Sign in to follow this  
Akash

Dadqalatadii Ina Raage SNM oo Gacanta Lagu Dhigay

Recommended Posts

Akash   

GABILEY-(dillapress.com) Sheekh muxumed sheekh maxamuud Raage oo ah ninka kadambeeya dilalka waxshinimada leh ee loogaysto shacabka reer Dillaad ayaa maanta gacanta uuku dhigay policeka somallilandtu ,waxaana lafilayaa in lagu qaado fal argagaxsinimo laguna maxkamadeeyo dhanka Borama.

somaliland%20terrorist_thumb_medium250_0

Share this post


Link to post
Share on other sites
Akash   

Ugu Yaraan 3 Qof oo Lagu Gawracay Tuulada Seemaal ee Degmada Baki, Dad Kalena Laga Afduubay + Muuse Bixii oo Lagu Tuhunsanyahay Inuu Xasuuqan Iyo Shaqaaqadan Ka Dambeeyo.

 

Boorama (Harowo) - Wararka ka Imanaya Degmada Baki, ayaa sheegaya in rag la tuhunsanyahay inay ka mid yihiin ciidamada milatariga Somaliland, si gaadmo ah ugu gawraceen tulaada Seemaal oo ka tirsan Degmada Baki, ugu yaraan 3 qof, dad kale oo aan tiradooda la sheeginna ay afdoobeen. Tuulada Seemaal, ayaa sida la sheegay ah saylad xoolaha la dhoofiyo lagu kala qato, sidaa darteedna ah meel ay isku yimaadaan dad farao badani.

 

Sedexda Qof ee la dilay, ayaa la sheegay inay kala yihiin oday la yidhaa Dayib Maal Axmed Iyo wiil uu dhalay oo la yidhaa Cumar Dayib Maal Axmed, halka ninka sedexaadna la yidhi waa Ismaaciil Maxamuud Caateeye (Af-madhan Diid), kuwaas oo hada lagu aasayo tuuladii lagu dilay ee Seemaal. Raga dhitay ayaa sida la sheegay ka soo jeeda beesha Nuur Yoonis, siiba degmada Dilla.

Dhacdadan ayaa waxay sabobtay inuu guud ahaanba istaago gaadiidkii u kala gooshi jiray Hargeysa iyo Boorama, iyada oo laga cabsi qabo in rakaabka reer Awdal ee u kala socda labada magaalo baabuurta lagala dego, ka dibna la dilo sidii horeyba u dhacday.

 

Waraka la xidhiidha dilka waxshimada ah ee ka dhacay tuulada Semaal, ayaa sheegay inay ciidamadu yimaadeen tuulada abaaro 5tii aroornimo, iyaga oo shiiska saaray meel makhaayad ah oo rag badani hurday, ka dibna ay tacshiirad aaan loo aabo yeelin huwiyeen ragii makhaayada hurday, halkaana ay dadku ku dhinteen. Tirada dadka la afduubay iyo inta fixadka ku maqan, ayaan weli la xaqiijin.

 

Wararkan ayaa waxa kale oo ay intaa ku dareen in shacab hubaysani ku sii qulqulayo meesha dadka lagu laayay, kuwaas oo ka ambo baxay Dilla iyo Boorama.

 

Qorshaha iyo abaabulka dilkan maanta dhacay, ayaa la thunsanyahay inuu ka dambeeyo Muuse Biixi Cabdi, iyada oo sida la sheegay raga dadka dilay wateen darayska arkasta Somaliland, baabuurtoodana ay ku dheganayd taarikada xukuumada Somaliland.

 

Musse Biixi Cabdi, ayaa dhawaananba ku sugnaa magaalada Gebilay iyo deegaano ku dhaw, halkaasoo uu ka bilaabay ololihii xisbiga Kulmiye, hase yeeshee waxa dad badan oo reer Gebilay ahi weydiinayeen aaway balan qaadkii xisbiga ee doorashadii hore? Taas oo sida loo macnaystay ay ula jeedeen wacad hoose oo u dhexeeyay reer Gebilay iyo Siilaanyo, kuna saabsan dhulkii Ceelbardaale ee guurtida Somaliland u xaqday reer Gebilay.

 

Muuse Biixi Cabdi, ayaa TV-yada Somaliland maamahan si cad uga sheegay inay reer Gebilay heli doonaan wixii loogu balan qaaday, sidaa darteedna markale taageeraan xisbiga Kulmiye.

 

Muuse Biixi Cabdi ayaa dadka aadka u yaqaani ku tilmaamaan inuu yahay khabiir ku xeeldheer sida daagaalada sokeeye looga dhex huriyo beelaha Somaliland, isaga oo ku soo caan baxay dagaaladii sokeeye ee Hargeysa ku dhexmaray Beelaha Gadhxajis iyo kuwa Awalka.

