Sign in to follow this  
General Duke

Taleex: The GARAAD's speak out against the SNM, Warlord Siilanyu aggression.. Enough is enough

Recommended Posts

[issimada gobollada SSC oo bayaan ka soo saaray dagaalkii Somaliland ku soo qaaday Buuhoodle.

Sun, 15 Jan 2012 15:58:20 -0500 pm -05:00 -18000

 

Taleex, Jan 15 - Issimada gobollada Sool, Sanaag & Cayn ayaa shir jaraa'id oo ay maanta ku qabteen Taleex ka soo saaray bayaan ku wajan weerar ay saaka hiirtii hore ku soo qaadeen magaalada Buuhoodle ciidamo ka tirsan Somaliland.

 

Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo ka hadlay shirka jaraa'id ayaa sheegay in weerarada lagu soo qaaday Buuhoodle ay yihiin gardarro aan geedna loogu soo gaban.

 

Waxaa uu ugu baaqay shacabka gobollada SSC in ay difaac galaan, ayna iska difaacaan weerarada Somaliland.

 

"Ha la dagaalamo ...annagu Issimada haddaan nahay waa horgalanaynaa ciidanka" ayuu yiri Garaad Saleebaan.

 

Waxaa uu intaas ku daray in aanu ciil qabeen haddii uu dagaalku ku dhiman lahaa.

 

Garaad Jaamac Garaad Cali oo isna ka hadlay weerarka saaka lagu soo qaaday Buuhoodle ayaa ugu baaqay madax-dhaqameedka iyo indheergaradka Somaliland in ay ciidamada kala baxaan gobollada SSC.

 

"Waxaan la hadlaynaa madax dhaqameedka *****, culimaadu-diinkooda, wax garadkooda ...waxaanu abhinaynaa markii saddexaad, waxaanu leenahay wiilashiinu inta ay nabad qabaan ee ay nool yihiin kala baxay deegaamayada iyo dalkayaga." ayuu yiri Garaad Jaamac.

 

 

 

Garaad Jaamac ayaa sidoo kale baaq u diray Somalida kale, dawladaha dariska ah, iyo ururada caalamiga ah in colaada ay Somaliland ka wado mandaqadu ay cawaaqib xumo reebi doonto, kana codsaday in ugu baaqaan in ay ka baxaan gobollada Sool, Sanaag & Cayn.

 

Garaadka ayaa sidoo kale ugu baaqay bulshada SSC in ay u gurmadaan shacabka Buuhoodle ee weerarka lagu soo qaaday. Waxaa uu sheegay in ay iyagu u fasaxeen in ay galaan dagaal, difaacaanna deegaankooda.

 

Dagaalka saaka lagu soo qaaday Buuhoodle ayaa daba socda hadalkii M/weyne Axmed Maxamed Siilaanyo ee nuxurkiisu ahaa in dawladiisu ay ka soo horjeedo dawlada goboleedka lagu yagleelayo Taleex.

 

Waxaa dhawrkii todobaad ee la soo dhaafay ka socday degmada Taleex shir loogu magac daray Khaatumo II oo lagu go'aamiyey in lagu yagleelo dawlad goboleed.

 

Ma aha markii ugu horeysay ee weerar noocan ook kale ah Somaliland ay ku soo qaado meelo ka mid ah gobollada SSC; sannadkii hore ayaa dagaallo khasaare lixaad leh gaystay ay ka dhaceen Kaldhaale & Maygaagle.

 

Diiwaanka Wararka,

Idaacada Daljir

Share this post


Link to post
Share on other sites

or in other words....baaaagaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaac.....:cool:

 

Sool Sanag and Cayn ha ka Baxaan? hahahaah...waalahi indinka laydin ka sari dona...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this