Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland ministerial delegation gets a warm welcome in eastern sanaag+PICS

Recommended Posts

(MAQAL IYO MUUQAAL) WAFDI HEER WASIIRO AH OO KA SOCDA SOMALILAND OO LAGU SOO DHAWEEYEY DEGMADA DHAHAR

 

Dhahar (SPR): Wafdi balaadhan oo uu hogaaminayo wasiirka hormarinta deegaanka iyo arimaha reer miyiga ee S/land ayaa maanta waxaa si heersare ah loogu soo dhaweeyey magaalada Dhahar. Wasiirka ayaa waxaa socdaalkiisa wehelinayay Gen. Ceydiid Axmed Nuur oo ah taliyaha ciidanka Booliska Gobolka Sanaag, Duqa Magaalada Dhahar ee Somaliland, iyo Waliba Siyaasi Axmed Aadan Gurey ahna madaxa Dhahar Construction oo isla markaana barnaamijyo badan ka fuliyey degmada Dhahar.

 

Wafdigan ayaa waxaa magaalada banaankeeda kaga horyimid shacab iyo ciidamo aad u fara badan iyagoo si diiran halkaasi ugu soo dhaweeyey ayaa waxay waqti kooban kula hadleen isla markaana u sheegeen in ay u yimaadeen magaalada sidii ay nabada iyo hormarka gobolka u xoojin lahaayeen. Wasiirka Deegaanka iyo Hormarinta Reer Miyiga Dr. Maxamuud Siciid Gacmey ayaa sheegey in ay joogayaan maalmo isla markaana ay la shiri doonaan shacabka reer Dhahareed isagoo aad ugu mahad celiyey sidii ay usoo dhaweeyeen.

 

Axmed Aadan Gurey ayaa u sheegey in ay u yimaadeen sidoo kale dhisida Maxkamada Derejada Koowaad, Iskool, iyo waliba Garoonka kubada cagta, maadaama ciyaartooyda kooxda Dhahareed ay soo hoyeen guula badan sanadihii ina weydaartey isla markaana ay yihin kuwa heersare kubada cagta ka gaarey. Axmed ayaa sheegey in mashaariicdan ay qaarna ka heleen hay'ado qaarna ay dowlada Somaliland ugu deeqday.

 

Sidoo kale waxaa goobtaasi ka hadley Nabadoonada ugu caansan gobolka iyagoo sheegey in ay si diiran usoo dhaweynayaan wafdiga, laakiin beeshu ay tahay beel balaadhan isla markaana ay u dhameystirneen adeegyada ay u baahanyihiin, laakiinse aysan saluugeynin waxa ay haatan u keeneen. Nabadoonada ayaa shacabka ku booriyey in ay intaasi in la mid ah ay ka qeyb qaataan hormarinta deegaanka

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somalia;778323 wrote:
Not true.
:D

you still claiming Eastern Sanag even though as you can see Somaliland officials walking around and being welcomed...ehh its just like you claim las canod :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

The Hermet;778325 wrote:
you still claiming Eastern Sanag even though as you can see Somaliland officials walking around and being welcomed...ehh its just like you claim las canod
:D

That's why a claim is done, because one believes the land belongs to him rather than the other, so I as a Puntland citizen believe that Sool, Sanaag and Cayn comes under Puntland due to clan relations.

Share this post


Link to post
Share on other sites

claim all you want...Africa is divided along colonial borders not clan borders...furthermore at least we have the balls to back up our claims something severly lacking in your neck of the woods...but that is why they call you bax bax landers...all talk no action..:cool:

Share this post


Link to post
Share on other sites

Weftigii Wasiirrada ee socdaalka ku joogay bariga Sanaag oo dhagax dhigay mashaariic horumarineed

 

January 23rd, 2012

 

Ceerigaabo (Somaliland.Org)- Weftigii Wasiirka Wasaaradda Gaashaan-dhiga Somaliland Md. Axmed Xaaji Cali Cadami ee socdaalka shaqo ku joogay degmooyinka Bariga Sanaag, ayaa maanta dhagax dhigay dhismaha cisbitaal cusub iyo Ceel-biyood Riig ah oo laga Hirgelinayo magaalada Badhan ee xarunta Gobolka Badhan.

