Sign in to follow this  
Somalia

Newly Graduated Puntland Marine Forces (Pictures)

Recommended Posts

Somalia   

This is one of many classes that just graduated from Puntland Marine College.

DSC00080-640x480.jpg

Ciidamada-badda-ee-Puntland-640x480.jpg

Mariiniska-Puntland-2-640x480.jpg

Mariiniska-Puntland-1-640x480.jpg

 

Ciidamado ka tirsan ilaalada xeebaha iyo la dagaalanka Burcad-badeeda ee Puntland oo dhowaan tababar loo soo xiray ayaa la geeyey degmada Qaw 30km dhinaca qorax u dhaca kaga beegan magaalada Boosaaso.

 

Ciidamadan oo in mudo ah uu tababar uga socdey xero ku taala aga gaarka Airport-ka magaalada Boosaaso ayaa ah kuwo si heer sare ah loo qalabeeyey waxayna xero ciidan oo hor leh ka samaysteen degmada Qow.

 

Xiriiriyaha ciidamada ilaalada xeebaha iyo la dagaalanka Burcad-badeeda iyo dowlada Puntland Cabdirisaaq Maxamed Maxamuud (Xidig) oo maanta xafiiskiisa Saxaafadda ku qaabilay ayaa ka warbixiyey ciidamada degmada Qaw la geeyey iyo ujeeda ay halkaas u tageen.

 

Wuxuuna sheegay in ciidamadaasi ay bilaabayaan howgalo ka dhan ah Burcad-badeeda iyo dadka wax tahriibiya, howshaas oo uu tilmaamay inay tahay middii markii horeba loo dhisay inay qabtaan.

 

Mr Xidig ayaa dhinaca kale sheegay in Bulshada deegaanka Qaw ay ciidamadan si weyn usoo dhoweeyeen maadaama uu deegaankaasi hada saldhig u noqday kooxo badan oo Burcad-badeed ah oo laga soo saaray deegaanadii ay horay ugu xooganaayeen.

 

Mas’uulkan ayaa mar Horseed Media ay weydiisey su’aal ahayd waxa ka jira in ujeedada ciidamadan loo tabaray ay tahay mid dano kale laga leeyahay sida howlo la xiriira shidaal qodista uu ku jaawaabey in warkaasi uu yahay mid aan jirin ciidamadanina ay qayb ka yihiin ciidamada dowlada Puntland.

 

Cabdirisaaq Maxamed Maxamuud (Xidig) ayaa ugu danbeyntii sheegay in ciidamada Mariinisku ay kaalin muuqata ka qaateen howlihii biyo dhaaminta xiliyadii ay abaaruhu jireen, deminta dabkii suuqa magaalada Boosaaso gubey, sugidda ammaanka magaalada Garoowe xiligii uu shirka wadatashigu socdey, iyo soo dhoweynta wefdigii Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya xiligii a magaalada Boosaaso kusoo jeedeen.

 

Howgalkan ayaa ah kii ugu horeeyey ee noociisa ah ee ay ciidamada ilaalada xeebaha iyo la dagaalanka Burcad-badeed ee Puntland sameeyeen tan iyo markii la asaasay, waxaana dhowaan la filayaa inay xarumo ka samaystaan 6-goobood oo ay kamid yihiin degmooyinka Eyl iyo Baargaal.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Great photos....I hope inay sharaftii degaankan soo celiyaan, kana xoog-roonaadaan burcad-baddeedda! Good luck!

Share this post


Link to post
Share on other sites

when I look at any capacity pertaining to security development, i look at the agabka ay wattaan dhalinyaradu including baabuurta, dharka, kabaha, iyo other gears, and on that measure , this looks good

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this