Sign in to follow this  
Dr_Osman

More Soldiers Defect From The Drug Enduced Somaliland Administration

Recommended Posts

Dr_Osman   

Ciidamo ka Goostay Somaliland oo Maanta Gaarey Degmada Buuhoodle

 

Deegaanka Sooljoogto oo ay dagaalada ka dheceen

 

Buuhoodle (RBC) Waxaa maanta degmada Buuhoodle soo gaaray illaa 35 askari oo ka tirsanaa ciidamada maamulka Somaliland kuwaasoo uy goostay dhanka ciidamada Buuhoodle.

 

Askarta ka goosatay Somaliland ayaa sheegay inay ka mid ahaayeen ciidamo ku sugnaa deegaanka Qorilugud oo labo maalin ka hor dagaal uu ku dhexmaray ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka, waxaybna dhamaantood wateen qoryaha fudud.

 

Wariye madax bannaan oo ku sugan Buuhoodle ayaa Raxanreeb u sheegay in ciidamada soo goostay ay soo dhoweeyeen saraakiisha maamulka Khaatumo.

 

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dhanka maamulka Somaliland oo ku saabsan askarta ka goosatay. Hase yeeshee ilo wareed ku sugan magaalada Burco ayaa sheegaya in ragga goostay ay ahaayeen ciidamo ka soo jeeda gobolka Sool oo hore uga tirsanaa ciidanka Somaliland.

 

Waa markii ugu horeysay oo ciidan ka tirsanaa Somaliland kana soo jeeda gobolada Sool iyo Sanaag ay goostaan tan iyo intii uu qarxay dagaalka ka dhex oogan Somaliland iyo dadka deegaanka Buuhoodle.

 

Dhanka kale waxaa maanta degaan xaalada deegaanka Sooljoogto oo maalintii Khamiistii dagaal culus uu ku dhexmaray ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka. Dagaalkaasi oo sababay dhimasho iyo dhaawac fara badan.

 

RBC Radio

Share this post


Link to post
Share on other sites

Website-yadda Reer Buuhoodle Oo Wada Baahinta Warar Colaada Bariga Dab Ku Sii Shidaya Iyo Warar Borobogaando Ah Oo Nabada Iyo Xasiloonida Gayiga Halis Ku Keeni kara

 

Hargeysa (Ramaas) Jan 28,2012 – Bogaga Internet-ka ay ee ay wax ku qoraan dadka taageersan Maamulka laga iclaamiyey shirkii khaatumo 2 ee Taleex ayaa bilaabay baahinta warar dheeraad ah oo dhammaantood borobugaando ah.

 

Website-yadan ku hadla afka Maleeshiyaadka reer Buuhoodle, ayaa waxay baahinayaan warar aan jirin, kuwaas oo si ula kac ah loo abuuray isla-markaana been lagaga sheegayo dhaqdhaqaaqyada ka socda jiida Buuhoodle ee dagaalku ka dhacay, waxayna sidoo kale baahinayaan codad ay telefoono kaga duubeen haweenka Magaaalooyinka Somaliland ku dhaqan, kuwaasi oo ay waydiinayaan dareenka shacabka ee dagaalkii Buuhoodle oo ay guulo ka sheegteen Maleeshiyaadku.

 

Sidoo kale, bogagan Internet-ka ayaa waxay baahinayaan warar ay ku sheegayaan in ciidamo ka tirsan kuwo qaranka Somaliland ay u goosteen dhinaca Buuhoodle, iyagga oo adeegsanaya Sawirada Maleeshiyaadka reer Buuhoodle ee dagaalka la galay ciidamada qaranka.

 

Bogagan Internet-ka oo wararka ay qorayaan sababi karaan colaado hor leh oo ka qarxa jiida Buuhoodle ayaa waxa ay baahinayaan Mudaharaado aan jirin oo ay sheegayaan in laga sameeyay Magaalooyin ay ka mid tahay Boorama iyo in la xidh-xidhay culimo, kuwaasi oo ay dadka ku kicinayaan.

 

Bogagan ayaa sidoo kale, waxa ay baahinayaan muuqalo daawasho ah iyo sawirada dad ku dhintay dagaalkii Buuhoodle, kuwaas oo ay ku sheegayaan inay yihiin askar ka tirsan ciidamada qaranka, balse aan intooda badan direys xidhnayn, balse u muuqda dad shacabka ah oo dagaalka ku jiray.

 

Kaalinta website-yadani kaga jiraan colaadaha bariga ka jira ayaa ah mid weyn, haddii aanay ka waantoobana waxa la filan karaan inay colaadu sii fido.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Drug enduced...im thinking if the most civilised state amongst Somali's today in terms of representation, democracy etc...is fueled by drugs..you guys better start becoming crack heads... :D cause its doing wonders for Somaliland...hahaha...other then cheap propaganda and talk it all seems to be slowly unraveling for the khatumoooo..or khatumites...riwayad walahi...collaaad i like...because ultimately they lose with colaad, id rather have an open enemy then a hidden enemy..:D thank you for comitting suicide and creating more people like me in Somaliland...hahaha...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this