 

Sidoo kale, ayaa la sheegay inuu Muuse Biixii ka mid ahaa dadkii qorsheeyay, isla markaana hirgaliyay dilkii loo geystay afartii qof ee musaafurka ahaa ee lagu googooyay tuulada Alaay-Baday, labo sano ka hor, taas oo loo nisbaynayo inay kicisay dareen curfi qabiil ku dheehanyahay oo waagaa beelaha dhexe saameeyay, kana dhan ah reer Awdal, sidaa darteedna xisbiga Kulmiye u sahlay inuu hanto ama kasbado taageeradooda.

 

Degmada Baki, gaar ahaanna degaanka Ceel Bardaale, ayaa waayadanba ahayd goob ay maleeshiyo beeleedyo ka soo jeeda Isaaqu ku laayaan Gadabuursiga dhulkaa dega, dilkan maanta ka dhacaynna uuna ka gedisnayn kuwii hore uga dhaci jiray aagaasi, kuwaas oo dad aan waxba galabsan lagu layn jiray.

 

Dilkan foosha xun oo dabo socda kuwo noocan oo kale ah oo ka horeeyay, ayaa sida la sheegay ujeedadiisu tahay xaal abuur lagu baro kicinayo dadyoowga ********** ee degaankaasi ku nool, waxaanu hor dhac u yahay qorshe balaadhan oo dhul boob ah oo ay wadaan beelaha dhexe ee Somaliland.

 

Waxa hadaba xusid mudan maxay odhan doonaan maanta siyaasiintii iyo madax dhaqameeyadii doraato lahaa waxan dugsiga Sh. Cali Jowhar dhagax dhignay taaladii nabada. Aaway nabadii taalada loo dhisayay?

 

Miyaanay hada sax ahayn kuwii lahaa meesha nabadi ma taalee taaladii SNMta ayaa la dhisayaa.

 

Harowo Desk, Boorama

Share this post


Link to post
Share on other sites
Akash   

Daawo Marxuumintii Reer Awdalstate ee Maleeshiyada SNM ee Siilaanyo iyo Nuux Taani Ku Gawraceen Deegaanka Awdalstate

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Akash   

Maamulka Awdalstate oo Canbaareyay Dilka Waxshinimada ah ee SNM ka geysteen Tuulada Seemaal Degmada Baki

 

Awdalstateflag.jpg

 

Maanta oo taariikhdu tahay Diisember 05, 2011, Salaadii subaxnimo ciidan ka tirsan Beesha Dhexe ee Hargeysa|Burco oo aan tiradoodu ka yarayn 30 askari watayna baabuur ayaa weerar gaadmo ah ku soo qaaday tuulada Seemaal oo ka tirsan Maamul-Goboleedka Awdalstate.

Weerarkaas qaawan ee budhcaddu ku soo qaaday Awdalstate waxay ku dileen afrar qof, dhowr kalena nolol ku kaxaysteen. Waxaa ka mid ah marxuumiinta ilaa hadda la hayo magacyadooda: Af-madhan-diid, Dayib Maal iyo wiilkiisii. Dadkaas u dhashay Awdalstate ee dhimashada iyo dhibtuba soo gaadhay waxay ahaayeen dad rayid ah oo guryahoodii jooga, wax dembi ahna aan galabsan.

Maamulka Sare ee Awdalstate wuxuu ugu horrayn tacsi u dirayaa dhammaan qoysaskii ay ka baxeen shahiidiintaasi.

Marka labaadna, wuxuu Maamulka Sare ee Awdalstate dusha uga tuurayaa maamulka dhagar-qabaha ah ee Beesha Dhexe cambaarayn argagaxa iyo xasuuqa uu joogtada ugu hayo bushoweynta Awdalstate.

Waxaa marag-ma doonto ah in maamulka rafanaya ee Siiraanyo iyo Muuse Biixi uu waayahanba maleegayey sidii uu u waxyeelayn lahaa Shacbi-weynaha Awdalstate oo waayahan dambe u soo jeestay danahooda.

Caalamka nabada jecel ee Adduunka waxaan si rasmi ah ugu wargelinaynaa siyaasadda argagisada ah ee Beesha Dhexe kula dhaqmayso dadweynaha Awdal, Gebiley iyo Selel, codsanaynaana in horjoogayaasha Beesha Dhexe loo gudbiyo Maxkamadda Caalamiga ah ee Dembiyada.Ugu dambayntii Maamulka Sare ee Awdalstate wuxuu u caddaynayaa dadweynihiisa inay xaq u leeyihiin is-difaaca dadkooda, deegaankooda, guryahooda , hantidooda iyo sharaftooda ; Beesha Dhexena waxaan uga digaynaa in aysan waxyeelayn dadka la laa ya -ay ee gacantooda ku jira, nabadqabna ku soo celiyaan , haddii wax gaadhaana ayaga lagu xisaabtami doono.