 

Wasiirka Gaashaan-dhiga Somaliland Md. Axmed Xaaji Cali Cadami, oo ka hadlay dhagax dhigii dhismaha cisbitaalka iyo ceel-biyoodkaasi ayaa madax dhaqameedka iyo dadweynaha gobolka Badhan uga mahad celiyay siday ugu soo dhaweeyeen deegaanka uu ka soo jeedo, waxaanu uga xog waramay ujeedada socdaalkiisa oo uu ku tilmaamay inuu salka ku hayo sidii loo sii xoojin lahaa dhinaca ammaanka deegaanadaasi loogana hortagi lahaa wixii fad-qalalo gelin kara wada jirka ummadda.

 

Wasiirka Gaashaan-dhigu wuxuu sheegay inay xukuumadda Axmed Siilaanyo ee uu ka tirsan yahay ay deegaanada bariga Sanaag u qorshaysan sanadkan 2012-ka ,mashaariic badan oo uu xusay in lagu horumarinayo adeegyada bulshada ee deegaankaasi, waxase uu ka dalbaday waxgaradka iyo dadweynaha Badhan inay nabad-gelyo ku kasban karaan horumarka ay bulshadoodu u ooman tahay.

 

Md. Cadami waxa uu u soo jeediyay dadweynaha gobolkaasi inay la shaqeeyaan maamulka dawladda Somaliland oo uu carabka ku dhuftay inay ka go’an tahay sidii loo horumarin lahaa adeegyada bulshada.

Sidoo kale, Suldaanka Guud ee beelaha War-sangalli Suldaan Siciid Suldaan C/Salaan Cali Shire oo ka hadlay kulankaasi ayaa sheegay inuu xukuumadda Somaliland uga mahad celinayo dhismaha cisbitaalka iyo ceel-biyoodkaba, waxaanu tilmaamay inay labadaba baahi weyn loo qabay.

Waxa kale oo uu Suldaanku weftiga Wasiirka ka dalbaday inay wax weyn ka qabtaan horumarinta gobolka oo uu sheegay inay adeegyadiisa aasaasiga ahi liiteen.

Waxa kale oo iyaguna halkaasi ka hadlay qaar ka mid ah Cuqaasha deegaanka Badhan oo hadalo mahad naq iyo soo dhawayn ah weftiga ku qaabilay.

 

Dhinaca kale, Weftiga Wasiirka Gaashaan-dhigu wuxuu kormeer ku soo maray xeryaha ciidamada ee gobolka Badhan, waxaanu salaam sharaf ka qaatay cutub ka tirsan ciidanka qaranka oo degmada Badhan.

 

Weftiga Wasiirka waxa xubno ka ahaa Xildhibaan Maxamed Cismaan Bulqaas, Guddoomiyaha Gobolka Badhan C/Xakiim Wahaabi iyo Taliyaha Guutada 15-aad ee saldhiga sadexaad ee ciidanka qaranka Yaasiin Cismaan, waxaanay weftigu galabta ku soo guryo noqdeen magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag.

 

Dhinaca kale, Wefti uu hoggaaminayay Wasiirka Maxamuud Siciid Gacamay oo isaguna socdaal ku maraya magaalada Dhahar ee degmada Badhan ayaa kulamo kala duwan oo la xidhiidha adkaynta nabad-gelyada la yeeshay cuqaasha iyo madax dhaqameedka deegaankaasi.

 

Weftiga Wasiirku waxay maanta ka soo kicitimeen degmada Dhahar waxaanay galabta soo gaadheen tuulada Busle oo 20 km dhinaca galbeed ka xiga magaalada Dhahar.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this