Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Galmudug Minister is Missing

Recommended Posts

Gaalkacyo(HWN) waxaa daqiiqado ka hor Magaalada Gaalkacyo Ee xarunta Gobolka Mudug lagu afduubtay wasiirkii Wasaarada wax barashada maamulka galmudug state Burhaan Warsame Cigaal ayadoona aanan La ogeyn cida afduubtay.

 

Idacadaha maxaliga ah ee Ka Jira magaalada Gaalkacyo Ee xarunta Mudug oo La xariiray Wasiirka ayaa telefoonka ka qabtay xili uu indhaha ka xirnaa asagoona ushegay in la sii wato uusan ogeyn cida afduubtay iyo Meesha loo wado balse uu qaxiijiyay in la ka xeystay.

 

Wasiirka wax barashada Galmudug burhaan oo afduubka goor dhow lala beegsaday ayaa la sheegay in uu wax badan ka qabtay musuq maasuqa dhanka wax barashada Ee Maamulka galmudug Sate

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

Maaddeey;769905 wrote:
Very strange his kidnappers allowed him to answer his phone and talk about his situation!.

looooool

Share this post


Link to post
Share on other sites

Talaado, Jannaayo 03, 2012 (HOL) − Kooxo hubeysan ayaa maanta oo Talaado ah ku afduubay degmada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug wasiirkii waxbarshada ee maamulka Galmudug, Burhaan Warsame Cigaal.

 

Wasiirka ayaa la sheegay in kooxaha hubeysanay ku weerareen gurigiisa oo ay kala baxeen, iyadoo wasiirka oo qaar ka mid ah saxaafadda la hadlay uu sheegay in laga xiray indhaha meel uu ku sugan yahayna aan la ogeyn.

 

Inkastoo aysan caddeyn sababta afduubkiisa ka dambeysa ayaa haddana wararka qaarkood waxay sheegayaan in wasiirka uu horay u ballanqaaday lacago madax-furasho ah oo lagu sii-daayay arday laga soo afduubtay Waqooyiga Gaalkacyo oo ay ka taliso Puntland bishii lasoo dhaafay.

 

Wararkan ayaa waxay sheegayaan in kooxda afduubka geystay ay ahaayeen koox burcadbadeed ah oo afduubka ku haystay wiilka ardayga ah, isla markaana aysan weli ka helin wasiirka lacagtii uu damiintay, inkastoo warkan uu yahay mid aan si dhab ah loo xaqiijin.

 

Afduubkan ayaa wuxuu noqonayaa kii ugu horreeyay oo mas'uul ka tisran Galmudug loogu geysto Koonfurta Gaalkacyo, iyadoo ay jireen warar kasoo baxaya saraakiisha ciidamada oo sheegaya in kooxo ku labisan dharka ciidamada ay dhibaatooyin ka wadaan deegaannada ay ka taliso Galmudug.

 

Sidoo kale, afduubkan ayaa wuxuu imaanayaa xilli uu weli taagan yahay muran u dhexeeya mas'uuliyiinta maamulka Galmudug gaar ahaan afhayeenka baarlamaanka iyo madaxweynaha Galmudug, iyadoo ma'suul walba uu sheegay inuu midka kale shaqada ka eryay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Maaddeey;769905 wrote:
Very strange his kidnappers allowed him to answer his phone and talk about his situation!.

His bodyguards ahaana maxaad ka ogtahay? Lol

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this