Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somalia's TFG defence Minsiter returns Back to Mogadisho after a visit to Dhooblay

Recommended Posts

Wasiirka Gaashaandhiga Somalia oo ka warbixiyey socdaalo uu ku tagay J/hose iyo Kenya

 

Wasiirka gaashaandhiga Dowlada KMG Soomaaliya Xuseyn Carab Ciise oo maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyey socdaalo uu kusoo maray dalka Kenya iyo Gobolka Jubada Hoose.

 

Mr Carab ayaa sheegay in magaalada Nairobi uu kulan kula soo qaatay dhigiisa dalkaasi iyo wasiirka amniga qaranka isla markaana ay ka wada hadleen iskaashiga amaanka labada dal iyo la dagaalanka Al Shabab.

 

Waxa kale oo uu tilmaamay in kulankoodi Nairobi ay ku xoojiyeen heshiiski bishi hore ay kala saxiixdeen labada dal.

 

Dhanka kale wuxuu ka hadlay booqashadi uu ku tagay gobolka Jubada Hoose halkaasi oo ay ciidamada dowlada iyo kuwa Kenya ka wadaan howlgalo.

 

“Dhoobleey waan tagay waxaan soo arkay waxa ay sameynayaan ciidanka waliba iyaga oo kaashanaya walaalahood reer Kenya, ciidanka dowlada iyaga ayaa wada sida heshiiska ahaa, ciidamada shucuurtooda aad ayey u kacsaneyd diyaarna way u ahaayeen in ay horay u socdaan.” ayuu yiri Mr Carab Ciise.

 

Dowladaha Somalia iyo Kenya ayaa iska kaashanaya howlgalo ay ku doonayaan in Al Shabab ay uga xoreeyaan gobolada Jubooyinka iyo Gedo.

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this