Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: Leader of AWDAL State meets TFG officials ...

Recommended Posts

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Maamul Goboleedka Awdal State oo Muqdisho kula kulmay Mas'uuliyiin ka tirsan DKMG ah

 

 

Axad, Jannaayo 15, 2012 (HOL) − Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha maamul goboleed Awdal State, Avv. Rashiid Ow-nuur Xirsi oo maanta Muqdisho soo gaaray ayaa waxa kulammo la qaateen mas'uuliyiinta DKMG Soomaaliya iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

 

Xubnaha wafdigan ayaa waxaa ka mid ahaa mas'uulka arrimaha dibadda iyo xiriirka caalamka ee maamulkan, Col. Xasan Xuseen Riiraash. Iyagoo kula kulmay xubno uu ka mid yahay wasiirka kalluumeysiga iyo kheyraadka badda DKMG ah ee Soomaaliya, C/raxmaan Sheekh ibraahim xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

 

"Wafigan ayaa waxay ku micneeyeen safarkoodan mid lagu muujinayo midnimada ummadda Soomaaliyeed iyo inay soo bandhigaan daraasad ku saleysan habkii iyo dariiqii loo mari iskaashiga iyo wadajir Soomaaliya," ayuu yiri madaxweynaha Awdal State, Avv. Rashiid Ow-nuur oo saxaafdda si kooban ula hadlay.

 

Sidoo kale, xubnaha maamulkan ayaa waxay la kulmeen saraakiil ay ka mid yihiin: Jen. C/llaahi Gaafoow Maxamuud, taliye ku xigeenka ciidanka booliska Soomaaliyeed Jen. C/xakiin Daahir (Saacid), wasiir-u-dowlaha arrimaha dibadda dowladda KMG ee Soomaaliya Prof. Xaamud Marsheeye iyo xubno ka socda dhaqaaqa bulshada rayidka Muqdisho.

 

 

Madaxewynaha Maamulkan wuxuu sidoo kale warbaahinta u sheegay inay dhawaan socdaal ku tegi doonaan magaalada Hargeysa e Somaliland si ay ugu boorriyaan shacabka ku nool inay ka shaqeeyaan midnimada iyo wadajirka Soomaaliya, kana fogaadaan wax walba oo wax u dhimi kara.

 

Avv. Rashiid Ow-nuur, ayaa ku eedeeyay maamulka Somaliland inaysan doonayn in dadka ku nool gobolka Awdal ee uu sheegay inuu maamulkiisa ka amrimiyo inay si xog ah uga tashadaan aayahooda.

 

Gobolka Awdal ayaa wuxuu ka mid yahay gobollada ay ka taliso Somaliland oo ku dhawaaqday inay Soomaaliya inteeda kale ka go'day horraantii sagaashamaadkii markaasoo ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
galia   

Look stop using Mogadishu for your propaganda.

 

If it comes to it the people of Mogadishu are with the republic of Somaliland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this