Sign in to follow this  
Dr_Osman

Horn Cable Journalist Slain In Morguedishu

Recommended Posts

Carafaat   

Weriye C/Salaan Xiis oo aas Qaran loogu sameeyay magaalada Muqdisho

 

Allaha u naxariistee Weriye C/salaan Sheekh Xasan (Xiis) ayaa maanta aas Qaran loogu sameeyay magaalada Muqdisho, waxaana aaskiisa oo ay soo agaasimeen bahda Saxaafadda Muqdisho, maamulka Telefishanka HornCable iyo eheladiisa ka soo qeyb galay dhammaanba weriyeyaasha ka howlgala magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka qaarkood.

 

Kumanaan dadweynaha magaalada Muqdisho iyo weriyeyaal isugu jira ayaa meydka weriye C/Salaan Xiis ka soo qaaday Isbitaalka Madiina, iyadoona lagu soo galbiyay gawaari tiradoodu kor u dhaafeysay 50-gawaarida nooca yaryar iyo waaweyn isugu jira, waxaana la dhigay meydka kahor intii la aasin masjidka Isbaheysiga halkaasi oo lagu tukaday salaadda Janaasada.

 

Masjidka Isbaheysiga iyo halka lagu aasayo meydka Weriye C/Salaan Xiis oo ah qabuuraha Sheekh Suufi oo in ka badan 300-Mitir isku jira, ayaa waxay Weriyayaasha Muqdisho go'aansadeen in naxashka meydka ay dusha ku qaadaan ilaa iyo halka uu ka qodan yahay godkii lagu aasi lahaa meydkiisa.

 

Dhinaca kale Allaha u naxariistee Weriye C/Salaan Sheekh Xasan (Xiis) ayaa maanta duhurnimadii waxaa lagu aasay qabuuraha Sheekh Suufi oo ay ku aasan yihiin inta badan shaqsiyaad magac ku leh dadka iyo dalka Soomaaliya, waxaana qabriga Weriye Xiis ku dhowaa qabuuraha Cusmaan Keenidiid iyo Boqor Cali Yuusuf.

 

Sidoo kale Madaxda iyo maamulka Telefishanka HornCable ayaa iyana ka soo qeyb galay aaska Weriye C/Salaan Xiis, iyagoona ka soo kictimay magaalada Hargeysa oo xarunta weyn ee Telefishanka ay ku taallo, waxayna kala qeyb qaateen murugada iyo baroor-diiqda saameysay weriyeyaasha iyo ehelada Allaha u naxariistee Weriye C/Salaan Xiis oo ay sheegeen inuu ahaa laf dhabarka Telefishanka iyo weriyeyaasha ugu firfircoon ee ka howlgala magaalada Muqdisho.

 

Guddoomiyaha degmada Wadajir Axmed Daaci, madax ka tirsan maamulka Degmadaasi, maamulka Telefishanka HornCable, Weriyeyaasha Muqdisho ayaa iyagu si weyn uga qeyb qaatay aaska Allaha u naxariistee Weriye C/Salaan Xiis, waxaana sidoo kale ka soo qeyb galay qeybaha ururrada bulshada rayidka ah ee Weriyahaasi sida weyn ugu xirnaa isla markaana ka soo tebin jiray wararka iyo waxqabadka ururrada bulshada Soomaaliyeed kuwooda Muqdisho ka howlgala.

 

Aaskii_Wariye_Xiis_1.JPG

 

Aaskii_Wariye_Xiis_7.JPG

 

Aaskii_Wariye_Xiis_9.JPG

 

DSC00600.JPG

 

DSC00571.JPG

 

DSC00578.JPG

 

aaska-Xiis-12.jpg

 

aaska-Xiis-1.jpg

 

http://www.jowhar.com/?p=9245

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this