Sign in to follow this  
xiinfaniin

Kenya Reverses Decision to Bomb 10 Alshabaab Held Cities

Recommended Posts

Dowladda Kenya oo sheegtay inay ka laabatay go'aankii ay ku sheegtay inay duqeynayso 10-magaalo

 

Jimco, November 11, 2011 (HOL) — Dowladda Kenya ayaa sheegay inay ka laabtay go'aankii ay horay u qaadatay ee ahaa inay weerarayso 10-degmo oo ku yaalla Koonfurta Soomaaliya, balse ay qorsheynayso inay taas badalkeeda duqeyso gabi ahaan saldhigyada ay ku leedahay Al-shabaab Bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya.

 

Afhayeenka ciidamada Kenya, Major Emmanuel Chirchir ayaa sheegay in go'aankaas ka laabteen ayna ugu baaqayaan shacabka inay iska joogaan degmooyinkii horay loo iclaamayay.

 

"Qorshaheena waxaan ku badalnay inaan hawada ka weerarno saldhigyada ay Al-shabaab ku leedahay gobollada ay ka taliyaan oo dhan, si awooddooda aan u yareyno," ayuu yiri Maj. Chirchir.

 

Dowladda Kenya ayaa todobaad ka hor sheegtay inay hawada ka weerarayso 10-degmo oo Koonfurta Soomaaliya ku yaalla, kuwaasoo ay ka mid yihiin: Baydhabo, Afmadow, Kismaayo, Bu'aale, Baraawe iyo Afgooye. Taasoo walaac xooggan gelisay dadka ku nool degmooyinkaas.

 

Maj. Chirchir wuxuu sheegay inay sidoo kale qorsheynayaan inay sida ugu dhaqsiyaha badan ku qabsadaan degmooyin ay ka mid tahay Kismaayo oo uu sheegay inay dhaqaale badan ka hesho Al-shabaab.

 

Ugu dambeyn, afhayeenka ciidamada Kenya ayaa wuxuu sheegay in howlgalladooda gudaha Soomaaliya ay socon doonaan inta ay sugayaan ammaanka dalkooda, ayna meesha ka saarayaan awoodda Al-shabaab.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

They never had the military capability to carry out precision strikes against Shabab targets & the fact they so loudly advertised their military targets & objectives not only made them lose the element of surprise but actually proved their entire excercise was a big ugly joke.

 

The Ugandan President was right all along when he stated that the Kenyan Military was a career one that was ill-equipped & ill-prepared to fight any real war. This failed adventure will certainly affect the morale & integrity of the Kenyan Armed Forces & it is entirely the making of its government led by its ape-like Prime Minister Odinga.

Share this post


Link to post
Share on other sites

xiinfaniin;757549 wrote:
Question is who pushed this unprepared country to war?

The common misconception is the West especially the US but the driving force behind Kenya's failed Jubba Valley was its ego & petty attempt to project its power across East Africa & augment its economic growth with a fitting geo-political & military presence in the region. It's threats of bombing randomly chosen 10 town/cities in the Jubba Valley ( later switched to random targets in Central Somalia) & it's announcement that it would take military action against Eritrea is meant for public consumption. It has neither the political capital nor the military clout to translate its increasingly shenanigan slogans to action.It's finding out the hard way!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this