Sign in to follow this  
MoonLight1

Who killed Dr Sheekh Axmed Xaaji C/Raxmaa? Here is the answer.

Recommended Posts

Beeshe Tanada ******* oo bayaan ka soo saartay dilkii Shiikh Axmed Xaaji

 

Degmada Galdogob ee gobolka Mudug ayaa shaley galinkii danbe shir ka dhacey ayaa laga soo saarey bayaan ka kooban 9 qodob oo ay beesha Tanade ******* ku cadeysay cidii ka danbeysay dilkii Alle ha u naxariistee Dr. Shiikh Axmed Xaaji Cabdirxman oo horaantii bisha December lagu diley magaalada Bossaso.

 

Kulankan oo ay kasoo qeyb galeen xubno leh issimo ,cuqaal ,aqoonyahano ,culimo ,ganacsato, dhalinyaro iyo dadweynaha reer Galdogob ayaa si cad beesha Tanade ugu qeexdey baayaan ay kasoo saareen cidii ka danbeysay dilkii Dr. Axmed Xaaji,ka dib baaritaan ay sameeyeen xubno gudiyo oo beesha ka soo jeeda si madax banana dhacdan ugu dabo jirrey tan iyo wixii ka danbeeyey dilkii Shiikh Axmed.

 

Bayaankan kasoo baxay beesha Tanade waxaa lagu sheegey in dilka Shiikha ay ka danbeeyeen kooxda Alshabaab oo horey qaar badan oo ka mid ah culimada Somalida iyo madaxda dowlada Puntland ugu eedeeyeen in ay kooxdaasi soo abaabushey.

 

Bayaanka Beesha Tanada ******* ayaa u qornaa sidan:

 

Bayaan beesha ******** ee ku aadan Dilkii Dr. Shiikh Axmed Xaaji Cabdiraxmaan Dr. Sheekh Axmed Xaaji Cabdiraxmaan oo ka mid ah Culimada ugu caansan Somalia waxaa maalintii Isniinta ee ay taariikhdu ahayd 10/01/1433 oo ku beegan 05/12/ 2011 lagu dilay magaalada Bossaso asaga oo sooman maalinta Caashuuraa oo soo tukaday Salaadda Subax meel u dhaxaysa Masaajidka Xassan bin Cali iyo Gurigiisa, Shiikhu wuxuu maalmo ka hor ka yimid Xajka. Beesha ******** waxay ka soo saartay dilkaas foosha xun bayaan ka kooban qodobadan hoos ku xusan:

 

1) Beeshu waxay uga tacsiyaynaysaa ummadda Soomaaliyeed dilkii foosha xumaa fuleynimadana ahaa ee loo geystay Dr. Sh Axmed Xaaji C/raxmaan, (Allaha u naxariisto) waxayna uga mahadcelinaysaa gurmadkii, garab istaagii iyo ducadii aan kala harka lahayn ee ay geysteen.

 

2) Maamlintii Shiikha la dilay isla goobta duugta waxaa ka hadlay Dawladda Puntland iyo culumada labadubana waxay ku eedeeyeen dilkan ururka Al-shabaab, arintaas beeshu waxay u aragtay qodob lagu deg degay waxayna goa’aansatay inay beeshu samaysato guddi baaritaan oo madax banaan.

 

3) Guddigu wuxuu baaritaan iyo dabagal dheer ku sameeyay cid kasta oo la tuhmi karo ama raad gali karo iyaga oo kaashanaya dadwaynaha kala duwan oo la biday inay wax ku biirin karaan baritaankan. dadkaas oo kala jooga koonfurta Somalia iyo waqooyigeeda, si xaqiiqada loo gaarana baaritaanka waxaa la siiyey waqti ku filan. Ilaahay fadligii baaritaankii beeshu sida samirka iyo kaadsiiyaha leh u samaysay wuxuu ku dhamaaday guul.

 

4) Shiikhu wuxuu ummadda Soomaaliyeed ku dhex lahaa dad fara badan oo aad u jecel oo ay ka mid yihiin rag ay wax wada barteen, rag wax ka bartay, qaraabo iyo asxaab kale oo fara badan oo aad uga wada murugooday dilkiisa. dadkaas meel ay joogaanba waxay isku taxallujiyeen, kana qaybqaateen sidii loo aqoonsan lahaa dadkii sheekha dilay, loona soo qaban lahaa, Allaah ha ka abaalmariyo dadaalkoodii.

