Sign in to follow this  
FreshPrince

Beesha Goldogob Creates New State Called (West Puntland State)

Recommended Posts

War Deg Deg Ah:maamul Goboleed maanta lagaga dhawaaqay Gaalkacayo.

January 13, 2012 | Filed under: War cusub | Posted by: admin

Gaalkacayo:-(RT)Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa maanta looga dhawaaqay maamul Goboleed cusub oo la magac baxay maamul goboleedka Galbeedka Puntland West Puntland State (WPS) kaasi oo ay xaruntiisu noqonaysa magaalada Gaalkacyo.

 

Xaflad aad u sareysay oo ay soo qaban qaabiyeen siyaasiyiinta, waxgaradka, culmidaa’udiinka, ganacsatada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada kuwaasi oo kasoo jeeda Beesha ******** oo degta Galbeedka Puntland iyo qeybo kamida bariga iyo bartamaha Puntland.

 

Maamulkan oo noqonaya maamulkii 3-aad ee deggan magaalada Gaalkacyo ayaa kusoo aadaya iyadoo waayadanba ay isa soo tarayeen maamulada kusoo badanaya gobolada Puntland, waxaana horay magaalada Gaalkacyo uga arimin jiray maamulada Puntland iyo Galmudug oo ka kala taliya qeybo kamida xaafaddaha magaalada Gaalkacyo.

 

Muxuu Yahay Maamulkan WPS

 

Maamulka WPS (West Puntland State) ayaa waxaa ku dhawaaqay beesha ******** oo iyadu kamid ahayd beelihii qeybta ka ahaa beelihii aasaasay maamulka Puntland sanadkii 1998, waxaana dhacday in sanadihii ugu dambeeyay ay beesha ******** saluugsanayd qeyb ahaan waxyaabaha kaga soo aada awood qeybsiga maamulka Puntland iyo sidoo kale qaabka loo maareeyo kheyraadka deegaanada Puntland.

 

Siyaasiyiintii iyo waxgaradkii madasha xafladda looga dhawaaqay maamulka cusub ka hadlay ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay sanadkii 1991 oo ay ahayd wakhtigii ay burburtay dowladii dhexe ee Soomaaliya in cid waliba ay sameysatay maamul ay ku dooneysay iney ku hellaan sadkooda dhinaca siyaasadda iyo sidoo kale iney hellaan kheyraadka ay la wadaagaan bulshada inteeda kale.

 

Haddaba maadaama ay Beesha ******** ay si muuqata u dareentay in maamulka Puntland uu noqday mid aysan si siman u wadaagin bulshada goboladaasi degta ayaa waxaa dhacday in maamulkani lagu dhawaaqo.

 

Daahir Maxamuud Muusse oo kamid ah siyaasiyiinta Beesha ******** oo isagu horey uga tirsanaa saraakiisha Puntland ee kasoo shaqeysay maamulka dowladda hoose ee gobolka Mudug ayaa kamid ahaa shakhsiyaadkii ka hadlay madasha shirka waxa uuna sheegay in si kumeel gaar ah loo magaacabay Guddoomiye iyo Guddoomiye ku xigeen iyo waliba sidoo kale guddi gaaraya ilaa iyo 23 xubnood oo noqon doona guddiga bundhigga u noqon doonta dhisitaanka Maamulka Cusub ee West Puntland State (WPS).

 

Waxgaradka iyo ganacsatada ku dhaqan deegaanada Galbeedka Puntland oo ay ugu horeyso xaafadda Garsoor ee magaalada Gaalkacyo ee xarunta mudug ayaa si weyn u soo dhaweeyay maamulkan cusub ee haatan lagu dhawaaqay waxayna ku booriyeen in maamulka cusub ee West Puntland State uu ka shaqeeyo horumarinta guud ahaanba bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan deegaanka Galbeedka Puntland.

 

Dhisitaanka maamulka West Puntland State ayaa imaanaya xilli bilawgii bishii Diseember ee sanadkii tagay ee 2011 ay magaalaad Gaalkacyo ku dagaalameen askarta maamulka Puntland iyo maleeshiyaad ka tirsan beesha ********, dagaalkaasi oo yimid kadib markii ay ciidamada amaanka Puntland sheegeen iney xaafadda Garsoor ka sameynayeen hawl gallo ay ku sugayeen ammaanka kuna soo qabanayeen shakhsiyaad la sheegay in lagu tuhunsanaa Kooxda Al-shabaab ee ka dagaalanta Koonfurta iyo Bartmaha Soomaaliya.

 

Realtaleex News desk.

 

xigasho:horumar.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

XX waad faraxsantahay miyaa? xaafad miyaad maanta u sacbineysaa? :D

 

Arrimo xasaasi ah ayaa idin horyaala, ha isku maawelin xaafad yar oo gabay laga tiriyey ma garatey.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dervish   

When you landers realize somaliland won't come tO fruition we'll see how many pieces somaliland splits into. 1 for HY 1 for HJ one for blah bla blaaa

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this