Sign in to follow this  
FreshPrince

Breaking News:: Seylici Supports Awdal State, Genocide in Laascaanood by SNM Militia!

Recommended Posts

ALL WEBSITES ARE REPORTING THIS:

 

Waagacusub.com

 

Allssc.com

 

Xasuuqii ugu weynaa Geeska Afrika oo Malayshiyaadka SNM-tu Shacabka Laascaanood iminka u hayaan

 

kumanaan dadweyne gadoodsan ayaa isku soo baxay wadooyinka waa weyn ee laascaanood kuwaas oo ka soo horjeeda Maamulka SNM waxana dadweynahani ku dhawaaqayeen eryo ay ku dalbanayaan in ciidamadda SNM-tu ka baxaan Laascaanoodn

 

Dadweynaha Laascaanood ayaa la soo baxay calanka Jamhuuriyadda iyo waliba boodhado waa weyn oo ay ku qoran yihiin hal ku dhegyo ay ku taageerayaan Maamulka Khaatumo state, waxana la sheegay in dadweynahan qaar ka mid ah wadooyinka Laascaanood ay sudheen Calanka Jamhuuriyadda Soomaaliya

 

Malayshiyaadka SNM-ta ayaa si arxan daran rasaas waa weyn ula dhacay dadweynaha kuwaas oo aan u kala aabayeelin, waxana la sheegay in xasuuqii ugu u darnaa Geeska Afrika uu ka dhacay Laascaanood, dhaawac iyo maydka shacabka ayaa daadsan wadooyinka magaaladda Laascaanood sidoo kale cusibitaaladda laascaanood ayaa la sheegay in ay buuxsameen dadka dhimashadda iyo dhaawacu soo gaadhay ayaa u badan Haween iyo Caruur

Goor dhaw Muuqaalo iyo Codad

allssc@hotmail.com

Short URL: http://allssc.com/?p=21194

 

 

 

Lasanod.com

 

 

Laascaanood,(Lasanod Online)- Mudaharaado sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah ayaa hadda ka socda magaalada Laascaanood.

 

Waxaana la sheegayaa in mudahraadkan uu keenay dhimasho iyo dhawac soo gaadhay shacabka mudhaharaadayey. kuwaas oo maleeshiyada Somaliland rasaas ooda kaga qaadeen.

 

Wararku waxay sheegayaan in tiroba saddex qof ku geeriyootay rabshadahan ka dhacay magaalada, dhaawucuna uu yahay in ka badan toban qof.

 

Wadooyinka magaalada ayaa lagu xidhay dhagxaan iyo taayiro lagu gubay wadooyinka magaalada.

 

Mudaharaadkan ayaa ka dhashay kadib markii maamulka Hargeysa haween kasoo guray magalooyinka Burco iyo Hargeysa, si ay mudahraad ka dhan ah maamulka Khaatumo ugu qabtaan magaalada Laascaanood.

 

Shacabka magaalada oo ka war helay qorshahan ayaa saaka billaabay banaanbax si looga hortago Haweenkan laga keenay Gobollada Waqooyi.

 

Kala socda Lasanod Online wixii war ah ee kasoo kordha mudaharaadkan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this