Sign in to follow this  
Caano_Geel

Shariif Xasan Oo Xilkii Guddoomiyaha Baarlamaanka Laga Xayuubiyay

Recommended Posts

Xildhibaanno kulan ku yeeshay Xarunta Golaha Shacabka oo Xildhibaan Madoobe Nuurnow u doortay Shir-guddoon

 

Talaado, December 13, 2011 (HOL) − Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya oo maanta kulan ku yeesha xarunta golaha shacabka ee Muqdisho ayaa shir-guddoon u doortay xildhibaan Madoobe Nuunow Maxamed, iyagoo sheegay inuu guddoomin doono shirarka soo socda ee uu baarlamaanku yeelanayo.

 

Kulanka oo ay xaadireen 283-xildhibaan ayaa waxay isku raaceen inay u doortaan xildhibaan Madoobe Nuunow, iyagoo sheegay in go'aanka ay qaateen kaddib markii uu ka madax adaygeen inay xilkan qabtaan guddoomiye ku xigeennada afhayeenka baarlamaanka.

 

"Waxaan taageersannahay heshiiskii Kampala, sidoo kale waxaan diyaar u nahay inaan la shaqeyno beesha calaamka iyo Midowga Afrika," ayay sheegeen xubnihii ku shiray golaha shacabka, iyagoo xusay in laga been abuuray oo laga faafiyay inay yihiin xubno kasoo horjeeda 10-kii qodob ee Kampala Accord.

 

Xildhibaan Madoobe Nuunow ayaa lagu dhaafiyay fadhiga lagu doortay, iyadoo ay sheegeen mudanayaashu inay kulammadooda soo socda uga doodi doonaan mooshin ka dhan ah guddoomiyaha baarlamaanka oo ay sheegeen inuu horyaallo.

 

Tallaabadan ayaa waxay imaanaysaa iyadoo guddoomiyaha baarlamaanka, Shariif Xasan uu dalka ka maqan yahay, waxaana xildhibaanada kulanka yeeshay ay dhowr jeer oo hore kulammo ay uga soo horjeedaan afhayeenka baarlamaanka ku yeesheen hoteello ku yaalla Muqdisho.

 

Mudanayaashan ayaa waxay ku eedeeyeen guddoomiyaha baarlamaanka dhowr qodob oo ay ka mid yihiin xil gudasho la'aan iyo inuu ka baaqsaday in kulammada baarlamaanka uu furo, iyagoo sheegay inay taasi keentay inay maanta kulankaan ku yeeshaan xarunta baarlamaanka.

 

Arrintan ayaa waxay u muuqataa mid sare u sii qaadaysa khilaafka xoogeysanaya ee u dhexeeya baarlamaanka, iyadoo aysan jirin wax hadal ah oo kasoo baxay xukuumadda, taasoo aan ka ahayn inaan loo baahanyn khilaaf xilligan soo dhex-gala xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this