 

Col: Xasan X. Rirash

Maamulka Sare ee Awdalstate

Share this post


Link to post
Share on other sites
Akash   

Suldaanka Guud ee Awdalstate Suldan Saleebaan Cali Ayaa Sadex Maalmood u qabtay Horjoogaha maamulka beesha dhexe ee SNM Cadeeyayna in Nuux taani iyo Muuse Biixi Ay ka danbeeyeen Weerarka Seemaal

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Som@li   

The suldaan has spoken.. 3 days!

 

 

Akash;763364 wrote:
Suldaanka Guud ee Awdalstate Suldan Saleebaan Cali Ayaa Sadex Maalmood u qabtay Horjoogaha maamulka beesha dhexe ee SNM Cadeeyayna in Nuux taani iyo Muuse Biixi Ay ka danbeeyeen Weerarka Seemaal

Share this post


Link to post
Share on other sites
Akash   

Three Beheaded in Three Years Under SNM Does the World know About it

 

Message body

 

Inaa lihaa wan Inaa Inaa Jucuun, Aadame Waa Geeri Ujooge. Samir iyo iimaan ilaahey ha ka siiyo Qaraabadii iyo Eheladii ay ka baxeen dhamaam dadkii masaakiinta ee gacmaha iyo maamulka Hargisa lagu hoos gumaadey July 11, 2009 ilaa December 5 2011. Inta Nool ee Reer Awdalna arin adeg baa utaala.

 

Look what people in Awdal particularly those living Eastern Awdal region know as Baki district putting up for the last 20 years. But does the world knows about it? What so called ” somaliland” but widely accepted by many Somalis abroad and inside Somalia as one clan administration murdering Awdal farmers and nomads in the middle of the nights. Last 5 years SNM made a full come back by using their old way of murdering an innocent Somalis who had no protections what-so-ever.

 

For the last three years, SNM clan driven cowards beheaded total of nine innocent Awdalis in three different attacks all linked to top SNM leaders including a Hillary leader know as General Tine and Kulmiyeh party chairman leader know as Muse Beehi among others. All three attacks happened at night and all attackers were free to continued cutting people trouts in sleep. Two of these attacks had taken the lives of fathers and sons while the third attacked target an innocent travelers.

 

In July 2009, SNM cowards made the worse attacked by kidnapping teachers, businessmen and other travelers on the public road between Borame and Hargiasa beheaded four of these travelers and taken all their belongs including cars, goods and then when back to Hargisa. Up to date, no one is hold for responsibility in July 11 2009 crime which was one of the first kind in all Somali areas in East-Africa. These criminal used Gabiley’s regional police uniform and weapons to disguised themselves.

 

Approximately one year later, second attacked had taken place the same area where SNM backing clan-men came back at night about 2:00Am in Baki nomads. Second attacked had taken another two innocent Awdal a father and his son on their bed and same as previous beheading that what they had done. Same as usually, no one has hold responsibility but what is sad about what SNM is doing in Awdal region once again shows up yesterday.

 

December 5, 2011 the third beheading taken place Easter Awdal region or Baki where another three innocent murdered again. So that brings the total innocent Awdalis beheaded since 2009 to nine and so far no accountability. Four of the nine victims belong to same families (two fathers and their two sons) and this could go on as long as these cowards are either backing or set up by SNM administration. But what is so sad about it is how some Awdalis still say government should do something about it when it’s the clan administration from top to bottom all involves indirectly or directly. Why these things happened? readers should ask themselves. How would people stop this? I have the answers, don’t be part of SNM state.

 

People in Awdal region must face the reality what beheaded an innocents Awdalis were SNM administration who told you they would bring to justice to who behinded these criminals to cool everything down then months later another worse beheaded happens again. Asking help for those behind the murder isn’t smart thing to do. Saying samething all over again and again doesn’t releave the pains these Awdal families had for last three years. But if everyone of us realized what murdering an innocent is what so called Somaliland policians and administration then we can find a solution. Clan-men wouldn’t be able to get away with this if they don’t supports or sometimes behinded by their administration. This is the new tools that madly SNM using against the innocent Awdalis since 1991.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Akash   

War Deg dega: Suldaan Abubakar Cilmi Wabar Iyo Salaadiin Uu Hogaaminayo Oo Shir-Jaraa'id Kaga Hadlay Xasuuqii Loogaystay Ragii Hurdada Lagu Gawrgawracay ee Tuulada Seemaal.

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this