidii ka socotay Khaatumo State ee maalmahan ku sugnaa Magaaladda Jigjiga waftidan ayaa diyaarad Khaas ah geysay Adis ababa waxana Garoonka Diyaaradaha ku soo dhaweeyey madax sare sare oo ka tirsan Dawladda Itoobiya

 

Waftidan ayaa Casuumad rasmi ah ka helay R/wasaaraha Itoobiya Melez Zanawi taas oo ay ugu gudbeen Adis ababa waxana la sheegay in lagu dajiyey Hotel Hilton isla markaasna loo qaabilay si heer sare ah waxana la filayaa in Kulamo ay la qaateen R.wasaaraha Itoobiya iyo waliba Safaaradaha beesha Caalamka ee ku sugan Adis abab

 

Dawladda Itoobiya iyo Maamulka Khaatumo ayaa wadaaga Xuduud dheer waxana lama huraan ah in labadda dhinacba ay iska kaashadaan wada shaqaynta Amaanka iyo Horumarka dhinackastaba, waxana wanagaasan iminka xidhiidhka labadda dhinac

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

High-Level Khaatumo State Delegation Will Travel Today Along With DDS President Mohamuud Omar Iley, To Addis-ababa, As Delegation From Somaliland Just Get off with Hand full of Anger

 

February 1, 2012 [/b]

 

Addis Ababa:- (RT) High-Level Khaatumo State delegation led by G9 of Khaatumo State with the members of traditional elders from Khatumo state of Somalia have been welcomed in Jig-jiga town late last week, the Khaatumo State delegation will travel today along with DDS President Mohamuud Omar Iley, to Addis-ababa, as delegation from Somaliland just get off with hand full of anger.

 

Sourse from Ethiopian Government confirm that the delegation from Khaatumo State will meet in Addis Ababa with the Ethiopian Priminister Meles Zenawi early next week.

 

The delegations from Khatumo State of Somalia were accompanied by the Liyuu police from Somali region in Ethiopia. They traveled about 265km on car and this indicates the destination between Buhodle town and Jig-jiga city.

 

The delegations from Khaatuma State of Somalia have been met with the president of Somali region in Ethiopia named Mohamuud Omar Iley, from sources in Jig-jiga town.

 

The trip of G9 and the traditional elders of Khaatumo/SSC coincided when the Somaliland foreign and interior Ministers have faced dishonor from the Ethiopian federal government after they alleged the leaders of Somali region in Ethiopia.

 

The two Somaliland Ministers didn’t obtain apologies from the Ethiopian government after both of them informed that the president of Somali region in Ethiopia who’s from Somali Region military weapons to the Khaatumo/SSC.

 

The general director of Ethiopian interior Ministry has talked out through Ethiopian TV that they have given an apology to the Somaliland’s delegations for their plans since it’s appropriate to talk with the Somali region authority in Ethiopia.

 

“as the Ethiopian prime minister has mentioned, the Somali region in Ethiopia has independent power about the Somali issues since it’s the responsible from the Ethiopian federal government” Said, The general director of Ethiopian foreign Minister.

 

Somaliland concerns that Ethiopian behinds the new Somali autonomies; Kaatumo state and Awdal state of Somalia. The Silanyo government’s concerns has increased after they confirmed that Ali Khalif Galeyd and Garaad Jama who traveled inside of Ethiopia for a vehicle from Buhodle.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Wafuudii Kasocatay Maamulka Khaatumo State Oo Kulan Xaasaayi Maanta kulayeeshay Magaalada Adisababa Ra'iisul Wasaaraha Ethiopia iyo Madaxda Dowlada Federalka ee Ethiopia

 

Waxaa maanta shir aad uqiima badan ku dhacay magaalada Adisababa ee xarunta dalka Etopia kaas oo u dhaxeeya Wufuudi ka socotay maamulka Khaatumo State oo shalay gaadhay magaalada Adis ababa, markii uu Ra'iisul Wasaaraha dalkaasi usoo diray diyaarada khaasi una fidiyay martiqaad aad usareeya.

 

wax yaabaha maanta laga wada hadlay ayaa waxaa ka mida ahaa sidii looga shaqayn lahaa adkaynta amaanka deegaanda Khaatumo state & dhanka dawlad degaanka Soomaliya.

 

Kulankan ayaa sidoo kale waxaa laga hadlay muhiimada ay leedahay in deeganada Sool, Sanaag iyo Cayn ay yeeshaan maamul ugaara waxaana loo soo bandhigay Ra'iisul Wasaaraha dawlada Etopia wax yaabaha kalifay waqtigan in lasameeyo maamul ugaara deeganada Ssc.

