Sign in to follow this  
Knight of Wisdom

SSDF (puntland) Students Returned From Turkey, Due to lack of Reading and Writing !

Recommended Posts

Ardaydii Laga Qaaday Garoowe Oo Dib Looga Soo Celiyay Dalka Turkiga Kadib Markii Dowalda Turkiga Ogaatay Inay Ku Adagtahay Akhrinta Iyo Qoristu.

 

 

Garoowe(Allssc): Dhalinyaro Badan kooda laga soo ururiray nawaaxiga Magaaladan Garoowe Ee Gobolka Nugaal ayaa dhowaan loo diray Dalka Dibadiisa Gaar ahaan Dalka Turkiga oo isagu bixiyay Deeq Waxbarasho ay lahaayeen Maamul Goboleedkii hore loo odhan jiray Puntland.

 

Dhalinyarada oo badan kooda ku yimi Musuq Maasuq iyo Laaluush kuwaas oo badan kooda laga soo ururriyay Tuulooyinka Sunijiif,Awr Cusul, Ayl iyo Xas-bahale ayaa loo qaaday Magaalada Muqdisho iyagoo Madaxdii turkiga loo sheegay inay yihiin Arday kusoo baasay Imtixaan si adag loo qaaday.

 

Dhalinyaradan iyo Ardayda kale ee ka timi Gobolada Dalka ee kale waxaa si heer Qaran ah u sii sagootiyay Madaxweynaha Dowlada KMG iyo Wasiirka Waxbarashada, kuwaas oo kula dardaarmay ardayda inaysan sii Tahriibin ee Dalkooda wax usoo bartaan.

 

Nasiib xumo markii ardaydii gaadheen Dalka Turkiga si loo kala saaro Ardayda loona fadhiiso Ardaykasta meesha uu ku haboonyahay ,ayaa Dowlada Turkigu ******** in qaar badan oo ka mida ardayda aysan Wax Qori Karin ,Akhriyina Karin.

 

 

Dowalda Turkiga ayaa aad uga xumaatay sida loogu xadgudbay Deeqdii Wax Barasho ee ay ugu deeqeen walaalahoosa Muslimka ah. Wasaarada waxbarashada Dowlada TFG oo Baadhitaan dheer samaysay ayaa ogaaday in Ardayda dib loo soo celiyay ay u badan yihiin kuwii laga keenay Magaalada Garoowe oo badan kooda loo soo xulay si beelaysan. Ardaydan ayaa kujira kuwo aan School hoose soo marin balse wakhtigooda inta badan ku qaatay Baadiyaha Gobolka Nugaal.

 

Waxaa indhowaalaba ku sugnaa magaalada Muqdisho Wasiirka Faroole u qaabilsan Waxbaarashada oo isagu Dowlada Federalka ka codsanayay in dhalinyaradan lagu soo celin deegaanka ee meela kale madaxa loo galiyo sida Sudan,Kenya,Uganda,Masar.

 

Waxaa Faroole ee xulufadiisa ay Khasaariyeen Deeqdii Waxbarasho oo Fursad u ahayd Da’yarta wax bartay oo iyagu xaq u lahaa in loo eego Aqoontooda wax barasho ee aan loo eegin Beeshay kasoo jeedaaan, waxana hada khasaaray 100 Deeq wax baarsho oo isugu jiray Mid dugsi Sare iyo Mid Heer Jaamacadeed ahba.

 

Halkan Hoose Riix Shiikh Shariif Iyo Wasiirka Waxbarashada Oo Maca Salaameyey Ardayda Lana Sii Dardaarmay. Kahor Intii Aan Dib Loo Soo Celin Ardaydii Garoowe Laga Keenay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

Lying trash. My cousins are there right now, talked to them last week. Man you are pathetic.

 

And your source is AllSSC hahahahahahaha

 

It's the ones in Mogadishu that returned.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somalia;755053 wrote:

 

It's the ones in Mogadishu that returned.

 

So, you accept the fact that there were students that were returned. If that's so, then the news might be true. By the way, don't act like I'm attacking you, as it's something you have done to SSC verbally.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

It's not true, your source is AllSSC as if you don't know it's a lie.

 

The students that were returned returned to Mogadishu and they were not from Puntland they were from Sheikh Shariif's beel. Don't mix up news.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somalia;755061 wrote:
It's not true, your source is AllSSC as if you don't know it's a lie.

 

The students that were returned returned to Mogadishu and they were not from Puntland they were from Sheikh Shariif's beel. Don't mix up news.

I'm going by what a reliable source has told us. Dude, just accept it. You guys need to educate your students a bit more, after all, they're Somali and are from SOMALIA.

Share this post


Link to post
Share on other sites

I don't know what this has to do with defunct SSDF jabhad. But anyway.

