Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland: seemaal perpetrators caught says interior minister.

Recommended Posts

Wasiirka Daakhiliga oo shaaciyay Magacyada sagaal xubnood oo ku eedeysan inay fuliyeen dilkii Seemaal

January 4th, 2012

 

Hargeysa (Somaliland.Org)-Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Somaliland Mudane Maxamed Nuur Caraale (Duur) ayaa maanta ku dhawaaqay magacyada eedaysanayaasha ka danbeeyay dilkii lagula kacay Sadex qof oo aan waxba galabsan ee ka dhacay deegaanka Seemaal iyo hal qof oo lagu dilay deegaanka Ceel bardaale isla markaana amar buuxa ku siiyay Taliyayaasha Ciidamada Qaranka iyo Boolisku sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen eedaysanayaashaas si sharciga loo hor keeno.

 

Wasiirka Arrimaha Guduhu wuxuu hadalkan ka sheegay kulan balaadhan oo ay la yeesheen madax dhaqameedka Gobolka Gebilay.

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo ay weheliyaan Wasiirka Arrimaha Dibada,Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arrimaha Gudaha , labada Taliye Ciidan ee Qaranka iyo Booliska, kulankaas ayaa lagaga hadlay sidii loo soo qaban lahaa shakhsiyaad ku eedaysan dilkii ka dhacay deegaanka Seemaal.

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Somaliland Mudane Maxamed Nuur Caraale (Duur)oo halkaasi ka hadlay ayaa ugu baaqay odayaasha iyo waxgaradka gobolka gebiley sidii ay kaalin muuqata uga gaysan lahaayeen in la soo qabto dhamaan eedaysanayaasha ku lugta leh dhacdadaas si cadaalada loo hor keeno waxaanu halkaasi ka xaadiriyay magacyada shakhsiyaadka loo tirinayo inay ka danbeeyeen falkii lagu dilay Sadex qof oo aan waxba galabsan kaas oo ka dhacay deegaanka Seemaal oo u dhaxeeya Baki iyo Gabilay kuwaas oo kala ah

1. Jimcaale Yabaal Xirsi

2. Shucayb Cismaan Xirsi

3. Cismaan Cali Ducaale (Degle)

4. Mukhtaar Maxamed Xuseen (Geney)

5. Dayib Aadan Degel fadhi Af-yuub

6. Yaasiin Axmed Quful

7. Maqas Maxamed Maal

8. Cabdi Cumar Xuseen iyo Odaygooda oo uu wasiirku ku sheegay

9. Cawar Xareed

Sidoo kale waxa uu Wasiirka Arrimaha Guduhu soo bandhigay Shakhsiyaadka loo tirinayo inay ka danbeeyeen dilka hal qof oo ka soo jeeda gobolka gebilay oo maalin kadib dhacdadii Seemaal la dilay

1. Muuse Qoor Gees

2. Abiib Jaamac Seeraar

3. Carab Faahiye Dhawal

4. Ismaaciil C/laahi Buux

Wasiirka arrimaha gudaha ee Somaliland Mudane Maxamed Nuur Caraale (Duur)waxa uu amar buuxa ku siiyay labada taliye ciidan inay gacanta ku soo dhigaan eedaysanayaasha loo haysto dilkaas foosha xun.

Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Dibada Dr.Maxamed C/laahi Cumar ayaa bulshada ku nool gobolka gebilay waxa uu hoga tusaaleeyay qiimaha nabadgalyada iyo sida ay waajibka u tahay in laga feejignaado wax kastoo dhaawacaya wada dhalashada iyo wada noolaanshaha bulshada walaalaha ah ee ku nool Gobolada Gebilay iyo Awdal.

Dhinaca kale Taliyaha Ciidanka Qaranka General Maxamed Xasan Jidhif oo balan ku qaaday inay u hawl galayaan gacan ku soo dhigista eedaysanayaashaas si sharciga loo horgeeyo, waxaa kale oo taliyuhu u soo jeediyay dadka ku nool deegaanada ay dilalkani ka dhaceen inaan lagu arki Karin cid hub sidata .

Waxaa kale oo halkaasi ka hadlay Taliyaha Ciidanka Booliska General Maxamed Saqadhi Dubad iyo madaxda heer gobol iyo mid degmo ee gebilay.

Weftiga uu hogaaminayo wasiirka arrimaha guduhu waxay markaas kadib u kicitimeen dhinaca gobolka awdal iyagoo haatan ku sugan magaalada Boorama.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Jacaylbaro;770414 wrote:
You better say "identified" ,, not yet caught

 

Good thing ,, at least we have Fugitives now ,,, they can be caught any minute from now

No some of the killers are already caught watch the video.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Duufaan   

Xaaji you trying very hard. According the Awdalian, these men and those before are in Hargeysa and no one is looking for. those who arrested temporarly are clan elders and bussiness who had nothing to do the crime and they already been released.

 

this is what it said.

'labada Taliye Ciidan ee Qaranka iyo Booliska, kulankaas ayaa lagaga hadlay sidii loo soo qaban lahaa shakhsiyaad ku eedaysan dilkii ka dhacay deegaanka Seemaal.'

Share this post


Link to post
Share on other sites
AsadSL   

Good news but the other need to be jailed also not just these killings there were others before this like Suldan Salebaan said.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidammada Booliska oo qabtay sadex nin oo ka mid ah eedeysaneyaashii dilkii Seemaal

 

January 15th, 2012

 

Hargeysa (Somaliland.Org)- Ciidamada Booliska Somaliland ayaa gacanta ku dhigay sadex nin oo ka mid ahaa sagaalkii eedaysane ee loo haystay dilkii foosha xumaa ee Seemaal.

 

Sadexdan nin oo aanu magacyadoodu dib ka baahin doono ayaa la sheegay in Mid lagu qabtay magaalada Gabiley ka dib markii xogtiisa la helay, midna lagu qabtay isagoo marayay agagaarka degmada Dilla.

 

Warku waxa uu intaasi ku daray in ka sadexaadna uu isku soo dhiibay ciidamadda ku sugan deegaanka Ceel-bardaalle ka dib markii sahaydii ka go’day.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this