Sign in to follow this  
Somalina

Mogadishu 2012

Recommended Posts

Nice pics . After the rain you will see those people living in the camps getting sick. Never good idea too leave garbage without proper

Sealing. They have dirt everywhere and it gets mixed with the rain water

Share this post


Link to post
Share on other sites
Marksman   

Great news. If peace is officially declared within years, imagine how many people will return. Somalis will return in masses, each with a peaceful mind and ideas how to make the city and the rest of the country successful and commercial again.

 

It is awesome that a lot of times when one talks about Mogadishu in the media you will hear about how it was one of Africa's most beautiful cities. It is as if the world longs for that to return.

 

Imagine it to be a cosmopolitan city again where the Somali language reigns, but where one can hear people speak English, Arabic and Kiswahili. The strategic location makes it possible to be an international business hub.

 

The tourism potential is also almost limitless for the entire diverse country.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Magaalada Muqdisho oo ka mid ah Caasimadaha ugu cabsida badan Caalamka ayaa 21-sano kadib bilaabeysa inay la jaan-qaado magaalooyinka caalamka ee bilicdsan, iyadoo xaalada ay gashay magaalada ay ka duwan tahay sidii 10-kii sano u dambeeyay aheyd.

 

Muuqaalkii Muqdisho dad badan ayaa marka ay dhagahooda ku soo dhacaan ama dib u milicsadaan bersimaadkii ay suura gal tahay inay ilmo ka soo daato, marka uu isku bar bar dhigo sidii waagaas iyo hada.

 

Laakiin ifafaalaha hada ka muuqda Caasimada ayaa ah mid dad badan aysan rumeysaneyn, kadib markii ay dhaceen is bedelo, waxaana inkastoo falal amni daro jiraan, hadana waxaa socda dadaalo la xiriira sugida amaanka Muqdisho iyo sidii muuqaalka magaalada uu dib ugu soo hagaagi lahaa.

 

Madaxweynihii hore Soomaaliya Allaha u naxariistee Maxamed Siyaad Barre ayaa ka digay hadii uu xukunka laga tuuro in Muqdisho ay bur bur u dambeyn doonto, isla markaana ay ku soo hari doonto magaalo wado kaliya leh.

Hanjabaadaas ayaa noqotay mid run ah kadibmarkii dalka Soomaaliya ay ka bilowdeen dagaalo sokeeye kadib 1991-kii. waxaana burburay haykalkii taarikhiiga ahaa ee magaalada Muqdisho, iyadoo inta badan magaalada ku burburtay dagaaladii sokeeye ee isaga kala dambeeyey.

 

21-sano iyo siddeed bilood kadib oo ay magaalada ka baxeen Al-Shabaab oo xiriir la leh Ururka Al-Qaacida kadib markii ay cadaadis saareen ciidamada Midowga Afrika iyo ciidamada dowlada ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka socda dib u dhis iyadoo qiimahana uu sare u kacay.

 

"Ammaanka lama isku haleyn karo, laakiin dadka waxa ay doonayaan in noloshooda dib u dhisaan,"ayuu yiri Ahmed Sheekh Gure oo ka mid ah ganacsatada Soomaalida oo la hadlay Wakaalada Wararka ee AFP.

 

"Dadka waxa ay dib u dhisayaan dhismooyinkii burburay,"ayuu sii raaciyey isagoo hortaagan dhisme la dayactirayo.

 

Inkastoo dagaalada aysan weli ka dhamaan dalka Soomaaliya ayaa haddana Xoogaga Al-Shabaab ay ka baxeen bishii August magaalada Muqdisho.

Calaamadaha dagaalka ayaa ka sii muuqda magaalada iyadoo kumanaan ruux ay ka carareen guryahooda ayna ku sugan yihiin, guryo badan ayaa weli waxaa ka maqan saqafkii kore balse waxaa socda haatan dib u dhis ballaaran.

 

Suuqa ugu weyn Bakaraha oo ah kan ugu weyn magaalada Muqdisho ayaa waxa ka sii dhamaanaya calamadaha dagaalka, markii muddo dhowr bilood dagaaladii u dhaxeeyay Ciidamada dowladda kuwa Midowga Afrika iyo Al-Shabaab ay ka socdeen."Uma maleyneysid xitaa in uu halkan dagaal ka dhacay," ayuu yiri Guure "Illaah ayaa Mahadaa leh sababto ah dadku waxa ay heleen fursado ay dib ugu dhistaan guryahooda."

 

Suuqa Bakaraha ayaa bilooyin badan ahaa meel laga kala cararay iyadoo ganacsatadii iyo dadkii degenaa ay ka qaxeen dagaalada. Iyadoo ay sii socdaan dagaalo badan oo ka dhacaya gobolada iyadoo ciidamada Midowga Afrika iyo kuwa Itoobiya ay dhinaca koonfureed uu dagaalo ku dhex marayo Al-Shabaab ayaa dadka ka imaanaya dibadda waxa ay dib ugu soo laabanayaan magaalada Muqdisho.

 

"Dadku waxa ay dib u dhisayaan guryahooda,"ayuu yiri afhayeenka dowlada Abdurahman Omar Osman."Soomaalida qurbojoogta ah ayaa dib u soo laabanaya si ay gacan uga geystaan ganacsigana dib ayuu u bilaabanayaa."

 

Dayactirka ka socda Muqdisho waxaa uu yahay mid lacago badan ay ku baxayso, waxaana dadka ay dayactir ku bilaabeen guryahooda iyadoo guryo badan ay ku qasabtay dadka in ay dib u dhisaan kadib markii madaafiicda la isku weydaarsanayay dagaalada ay ku dhaceen.