 

Ugu danbayn ayaa waxa uu siwayn usoo dhaweeyay Go’aanka ah in beelwaynta deeganada Khaatumo State ay iskeed utashatay samaysatayna Maamulka ugaarka ah waxa uuna xusay in aana cidna lagu qasbi karin meel aysan doonayn.

 

Wafdigan kasocda maamulka Khaatumo State waa markii ugu horaysay oo ay gaadhaan Dalka Ethopia tan iyo markii lagu dhawaaqay maamulka Khaatumo State Of Somalia.

 

waxaana lafiyaa in maalmaha soo socda ay kulamo kale oo xaasaasiya laqaataan madaxda iyo masuuliyiinta dawlada Ethopia.

 

Dhanka kale masuuliyiintii kasocotay maamulka waqooyiga soomaliya ayaa niyad jab wayn kala soo kulmay – xod xoda shaday ka doonayeen Ra'iisul Wasaaraha dawlada Ethopia iyadoo loo soo Tarxiilay dhanka ismaamulka DDS.

 

ugu danbayna waxay magaalada jigjiga kaga soo baxeen si deg deg markii dheg loo jalaqsiinwaayey.

 

Horufadhi News Desk

Share this post


Link to post
Share on other sites

source kills it: Horufadhi News Desk

 

i didnt know melez zenewi lived in a Somali Bule...times must be hard in addis ababa...hahahaha...:cool:

 

saxib ninki galyd jail bu ka daax oyaya cawaaa....its that or you will show us some nice pictures of the zenewi galayd extravaganza...haha:cool:

 

sheko khatumo...hahaah:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Source: Ramaasnews.com ( snm/somalidiid website)

 

 

Prof. Cali Khaliif Galaydh Iyo Xubno Ka Mid Ah Khaatumo State of Somalia Oo Addis-Ababa Ku Tagay Marti-qaad Ay Ka Heleen Dawlada Dhexe Ee Itoobiya, iyo Ilo Xog-Ogogaal Ahi u Xaqiijiyeen Shabakeda Wararaka ee Ramaasnews in Prof. Cali Khaliif oo la Kulmaya la kulmi doonaa madaxda sare ee federal-ka,kuwaasoo uu ka mid yahay Ra iisal wasaare Meles Zenawi

 

 

 

Addis Ababa (Ramaas) Feb. 3, 2012- Xukuumada federal-ka ee wadanka ETHIOPIA, ayaa martiqaad rasmi ah u fidisay maamulada Khaatumo State iyo Awdal State oo ka soo horjeeda jiritaanka Somaliland, waxaana ay madaxda maamuladaas la yeelanaysaa kulamo gooni-gooni ah oo taageero loogu muujinayo .

 

Dawlada dhexe ee Addis Ababa, ayaa la sheegay in ay doonayso xidhiidh xagga amaanka iyo siyaasada ah oo ay layeelato kooxahan, oo ballan qaaday in ay daacad u ahaan doonaan ETHIOPIA, iyaga oo ka codsaday in ay damaanad qaado amaankooda, ilaa inta ay gacanta ku dhigayaan dhulka ay qorshaynayaan in ay maamulada ka hirgalinayaan.

 

ETHIOPIA waxa ay si cad u sheegtay in ay soo dhaweynayso maamulka kasta laga dhisayo dhulweynihii la isku odhan jiray Soomaaliya oo ay Somaliland ka mid tahay, waa haddii maamulada cusubi ay taabacsan yihiin siyaasada xukuumada Meles Zenawi ee gobolka Geeska Afrika , laakiin waxa meesha ka baxay cilaaqaadkii ay la lahayd Somaliland oo jiray in ka badan 20 sanno.

 

Dhanka kale waxa Magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka ETHIOPIA maalintii shalay gaadhay wefti uu hogaaminayo Dr Cali Khaliif Galaydh oo ah hogaamiyaha ruuxiga ah ee maamulka Khaatumo State, waxaana uu la kulmi doonaa madaxda sare ee federal-ka,kuwaasoo uu ka mid yahay Ra iisal wasaare Meles Zenawi sida ay ilo xog-ogogaal ahi u xaqiijiyeen shabakeda wararaka ee Ramaasnews.

 

Meles Zenawi, ayaa la sheegay in uu Cali Khaliif, ku dhiirigelon doono sidii uu maamulkiisa ugu baahin lahaa dhulka ay degta beesha uu ka soo jeeda ee Sool, Sanaag Bari iyo Buhoodle, iyada oo ETHIOPIA ay siin doonto gargaarka dhanka gaashaandhiga ah, isla markaana ay xukuumada Somaliland ku qanci doono in ay joojiso dagaalada ka dhanka ah kooxada falaagada ah.

