Sign in to follow this  
Che -Guevara

Sharif Jets off to Garowe

Recommended Posts

Madaxweyne Sharif oo daqiiqadaha soo aadan ka dagayo magaalada Garoowe

 

Madaxweynaha Dowlada FKMG Soomaliya Shariif Shiiq Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa daqiiqadaha soo aadan la filayaa in ay ka dagaan magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

 

Madaxweynaha ayaa waxaa wafdigiisa ka mid ah wasiiro iyo xildhibaano ka mid ah kuwa baarlamaanka Soomaaliya, waxaana ay ka amba baxeen maanta garoonka caalamiga ah ee magaalada Muqdisho.

 

Ujeedada socdaalka madaxweynaha ee Garoowe ayaa ah sidi ay uga qeybgali lahaayeen wajiga labaad ee shirka wadatashiga Soomaaliya oo la filayo in uu ka furmo magaalada Garoowe.

 

Waxaa si weyn loo adkeeyey amaanka magaalada Garoowe iyadoo dadweynahana lagu diyaariyey wadada dhexmarto magaalada si ay usoo dhaweeyaan madaxweynaha oo amaankiisa gaarka ah ay sugayaan ilaaladiisa qaaska ah oo isugu jira Soomaali iyo AMISOM.

 

Madax uu ku jiro madaxweyne C/raxmaan Faroole ayaa hada ku sugan garoonka diyaaradaha si ay usoo dhaweeyaan madaxweyne Shariif.

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha Somalia Sheekh Shariif iyo wafdi uu hoggaaminay oo gaaray Magaalada Garoowe ee Puntland

 

Isniin, December 19, 2011 (HOL) − Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u dhoofay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, si uu uga qaybgalo shirka lagu wado inuu ka furmo maalinta berri ah.

 

Sheekh Shariif iyo wafdigiisa ayaa lagu wadaa inay saacadaha soo socda gaaraan Garoowe, iyadoo ay halkaas ka socoto qabanqaabada soo dhaweynta wafdiga ka socda DKMG ah ee ka qaybgalaya shirka wadatashiga ah ee Garoowe.

 

Kulankan oo ay soo qabqaabisay Qarammada Midoobay ayaa lagu wadaa in looga hadlo meel marinta qodobbadii lagu gaaray wajigii koowaad ee shirkan oo ka dhacay Muqdisho bishii September ee sannadkan.

 

Ammaanka magaalada Garoowe ee xarunta Puntland ayaa aad loo adkeeyay iyadoo dadweyne badan oo loogu loogu talogalay inay soo dhaweeyaan madaxweyne Sheekh Shariif ay dhooban yihiin hareeraha waddooyinka Puntland.

 

Sidoo kale, mas'uuliyiin ka tirsan Villa Soomaaliya oo ku sugan Garoowe ayaa waxay u sheegeen warbaahinta in ammaanka aad loo adkeeyay, iyadoo madaxweynaha Puntland uu shacabka ugu baaqay inay qayb ka qaataan adkeynta ammaanka inta uu shirku socdo.

 

Maamulada Ahlusunna, Galmudug iyo Ximin iyo Xeeb ayaa lagu wadaa inay shirkan ka qaybgalaan, iyadoo shirka diiradda lagu saari doono sameynta dastuurka iyo sida looga gudbi karo xilliga KMG ah ee ay dowladda Soomaaliya ku shaqeyso.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

I wouldnt post this untill its official or threads will get convuluted. I am going to Post when pics comes through. But just for your appetizer sake

 

High-Level Conference on the Constitution will take place from 21 to 23 December 2011

 

Nairobi, 19 December 2011 – Following consultations with the Somali Transitional Federal Institutions and other stakeholders, the United Nations Political Office for Somalia announces that a high-level Conference on the Constitution will take place in Garowe, Puntland State, from 21 to 23 December 2011. This conference follows the Consultative Meeting on Ending the Transition, which took place in Mogadishu from 4 to 6 September 2011.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

War deg deg Ah : Madaxweyne Shariif iyo wafdi uu horkacayo oo ka degay Garoowe

 

December 19, 2011 - Written by Webmaster - Edited byWebmaster

 

Daqiiqado ka hor waxaa magaalada Garoowe xarunta dowlada Puntland ka soo degay Wafdi balaaran oo uu horkacayo madaxweynaha Dowlada KMG ah ee Soomaaliya Shariif Sh Axmed .

 

Wafdiga madaxweynaha ee Soogaaray Garoowe ayaa siweyn loogu soo dhaweeyay, waxaana ka qeyb qaatay soo dhaweyntiisa Madaxda sar sare ee Puntland oo uu horkacayo Madaxweynaha Puntland C/raxamana faroole iyo xubno ka tirsan labada Gole ee Dowlada Puntland.

