FreshPrince Posted January 13, 2012 War Deg Deg Ah:maamul Goboleed maanta lagaga dhawaaqay Gaalkacayo. January 13, 2012 | Filed under: War cusub | Posted by: admin Gaalkacayo:-(RT)Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa maanta looga dhawaaqay maamul Goboleed cusub oo la magac baxay maamul goboleedka Galbeedka Puntland West Puntland State (WPS) kaasi oo ay xaruntiisu noqonaysa magaalada Gaalkacyo. Xaflad aad u sareysay oo ay soo qaban qaabiyeen siyaasiyiinta, waxgaradka, culmidaa’udiinka, ganacsatada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada kuwaasi oo kasoo jeeda Beesha ******** oo degta Galbeedka Puntland iyo qeybo kamida bariga iyo bartamaha Puntland. Maamulkan oo noqonaya maamulkii 3-aad ee deggan magaalada Gaalkacyo ayaa kusoo aadaya iyadoo waayadanba ay isa soo tarayeen maamulada kusoo badanaya gobolada Puntland, waxaana horay magaalada Gaalkacyo uga arimin jiray maamulada Puntland iyo Galmudug oo ka kala taliya qeybo kamida xaafaddaha magaalada Gaalkacyo. Muxuu Yahay Maamulkan WPS Maamulka WPS (West Puntland State) ayaa waxaa ku dhawaaqay beesha ******** oo iyadu kamid ahayd beelihii qeybta ka ahaa beelihii aasaasay maamulka Puntland sanadkii 1998, waxaana dhacday in sanadihii ugu dambeeyay ay beesha ******** saluugsanayd qeyb ahaan waxyaabaha kaga soo aada awood qeybsiga maamulka Puntland iyo sidoo kale qaabka loo maareeyo kheyraadka deegaanada Puntland. Siyaasiyiintii iyo waxgaradkii madasha xafladda looga dhawaaqay maamulka cusub ka hadlay ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay sanadkii 1991 oo ay ahayd wakhtigii ay burburtay dowladii dhexe ee Soomaaliya in cid waliba ay sameysatay maamul ay ku dooneysay iney ku hellaan sadkooda dhinaca siyaasadda iyo sidoo kale iney hellaan kheyraadka ay la wadaagaan bulshada inteeda kale. Haddaba maadaama ay Beesha ******** ay si muuqata u dareentay in maamulka Puntland uu noqday mid aysan si siman u wadaagin bulshada goboladaasi degta ayaa waxaa dhacday in maamulkani lagu dhawaaqo. Daahir Maxamuud Muusse oo kamid ah siyaasiyiinta Beesha ******** oo isagu horey uga tirsanaa saraakiisha Puntland ee kasoo shaqeysay maamulka dowladda hoose ee gobolka Mudug ayaa kamid ahaa shakhsiyaadkii ka hadlay madasha shirka waxa uuna sheegay in si kumeel gaar ah loo magaacabay Guddoomiye iyo Guddoomiye ku xigeen iyo waliba sidoo kale guddi gaaraya ilaa iyo 23 xubnood oo noqon doona guddiga bundhigga u noqon doonta dhisitaanka Maamulka Cusub ee West Puntland State (WPS). Waxgaradka iyo ganacsatada ku dhaqan deegaanada Galbeedka Puntland oo ay ugu horeyso xaafadda Garsoor ee magaalada Gaalkacyo ee xarunta mudug ayaa si weyn u soo dhaweeyay maamulkan cusub ee haatan lagu dhawaaqay waxayna ku booriyeen in maamulka cusub ee West Puntland State uu ka shaqeeyo horumarinta guud ahaanba bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan deegaanka Galbeedka Puntland. Dhisitaanka maamulka West Puntland State ayaa imaanaya xilli bilawgii bishii Diseember ee sanadkii tagay ee 2011 ay magaalaad Gaalkacyo ku dagaalameen askarta maamulka Puntland iyo maleeshiyaad ka tirsan beesha ********, dagaalkaasi oo yimid kadib markii ay ciidamada amaanka Puntland sheegeen iney xaafadda Garsoor ka sameynayeen hawl gallo ay ku sugayeen ammaanka kuna soo qabanayeen shakhsiyaad la sheegay in lagu tuhunsanaa Kooxda Al-shabaab ee ka dagaalanta Koonfurta iyo Bartmaha Soomaaliya. Realtaleex News desk. xigasho:horumar.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted January 13, 2012 Very original:D Quote Share this post Link to post Share on other sites
OdaySomali Posted January 13, 2012 SMH another clan 'state'. State aa dadkii waashay Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted January 13, 2012 ^^ We should blame it on the state department they said they would support every clan:D Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalina Posted January 13, 2012 XX waad faraxsantahay miyaa? xaafad miyaad maanta u sacbineysaa? Arrimo xasaasi ah ayaa idin horyaala, ha isku maawelin xaafad yar oo gabay laga tiriyey ma garatey. Quote Share this post Link to post Share on other sites
MoonLight1 Posted January 14, 2012 Xaaji loves those little states he calls (Beerkey adaa ku weyn) states. I can't wait for the party in London, lots of Shaani drinks. yummy. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted January 14, 2012 Maya Awoow laakin magaca ayaan la yaabay Pudhlayn galbeed state wa magac cajiib ah runti Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalina Posted January 14, 2012 The name lacks originality. Quote Share this post Link to post Share on other sites
OdaySomali Posted January 14, 2012 ^ You dont say Quote Share this post Link to post Share on other sites
Dervish Posted January 14, 2012 When you landers realize somaliland won't come tO fruition we'll see how many pieces somaliland splits into. 1 for HY 1 for HJ one for blah bla blaaa Quote Share this post Link to post Share on other sites
OdaySomali Posted January 14, 2012 Dervish;774132 wrote: ************* Isnt that 'good' ? Especially for 'unity' ? :D Quote Share this post Link to post Share on other sites
Dr_Osman Posted January 14, 2012 This guy is the same guy on this video angry about the garsoor war Quote Share this post Link to post Share on other sites