Sign in to follow this  
The Hermet

West Puntland State Takes Hold: Pictures

Recommended Posts

Xafladii Maamul Goboleedka West Puntland State ee magaalada Gaalkacyo

 

Galkacyo : Waxaa maalintii ay taariikhdu tahay 13-Jan-2011 looga dhawaaqay Galbeedka Puntland maamul cusub oo magaciisu yahay Maamulka Galbeedka Puntland ( West Puntland State " WPS "), xarunta maamulka ayaa noqoneysa Magaalada Galkacyo, wuxuuna ka arimin doonaa dhamaan Galbeedka Puntland.

 

Xaflada looga dhawaaqay Maamulka WPS oo ka dhacday Caasumada Maamulka ee Galkacyo ayaa waxaa kasoo qayb galay dadwayne farabadan oo iskugu jira Isimo, Siyaasiyiin, Aqoonyahano iyo Marti sharaf badan oo kakala yimid dhamaan maamulada dariska ah sida Puntland iyo Galmudug. Xafladaas oo lagu qabtay Qasriga madaxtooyada ee ku yaala Bartamaha Galkacyo ayaa waxaa aad loo adkeeyey nabadgalayada, Ciidanka Maamulka Galbeedka Puntland ayaa aad u sugay Amaanka.

 

Suldaan Jaamac Shire Geesood oo ku hadlayey Magaca Isimada Galbeedka Puntland ayaa sheegay in uu aad usoo dhaweeenayo Isimada kale oo kasocsatay Galmudug, asagoo shegay in Maamula galbeedka Puntland uu yahay maamul ay dhistayn dadka daga deegaanka galbeedka puntland asagoo sheegay in Mudane Yuusuf Maxamed Warsame Sarcad ( Yusuf Galkacyo) uu yahay madaxwaynaha Maamulka galbeedka Puntland.

 

Ugaas Xassan Sh Axmed oo asaguna ku hadlay Magaca Isimada Galmudug ayaa aad usoo dhaweeyey Maamulka cusub ee looga dhawaaqay Galkacyo, Asagoo sheegay in dhamaan Isimada iyo Madaxda Galmudug ay garab istaagayaan Maamulka Cusub, asagoo sheegay in khibrada ay uga horeeyeen maamul ahaan ay ku biirin doonaan, Ugaaska ayaa sheegay in nabad iyo daris wanaag ay ku noolaadaan maamulada hadda ka jira Galkacyo.

 

Taliyaha Guud ee Ciidamada Maamulka Galbeedka Puntland Gen. Warsame Jaamac (Warsame Cade) ayaa aad ugu dheeraaday ujeedka maamulka cudub iyo sababaha keenay in maanta maamul lagu dhawaaqo, Taliyaha ayaa sheegay in 13-sano kabacdi ay Maamulkii Puntland uu u kala jabay sadex-dii qaybood ee uu u dhisnaa tan iyo 1998 markii shirwayne iskugu yimaadaan sadex-dii urur ee wada dhistay Puntland. wuxuu sheegay in maanra urur kasta uu gaarnoqday.

 

Md Cabdi casayr oo ka mid ah Madaxda maamulka ayaa aad usoo dhaweeyey shirka ka socda Taleex iyo maamulka halkas looga dhawaaqay, wuxuuna sheegay in Maamulka WPS uu hormar iyo barwaaqo u horseedi doono dhamaan gobolka.

 

Daahir Maxamuud Muuse ayaa sidoo kale sheegay in maamulkaan uu ka mid yahay maamul goboleedyada hoos tagaya DFKG ah, asagoo sheegay in ay buuxin doonaan dhamaan sharuudihii maamul goboleedyada, Asagoo fasiraad ka bixiyey Maamulka iyo Calankiisaba.

 

dhawaan ayaa lasoo gudbin doonaa Magacyada Golaha Wasiirada iyo xildhibaanada.

 

Dhamaan Hadaladii Xaflada laga jeediyey kala soco ciwaaankaan hoose

http://www.youtube.com/user/WestPuntlandState

 

http://www.somaliweyn.org/pages/news/Jan_12/17Jan12.html

Share this post


Link to post
Share on other sites

They have elected a president: are about to announce a cabinet: a military head and also they have a new flag...they are about to draft up a constitution...saxib durtaba waay daftay khatamoooo

 

hahahahah...:o

 

As Somali's Say: HaBBY BIRTHDAY..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this