 

Fadeexadi Ka dhalatay Qaab Maamulka Deeqdi Waxbarasho Ee Turkiga

 

Booqashadii uu Muqdisho ku yimid R.wasaaraha Turkiga Recep Dayib Ordagan waxay keentay Rajo wanaagsan oo dhinaca Horumarka, waayo Turkiga waxa uu umada Soomaaliyeed u muujiyay dareen walaaltinimo oo cajiib ah, isagoona go’aansaday in aanu ku ekaan gargaar iyo quudin kaliya.

 

Waxaa ka bilowaday magaalada Muqdisho booqashadii Ordagan kadib imtixaano loo galayo deeqo Waxbarasho oo ay dowlada Turkiga ugu tala gashay ardayda Soomaaliyeed, waxaana deeqahaasi u tartamaya dhalinyara badan oo ka baxday dugsiyada sare ee Dalka.

 

Boqolaal dhalinyara ah oo aqoon wanaagsan leh isla markaana dugsiyada sare ka baxday ayaa ka qeybgashay imtixaanka laakiin waxaa hareer socday dhalinyaradaasi kuwa kale oo qaab Qabiil lagu waday, isla markaana la doonayay in ay Turkiga uga gudbaan Yurub.

 

Xog baaris muda qaadatay oo ay sameysay Keydmedia.net ayaa lagu ogaaday in 72 ka mid ah dhalinyarada loo qaaday Turkiga iyaga oo aan aqoon laheyn isla markaana ay dhib ku tahay wax Akhriska iyo wax Qorista dib loo soo celiyay kadib markii imtixaano laga qaaday.

 

Ka sakow dhalinyaradaasi aan Aqoonta laheyn waxaa kaloo jiray kuwa la siiyay Magacyo aan kuwooda aheyn isla markaana loo diiwaan galiyay Docoment-yo aan sax aheyn, waxaana kuwaasoo arintooda ay fashilantay kolkii leys dhinac dhigay Magacyada Wasaarada Waxbarashada ee Turkiga u diiwaan gashay iyo kuwa ku qoran Passport-da ay wateen.

 

"Waxaan wajahnay ceyb aad u daran kolkaan tagnay Turkiga, waayo 72 ka mid ah ardaydii Soomaalida aheyd ayaa waxaa la soo gudboonaaday Fadeexad la xiriirtay in aanay waxna Qorin waxna Akhrin” sidaas waxaa Keydmedia u sheegay Axmed oo ka mid ah Dhalinyarada iminka wax ka barata Dalka Turkiga.

 

“Qaarkood waxay isku dayeen in ay u baxsadaan dhanka Gariiga anaga oo ku jirna Xero weyn oo ay Dowlada Turkiga noogu tala gashay, taasi waxaa ka war helay ilaaladii xerada iyagoona war galiyay hey’adaha Waxbarashada Turkiga” ayuu yiri Axmed oo ka hadlayay qaab dhaqanka ardaydan dib loo soo celiyay.

 

“Tani waa cuqubo ka dhalatay xaqeenii la musuqmaasuqay, waayo waxaa suurta gal ah in dhalinyaradan hada la soo celiyay in ay yihiin kuwii la siiyay Boosaskeenii” sidaa waxaa yiri Max’ed Barre oo ka qeyb galay imtixaanka loona sheegay inuu guuleestay balse xili danbe lagu wargaliyay inuu ku dhacay Imtixaanka oo hada ku sugan Muqdisho.

 

Badanka dhalinyarada dib loo soo celiyay ayaa waxa ay yihiin kuwa ehel la ah xubna ka tirsan Dowlada KMG ah iyo waxa loogu yeero Maamul Gobaleedyada ee ka jira Gobalada Dalka.

 

Musuqa ugu xoogan ayaa dhacay kadib kolkii uu dhacay Qaraxii xarunta hargaha iyo saamaha ee ay Ardayda badan ku geeriyoodeen, waxaana Qaraxaasi ku lumay Docoments-ka arday badan oo ku guulesyatay Imtixaanada. Lumeen?

 

Xogaha hada la hayo waxa ay sheegayaan in Dowlada Turkiga kadib kolkii ay aragtay qaabka wax loo Maamulay ee Musuq Maasuqa uu salka uu yahay ay go’aansatay Muqdisho in ay ka hirgaliso Iskuul Hoose, Dhexe, Sare kaasoo ay u wareejin doonto deeqaha Waxbarasho ee ay Shacabka Soomaaliyeed ugu tala gashay.

 

Wasaarada Waxbarashada gudaheeda waxaa ka taagan muran xoog leh oo ku saabsan deeqaha la musuq maasuqay, waxaana Wasiirka Wasaarad xiliya kala duwan uu damcay inuu Saxaafada u sharaxo qaabka wax loo musuqmaasuqay, laakiin xubna ka tirsan xogheenadiisa oo tuhman ugu xoog leh uu ku jiro ayaa diidan.