 

5) Beesha ******** iyada oo shirqoolka Dr. Sh. Axmed ku ahaa nabar aad u xanuun badan oo lama filaan ah, haddana waxay go’aansatay in ay is xakamayso, wax tillaabo ahna aysan qaadin ilaa ciddii fal dambiyeedkaas gaysatay laga helayo, waxayna ku dhaqaaqday siday arrintaas uga sal-gaari lahayd iyada oo Ilaahay la kaashanaysa waxayna beeshu hubsatay cidda Sheekha dishay iyada oo aan qadaf iyo xad-gudub kale midna ka dhicin.

 

6) Beesha ******** waxay u caddaynaysaa ummadda Soomaaliyeed iyo muslimiinta oo dhan in dilkii dulmiga iyo bareerka ahaa ee loo gaystay Dr. Sh. Axmed Xaaji C/raxmaan ay fulisey, kana dambaysey Xarakada Al-Shabaabul Al-mujaahidiin, gaarahaan garabka Amniyaadka ee madaxda u yahay Axmed Cabdi Godane.

 

7) Beesha ******** waxay go’aan wadajir ah ku gaartay in aysan dulmiga lagu dilay Dr. Sh. Axmed Xaaji kaga jawaabin dulmi kale ee ay aqbasho, kuna raalli noqoto wixii Shareecada Islaamku ku xukunto dadkii maleegay dilka Shiikha, kuwii diley iyo kuwii ku caawiyeyba.

 

8) Beesha waxay u mahad celinaysaa cid kasta oo ka qayb qaadatay baarista iyo qabashada dambiilayaasha, waxayna ka codsanaysaa ciddii taageero ka gaysan karta qabashada dambiilayaasha dhiman inay arrintaas ka caawiyaan.

 

9) Ugu dambeyntii Hogaanka Ururka al-shabaab beeshu waxay ka sugeysaa jawaab cad oo ku aadan falka ay geysteen.

 

Saxiixa Ugaaska,salaadiinta iyo cuqaasha beesha ********

 

1. Ugaas Cali Ugaas Maxamed _______________

2. Suldaan Zubeyr Maxamuud Xaaji Cali _______________

3. Sheekh Ibraahim Xirsi Axmed, Afhayeenka Ugaaska _______________

4. Suldaan Jaamac Shire Geesood _______________

5. Nabadoon Aadan Warsame Cismaan _______________

6. Nabadoon C/laahi Liibaan Cabdi Xiddig _______________

7. Nabadoon Maxamed Axmed Faarax _______________

8. Nabadoon Shaambilo Maxamuud Fiqi Faarax _______________

9. Caaqil C/casiis Ismaaciil Cilmi gurey _______________

10. Nabadoon Bashiir Xaaji Cali Isxaaq _______________

11. Nabdoon Axmed Cigaal Badhawo _______________

12. Nabadoon Bashiir Xuseen Cumar (Bashir Carab) _______________

13. Nabadoon Axmed Nuur Sheekh Xassan Nuux _______________

14. Caaqil Maxamuud Yuusuf Muuse _______________

15. Nabadoon Cismaan Maxamuud Takar _______________

16. Nabadoon Xuseen Axmed Af-cad _______________

17. Caaqil Sheekh Ibraahim Sheekh Axmed _______________

18. Nabadoon Sicciid Faarax NuuxCawdgale_________________

19. C/rashiid MaxamedFaarax (Garawaan)__________________

20. Maxamuud Axmed Maxamed (Ilkadheere)______________

21. Nabdoon C/laahi Jaamac Roorshe____________

 

Wabillahi Tawfiiq,,,

 

 

 

Source: http://halgan.net/2011/12/31/beesha-********-oo-ku-eedeysay-dilkii-dr-axmed-xaaji-craxmaan-ururka-al-shabaab/

Share this post


Link to post
Share on other sites

This is the downfall of Shabaab when they started to assassinate their own ideological brother who opposed their unislamic shedding Somali blood for political gain. Dr. Ahmed (AUN) was on of the most pious muslim scholars anywhere in Somalia and I hope he is the last casualty of the shabaab movement.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this