 

Ka dib soo dhaweyn waxaa loo soo gelbiyay wafdiga madaxweynaha dhanka Madaxtooyada Puntland ee Garoowe halkaas o o lagu wado in saacadaha soo socda ay saxaafada kula hadlaan labada dhinac kana warbixiyaan ujeedka safarkooda iyo weliba kulamada ay wada yeeshaan.

 

Yuusuf Maxamed Maxamuud

SBC International Garoowe

Daalacatey :103

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Soodhweynta.jpg

Soodhawaynta_Shariif.jpg

Soodhawaynta_Shariif4.jpg

Soo_dhowaynta_Shariif5.jpg

 

Its funny how when things swing to puntland favor the topic is dead but when it against puntland it's active as hell!! lol dreamers will always dream.

 

They are all reporting about some ***** in mogadishu calling for the arrest of farole and its been copied over to even allafrica and other media outlets thanks to shabelle and its hate propaganda but they dont report how a former president of galmudug is actually sitting in jail right now

 

War deg dega: 17 Xildhibaan oo cod buuxa xilka uga qaaday Madaxweyne Caalin -filo Video cadeeyna

Maleeshiyo beeleed la reera Madaxweyne Caalin oo is hortaagay Kulanka Baarlamaanka Galmudug ,lana wareegay xaruntood

Yet if that was in garowe can you imagine how much media heat would be on Puntland? it's just totally unfair and xaq darradu wa ti manta hamar meeshas dhigtay yet their on the same path of till today

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Waxaan la yaabay this conference ma cid gaar ah baa iska leh oo uu dan u yahay mise waa mid Soomaaliyeed. Anigu sidaan u fahansanahay soo ma ahan mid ka mid ah shirarkii - Road-mapka oo kuwii Xamar ka dhacay ma daba socdo..weliba midkaani wuxuu khuseeyaa oo keliya dastuurka oo la soo gunaanadayo, waxaana xigi doona Baarlamaanka oo la beddelo iyo in madaxweyne cusub, raysal-wasaare iyo wasiirraba la sameeyo.

 

Waxaa ayaandarro ah in dad dano gaar ah leh oo aan fahansanayn qarannimada uu qabiil madaxooda ka buuxo inay dadka u tusaan inay Soomaaliya leeyihiin just because mid habaryartiis dhashay baa jago ka haya, waxaa kale oo ayaandarro ah midka dadka noocaas oo kale ah inta ka xanaaqo iyaga ku dayanaya.

 

Faroole waan fahmi karaa wuxuu u xanaaqay oo xoogaa shilimaad ah ayaa lagu siiyey in shirku qabsoomo, isaguna diyaar-garow ayuu sameeyey laakiin dhibaatada haysata ayaa ah inuusan qarsan karin caadifadda qabiilka. Faroole yaa u sheega oo dhaha dalkaan dagaal sokeeye uma baahna dad intii dhimatay ama ku waxyeeloowdey ka badanna ma wanaagsana inay wax ku darsamaan ee si wanaagsan u feker oo oday Soomaaliyeed iska dhig, qabyaaladdana qarannimada ayaa ka wanaagsan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

Abwaan;766073 wrote:
Waxaan la yaabay this conference ma cid gaar ah baa iska leh oo uu dan u yahay mise waa mid Soomaaliyeed. Anigu sidaan u fahansanahay soo ma ahan mid ka mid ah shirarkii - Road-mapka oo kuwii Xamar ka dhacay ma daba socdo..weliba midkaani wuxuu khuseeyaa oo keliya dastuurka oo la soo gunaanadayo, waxaana xigi doona Baarlamaanka oo la beddelo iyo in madaxweyne cusub, raysal-wasaare iyo wasiirraba la sameeyo.

 

Waxaa ayaandarro ah in dad dano gaar ah leh oo aan fahansanayn qarannimada uu qabiil madaxooda ka buuxo inay dadka u tusaan inay Soomaaliya leeyihiin just because mid habaryartiis dhashay baa jago ka haya, waxaa kale oo ayaandarro ah midka dadka noocaas oo kale ah inta ka xanaaqo iyaga ku dayanaya.

 

Faroole waan fahmi karaa wuxuu u xanaaqay oo xoogaa shilimaad ah ayaa lagu siiyey in shirku qabsoomo, isaguna diyaar-garow ayuu sameeyey laakiin dhibaatada haysata ayaa ah inuusan qarsan karin caadifadda qabiilka. Faroole yaa u sheega oo dhaha dalkaan dagaal sokeeye uma baahna dad intii dhimatay ama ku waxyeeloowdey ka badanna ma wanaagsana inay wax ku darsamaan ee si wanaagsan u feker oo oday Soomaaliyeed iska dhig, qabyaaladdana qarannimada ayaa ka wanaagsan.

No one looking for Somali unity would be against this conference.

 

Why don't you just come out and profess your disdain for the recognition Puntland has gotten from the TFG and its progress towards unity. This is unity, holding the conference in Garowe itself is a sign.

 

Accusing a whole region of qabilnimo with no backing shows what you truly are.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this