Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: Young Radio Station Editor killed by Assassins

Recommended Posts

Dowladda oo ka tacsiyeysay Dilka Agaasimihii Idaacadda Shabelle (WAR SAXAAFADEED)

Posted by pi G1 on January 28th, 2012

Inaa Lilaahi wa inaa Ilheyhi Raajicuun

 

(Mogadishu, Janaayo 28, 2011) Dowladda Federaalka Kumeel gaarka ah ee Soomaaliya waxay canbaareyneysaa falki foosha xumaa ee caawa dilka loogu geystay Allaha u naxariistee Xasan Cusmaan Cabdi oo ahaa Agaasimaha Radio Shabelle ee Mogaalada Muqdisho oo ay koox dhagar qabayal ah si gaadmo ah ugu toogteen meel aan ka fogeyn hooygiisa Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.

 

Wasiirka Warfaafinta, Boostada & Isgaarsiinta Mudane Cabdulqaadir Xuseen Maxamed (Jaahweyn) ayaa ku tilmaamay dilka marxuumka arin naxdin leh aadna looga xumaado, asigoo xaqiijiyay in hey’adaha amniga baaritaan deg deg ah ku sameyn doonaan fal danbiyeedkaan. Wasiirka ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyski iyo eheladii uu ka geeriyooday Marxuum Xasan Cusmaan Cabdi, wuxuuna ilaahey uga baryay inuu janadii fardowsa ka waraabiyo.

 

Waxaa xusid mudan in saxafiyiinta Soomaaliya ay ku shaqeeyaan duruufo khatar badan, iyagoo mar kasta ay beegsadaan kooxaha xag jirka ah ee doonaya in ay hakiyaan tebinta gabood falka ay ku hayaan dadka Soomaaliyeed iyo saxaafada xorta ah.

 

Samir & iimaan rabi haka siiyo qaraabadi, ehelki iyo asxaabti uu ka baxay Xasan Cusman Cabdi. Aamiin Aamin, Aamin

 

DHAMMAAD

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this