 

Alaabaha guryaha lagu dhiso ayaa sare u kacay, waxaana guryaha qaar ay dhacdaa in dhismaha uu ku kala go'o marka uu dhamaado alaabaha, tiiyo suuqyada qaar ay ka dhamadaan, waana tan keentay in Dekeda Muqdisho ay ka degaan qalabka dhismaha todobaadkiiba labo jeer.

Qeybaha dhismaha ee magaalada Muqdisho ayaa hadda noqday mid shaqo badan ay ka socoto, waxana dadka dhismaha ka shaqeysta ay bilaabeen inay shaqo helaan, bedelkii horay u ahaa kuwo shaqo la'aa, waana ay kugu adag tahay in hadii aad guri dhisaneysid sidii fududaa ee aad ku heli jirtay shaqaale aad howsho, waxaana layaab ah in todobaadyo ka hor inta aadan dhismaha guda gelininaad sii wargeliso oo aad sii carbuunato, waaba hadii aadan saf u gelin helitaanka shaqaale.Inta badan dhismooyinka xaafadeena waa la habeeyey, hadda xaafadu wey ifeysaa bilicduna way soo laabatay kamana muuqato raadadki dagaalka," sidaa waxaa tiri Fadumo Moalim, oo ah hooyo leh siddeed caruur ah oo ku nool degmada Wardhigley oo la hadashay AFP.

 

Dib u dhiska Muqdisho waxay sidoo kale sababtay in uu kor u kaco qiimaha lagu kala iibsan jiray dhulka banaan ee aanan dhisneyn ama guryaha dhisanba.

 

"Iibinta dhul ama guri magaalada Muqdisho ku yaala baryahaan aad ayey u adag tahay maxaa yeelay waxaa kor u kacay qiimaha, ganacsatadu wax bay gadanayaan welina cabsi ayaa ku jirta maxaa yeelay dagaaladi wali ma dhammaan," sidaa waxaa yiri Abdukadir Bashir oo ah ganacsade.Qiimaha guryaha ayaa noqday kuwo hadba lagu qiimeeyo halka uu ku yaalo, waxaana dhulalka ama guryaha dhisan ee wadooyinka faras-magaalada ku yaala ayaa ah kan ugu qiimaha badan.

 

 

Dhismayaasha qaar ee Magaalada laga hirgalay ayaa noqday kuwo dadka soo jiitaan hababka loo dhisay ama naqshad ahaan, waxaana Engineerada dhisaha guryaha ay bilaabeen inay ku soo kordhiyaan magaalada naqshado guryaha la dhisayo oo ay ugu ekeysiinayaan kuwo magaalooyinka Caalamka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Abwaanka weyn ee Soomaaliyeed Cabdi Shire Jaamac “Ciyaar Jacel” ayaa wuxuu maanta uu soo gaaray Magaalada Muqdisho, iyadoo si weyn loogu soo dhaweeyay Garoonka Diyuuradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

 

Wefdi uu horkacaayay Agaasimaha Golaha Murtida iyo Madadaalada "National Theatre" Abwaan Cabdi Dhuux Yuusuf, ayaa waxay si weyn Cabdi Shire Jaamac ay ugu soo dhaweeyeen Garoonka Diyuuradaha ee Aadan Cadde.

 

Cabdi Shire Jaamac oo goobtaasi kula hadlay bahda Saxaafadda ayaa wuxuu sheegay in marka hore uu Magaalada Muqdisho uu dib ugu soo laabtay muddo 24 sano kadib ah, isagoona mudadaasi fog sheegay in uu dalka kaga maqnaa dibadda.

 

Mar uu ka hadlaayay sababta uu Magaalada Muqdisho uu ugu soo laabtay ayaa wuxuu ku sheegay in uu dhexda u soo xirtay, sidii uu dhex dhexaadin uga dhex bilaabi lahaa Xubnaha Baarlamaanka Kmg ah ee Soomaaliya.

 

“Baarlamaanka Soomaaliya waxaad ogsoon tihiin in uu laba garab u kala jabay, marka waxaan doonayaa inaan dhex dhexaadiyo, isku soo dhaweeyo, guul ku soo dhameyno khilaafaadka xoogan ee xilligaan ka dhex jira Baarlamaanka” ayuu yiri Cabdi Shire Jaamac “Ciyaar Jacel”.

 

Arinta xiisaha leh ee dadku ay si cajiib leh u fasirteen ayaa waxay noqotay, markii uu ka digay in dadaalada xilligaan ay wado Xukuumadda Kmg ah ee Soomaaliya loogu yeero, “Xilliga Kala Guurka ee Xukuumadda”, ee loogu yeero xilliga Isbadelka ee Xukuumadda.

 

Ciyaar Jacel ayaa wuxuu Ummada Soomaaliyeed uu ugu baaqay inay nabadda qaataan, ayna ka taggaan nin jecleysi iyo hagardaamo, bacdamaa sida uu sheegay ay taasi dib u dhigtay dalka iyo dadka Somaliyeed, ayna niyad ahaan tahay waxaan wanaagsaneyn.

 

Ciyaar Jacel oo halbowle u ah Kooxda Wadaniga ah ee Qaylo Dhaan, ayaa wuxuu sameeyay heeso badan oo xamaasad ku beeray shacabka Soomaaliyeed, isagoona heesahaasi ku beegay dhibaatada dalka iyo dadka Soomaaliyeed oo dhiigoodu leeskaga baneystay, waxaan macno badan xambaarsaneyn.

Share this post


Link to post
Share on other sites
faarah22   

i have these strong urge to go to mogadishu, but i am scared to be blown up to pieces in a suicide bombing. anyways, anytime xamar is at peace and rebuilding it's postivie. may the good times roll.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this