 

Galaydh oo xilka wasiirka koowaad ka qabtay dawlada KMG ahayd ee lagu soo dhisay Magaalada Carta ee dalka Djibouti ee uu hogaaminayay Cabdiqaasim Sallaad Boy sannadkii 2000, ayaa gacan ka gaystay burburkii dawladaas, ka dib markii ETHIOPIA ay ku eedaysay in ay xidhiidh la lahayd argagixisada caalamiga ah, waxaana uu sida oo kale taageero dhanka siyaasada ah ka haystaa dalka Maraykana uu barre jaamacadeed ka yahay.

 

Xidhiidhka Somaliland iyo ETHIOPIA oo diciifay ilaa intii xukuumada Madaxweyne Axmed Siilaanyo xukunka wadanka la wareegtay, ayaa sabab u noqday in ay kooxaha gooni isu taaga ka soo horjeeda taageero waydiistaan dalka saaxiibka hore ahaa.

 

 

 

Ramaasnews Desk

Share this post


Link to post
Share on other sites
Duufaan   

you do not seem to be very convinced any longer. We were telling you all the time the triangle is very small place, very few people in comparison. it does not have a lot leverage as you may thinking. As politics shifts more permantly the reality will caught you.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Melez Zanawi oo Diyaraad Khaas ah u Soo Diray Wafida Ka Sodca Maamul-Goboleedka Khaatumo State of Somalia

 

waxaa maanta gaadhay magaladda Adis abab waftidii ka socotay Khaatumo State ee maalmahan ku sugnaa Magaaladda Jigjiga waftidan ayaa diyaarad Khaas ah geysay Adis ababa waxana Garoonka Diyaaradaha ku soo dhaweeyey madax sare sare oo ka tirsan Dawladda Itoobiya

 

Waftidan ayaa Casuumad rasmi ah ka helay R/wasaaraha Itoobiya Melez Zanawi taas oo ay ugu gudbeen Adis ababa waxana la sheegay in lagu dajiyey Hotel Hilton isla markaasna loo qaabilay si heer sare ah waxana la filayaa in Kulamo ay la qaateen R.wasaaraha Itoobiya iyo waliba Safaaradaha beesha Caalamka ee ku sugan Adis abab

 

Dawladda Itoobiya iyo Maamulka Khaatumo ayaa wadaaga Xuduud dheer waxana lama huraan ah in labadda dhinacba ay iska kaashadaan wada shaqaynta Amaanka iyo Horumarka dhinackastaba, waxana wanagaasan iminka xidhiidhka labadda dhinac.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

khaatumo1.png

 

 

Waftida Khaatumo State of Somalia ee Ku Sugan Addis Ababa oo Kulamo La Qaatay R/wasaare Melez, Madaxdda Sar Sare ee Itoobiya iyo Beesha Caalamka

 

Waftida Khaatumo State ee ku sugan magaaladda Adis ababa ayaa kulamo kala duwan la yeeshay Madax sare sare ee Dawladda Itoobiya iyo waliba Wakiiladda Beesha Caalamka ee ku sugan Adis ababa

 

Waftida ayaa shalay kulamo la yeelatay Wasiirka Arimaha Dibadda ee Itoobiya kulankaas oo qaatay muddo saacadaha waxana labadda dhinacba ay isla jeexjeexiin sidii Iskaashi loo samayn lahaa ka dibna waxa ay kulan la qaateen Isla Shalay Wasiirka Gaashaandhiga ee Itoobiya waxana kulamadaasi ku dhamaadeen dhamaan Guul

 

Waftidu waxa ay xalayto Kulan Casho sharaf ah la yeelatay R/wasaaraha Dalka Itoobiya Melez Zanawi taas oo ka dhacday Xarunta Madaxtooyadda ee Adis abab, waxana uu R/wasaare Melez uu aad u soo dhaweeyey Madax kala duwan ee Khaatumo iyo mirihii ka soo baxay Shirkii Khaatumo2 ee Taleex, Kulankaas ayaa ku dhamaaday is afgarad

 

Waftidu waxa ay kulamo kale la qaateen Madax kale duwan ee Beesha Caalamka u joogta Adis ababa gaar ahaan Safaaradaha Maraykanka iyo Uk, Ururka IGAD, AU, waxana jira Balamo ay la lee yihiin Safaaradaha kale ee wadamadda Yurub ku lee yihiin Adis abab

 

Waxaana Kulamadaas danbe waftida uga qayb galaya Xubnaha G9 ee Adis ababa joogta iyada oo Isimadu dib ugu soo noqdeen Maanta Jigjiga si ay uga qayb galaan caleema saark Ugaaska ugu faca weyn DDS oo todobaadkan dhacaya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this