Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

TFG parliamentarians in a fist fight for the 3th time

Recommended Posts

Xildhibaannada Baarlamaanka oo markii saddexaad ku dagaalamay xarunta golaha shacabka ee Muqdisho

 

Isniin, Jannaayo 02, 2012 (HOL) − Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ee kala jaban ayaa wuxuu marki saddexaad maanta ku dhexmaray xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho, halkaasoo ay sheegeen inay kulan ku yeelanayaan xubnihii horay xilka uga qaaday Shariif Xasan.

 

Gacan ka hadalka u dhexeeyay xildhibaannada ayaa yimid kaddib markii xildhibaan taageersan afhayeenka baarlamaanka, Shariif Xasan uu diiday inuu saxiixo warqad la sheegay in lagu xaadirinayo xidlhibaannada kulanka ka qaybgalaya.

 

"Xildhibaan taageersan ayaa diiday inuu saxiixo warqad taallay albaabka hore ee xarunta golaha shacabka, waxaana markiiba billowday gacan ka hadal u dhexeeya xildhibaannada baarlamaanka," ayuu yiri mudane ka tirsan kuwii goobta ku sugnaa.

 

Mudanayaasha ayaa waxay isku garaaceen kuraastii xarunta taallay iyo miisaska iyadoo tani ay noqonayso markii saddexaad oo ay gacanta iskula tagaan, kaddib markii ay isku khilaafeen kulammo ka dhici lahaa xarunta.

 

Xildhibaan Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacma-dheere) oo ka mid ah xubnihii xilka ka qaaday Shariif Xasan oo kulankoodu uu baaqday ayaa sheegay inay goob kale ku qaban doonaan doorashada guddoomiyaha baarlamaanka.

 

"Haddii xarunta golaha shacabka ay noqoto meel fowdo ah, 71-ka qodob ee axdiga wuxuu qabaa in lagu shiri karo meel kale laguna dooran karo guddoomiye baarlamaan," ayuu yiri xildhibaan Gacma-dheere.

 

Kulankii ay yeelan lahaayeen xildhibaannada kasoo horjeeda Shariif Xasan oo ay ku dhageysan lahaayeen murashaxii ay sheegeen inay u taagan yihiin xilka afhayeenka cusub ee baarlamaanka ayaa waxaa baajiyay gacan ka hadalka dhacay.

 

Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda KMG ah ee Soomaaliya oo ilaalo ka hayay xarunta golaha shacabka ayaan wax tallaabo ah qaadin intii uu socday gacan ka hadalka u dhexeeya xildhibaannada, iyadoo mudanayaal uu ka mid yahay Cismaan Caato iyo Daahir Sheekh Amiin Jeesoow ay sheegeen inay arkeen qaar ka mid ah mudanayaasha taageersan Shariif Xasan oo bastoolado wata.

Share this post


Link to post
Share on other sites
yahya007   

Carafaat;769670 wrote:
democracy at work. atleast they are working hard and doing some representing

they should be given AK-47s and get locked in the parliament

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this