Sign in to follow this  
General Duke

Hargaysa: Warlord Siilanyu holds emergency meeting with his CLAN (party leaders)

Recommended Posts

Kulan Xasaasi ah oo Madaxweyne Siilaanyo Kula Yeeshay Madaxtooyada Xalay Hoggaamiyeyaasha Saddexda Xisbi Qaran

 

Last Modified: Fri 20th Jan,2012

Wararka

 

Nuxurka qodobadda lagaga wadahadlay iyo ajandayaasha Madaxweynuhu hordhigay madaxda xisbiyada

Hargeysa (Jam)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa kulan ballaadhan oo wadatashi ah xarunta Madaxtooyada kula yeeshay xalay hoggaamiyeyaasha saddexda xisbi qaran ee KULMIYE, UDUB iyo UCID.

 

Kulankan oo ahaa mid saxaafadda ka caaggan, isla markaana uu hindisihiisa lahaa Madaxweyne Siilaanyo, ayaa sida la sheegay waxa si mug leh looga wadahadlay qorshe Madaxweynuhu u bandhigay masuuliyiinta saddexda xisbi qaran oo ku saabsan sidii talo midaysan looga yeelan lahaa difaaca qarannimada Somaliland, ka hortagga shirqoollada kooxaha cadowga ee afduubay shirkii Taleex iyo ajandayaasha Somaliland la hortegayso shirweyne caalami ah oo dawladda Ingiriisku ku martiqaaday Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud oo beesha caalamku kaga arrinsanayso xal-u-helidda dhibaatooyinka ka taagan guud ahaan dalkii laysku odhan jiray Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Somaliland ka go’day.

 

Haseyeeshee, sida ilo xogogaal ah Jamhuuriya u xaqiijiyeen xalay waxa kulankaas ka qaybgalay Madaxweyne Siilaanyo oo ay wehelinayeen Wasiirka Madaxtooyada Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo xubno kaloo xukuumadda ka tirsan iyo guddoomiyeyaasha saddexda xisbi ee KULMIYE, UCID iyo UDUB – Md. Muuse Biixi Cabdi, Eng. Faysal Cali-waraabe iyo Md. Axmed Yuusuf Yaasiin iyo weliba masuuliyiin ka kala socday saddexda xisbi qaran.

 

Inkasta oo aan si rasmi ah loo shaacin nuxurka doodaha dhinacyada ka qaybgalay isku weydaarsadeen kulankaas iyo natiijada ka soo baxday toona, haddana sida ilahaasi tibaaxeen wadahadal iyo is-xogwaraysiyo dheer oo dhexmaray Madaxweyne Siilaanyo iyo masuuliyiinta saddexda xisbi qaran kadib, waxa ay dhinacyadu si buuxda isugu raaceen in mucaarad iyo muxaafidba loo midoobo difaaca qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland iyo sidii talo midaysan looga yeelan lahaa dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee kooxaha cadowgu ku doonayaan inay ku waxyeelleeyeen midnimada dalka, sidoo kalena laga wada tashado tallaabo kasta oo xukuumaddu ka qaadayso qaddiyadda degaannada gobollada bari iyo kooxaha dibadaha kaga soo duulay dalka.

 

Warku waxa uu intaa ku daray in gunaanadkii kulanka xasaasiga ah ee Madaxweyne Axmed-Siilaanyo qasriga Madaxtooyada kula yeeshay hoggaamiyeyaasha saddexda xisbi qaran iskula qaateen in maalmaha soo socda inay isugu noqdaan kulan labaad oo loo ballamay inay ka soo baxaan go’aamo wadajir ah oo ku saabsan talooyinka xukuumadda iyo axsaabta qaranku ka yeelanayaan xaaladda gobollada bari ee sugidda xuduudaha dalka iyo ajandayaasha Somaliland hordhigi doonto shirweyne dawladda Ingiriisku magaalada London ku martigelinayso beesha caalamka oo lagaga hadlayo arrimaha Soomaaliya, kaasoo Ra’iisal-wasaaraha Britain ku martiqaaday Madaxweynaha Somaliland iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haseyeeshee, sida ilo xogogaal ah Jamhuuriya u xaqiijiyeen xalay waxa kulankaas ka qaybgalay Madaxweyne Siilaanyo oo ay wehelinayeen Wasiirka Madaxtooyada Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo xubno kaloo xukuumadda ka tirsan iyo guddoomiyeyaasha saddexda xisbi ee KULMIYE, UCID iyo UDUB – Md. Muuse Biixi Cabdi, Eng. Faysal Cali-waraabe iyo Md. Axmed Yuusuf Yaasiin iyo weliba masuuliyiin ka kala socday saddexda xisbi qaran.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xaaji Xunjuf;777681 wrote:
Opposition or no opposition siilaanyo shows real leadership when it comes to leading somaliland.

Siilanyu, Bixi, Warrabe, Yasin = SNM militia leaders and clan bigots. It has come to this ?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Warlord Siilanyu = President of "Somaliland"

Criminal Bixi = Leader of Kulmiye

Faisal Warrabe = Leader of Ucid

Ahmed Yusuf Yasin = Leader of Udub

 

The rest of the clans are what? Oh they are toast.... Secessionist nonsense

Share this post


Link to post
Share on other sites
FIDHIN   

well Rayaale is still the leader of Udub, Ahmed yasin we representing coz the first is not there at the moment.

 

if other clans want to lead parties why not, lets not forget that our former president lead the country for a continous 8 years and hes not from the centeral Clan, Unlike pu nt land only 1 clan state

Share this post


Link to post
Share on other sites

FIDHIN;777701 wrote:
well Rayaale is still the leader of Udub, Ahmed yasin we representing coz the first is not there at the moment.

 

if other clans want to lead parties why not, lets not forget that our former president lead the country for a continous 8 years and hes not from the centeral Clan, Unlike pu nt land only 1 clan state

Wrong Pl is a one subclan state :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Freedom   

Duke you calling Somaliland

President A warlord that's funny for guy who's region is full of pirates and crooks. Please dukey usually people don't elect warlords but I guess it eeasy for you through out their lies lOl

Share this post


Link to post
Share on other sites
FIDHIN   

Truee Tuugs are the budhcad badeed, Somaliland has a strong navy tht secure its shores from Sacad diin island to Laas qoray

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this