 

Fadeexada la soo gudboonaatay dhalinyaradaasi Ardayda lagu sheegay ee nidaamka qaldan looga dhoofiyay Dalka ayaa waxaa aad uga xumaaday dhamaan dhalinyarada Soomaaliyeed ee wax ka barata dunida daafaheeda iyo gudaha dalka intuba, waxaana ay saameyn balaaran ku yeelatay sumcada dhalinyarada waxbarata ee Soomaalida ah.

 

Sababta ugu weyn ee Fadeexadan ayaa ah mid salka ku heysa Qabyaalada iyo Nin Jecleysi, waxaana si tani looga fogaado loo baahanyahay in la helo dad caaqiliin ah oo ka fog caadifad Qabiil isla markaana uu hagayo caqli iyo aqoon leysku biiriyay.

 

Hadaba Akhriste marka aad eegto arintaan foosha xun misna Fadeexada ah ee saameysay Ardayda Soomaaliyeed, saameyn intee la eg bay ku yeelan kartaa Ardayda Soomaaliyeed? Fadlan aragtidaada noogu soo
.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

Exactly

 

I posted this 2 weeks ago.

 

Ceeb hor leh oo soo food saartay Dawlada Ina Axmed

Madaxweynaha Dawlad KMG Sheekh Shariif oo si musuqmaasaq ah ku qaybiyey deeqdii waxbarasho ee dalka Turkigu ugu deeqay Soomaaliya ayaa waxa lugaha kula jiraa ceeb waxbarasho tii ugu xumayd .

 

Ardadii baxday oo intooda badan laga soo ururiyey Magaalooyinka Adan yabaal.Cadale,Qalimoow,Balcad iyo Xaafad ka tirsan xaafadaha Muqdisho ee Kaaraan ayaa markii la geeyey dalka Turkiga oo la tijaabiyey heerkooda waxbarasho waxay noqdeen kuwo aan wax akhrin arin waxna qorin akrin oo xitaa tijaabadii jaamacada loo waday iska daaye waxay garan waayeen xarfaha farta Soomaaliga ama Carabiga ka kooban yihiin oo lagu barto xanaanada

 

Mas'uuliyinta dawlada KMG ayaa waxay marmarsiiyo ka dhigan jireen marka ay difaacayaan Musuqmaasaqooda in ardada la qaadayo ay ahaayeen kuwo ay imtixaan kooda qaadeen Ma'suuliyiin ka socda dalka Turkiga.

 

85 ka mid ah ardadii loo qaaday dalka Turkiga oo intooda badani ka soo jeedaan gobolka Shabeelaha dhexe uu ka soo jeedo Sheekh Shariif Madaxweynaha dawlada KMG ayaa sida la sheegay dib loogu soo celin doonaa gudaha Soomaliya maalmaha soo socda.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

It is not only ardeyda Xamar laga soo aruuriye. Aqri again qoraalka. Ardeyda gobollada kale laga keenay ku jiro. Of course, Xamar laga soo dajiye first, gobollada kale waa loo sii gudbinaa. Marka masuqmaasuqa iyaga dhan waaye, kuna jiro Faroole.

 

Badanka dhalinyarada dib loo soo celiyay ayaa waxa ay yihiin kuwa ehel la ah xubna ka tirsan Dowlada KMG ah iyo
waxa loogu yeero Maamul Gobaleedyada
ee ka jira Gobalada Dalka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

Don't drag down Puntland with you lot. PLers are still there, "maamul gobaleedyada", they would have said Puntland if it is Puntland. Come with facts not fiction.

 

Trying to compare a place that has teachers from around the Middle East including Turks with Southern Somalia... That is not good.

 

The system is 4.5 based not on achievements, I do acknowledge that.

Share this post


Link to post
Share on other sites

The Biggest culprit was the Chief of Staff to the Prime Minister. He allocated many of the seats to folks from his clan background and it is one of the things the President criticized the PM privately soon after he came back from Turkey. Sharif was asked to make the final decision whether those kids would be allowed to stay in Turkey and start from scratch or send them back to Somalia and send another more qualified batch. He chose the later.

 

Another issue was in relation to the payment of the Government troops.For the first time in many months, the Government Troops haven't been paid on time and their morale is said to be on the low.

 

Both these issues are tied to the PM's Chief of Staff and as I understand the PM promised to rectify both issues and deal with his Chief of Staff.

 

I suspect if a feud arises between the PM & the President, it will be eventually be epicentered around the PM's Chief of Staff.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Madaxweyne iyo Raisal Wasaare isku khilaafsan deeq waxbarasho. Ceebey tacaal. War kan oo kale umada Somaliyeed ayaa lagu si ceebeeniyaa.

 

Please remove this thread. Somali's have been shamed enough.

Share this post


Link to post
Share on other sites

I don't think the PM is directly responsible for this great shame. There are individuals in his office that engage in criminal & immoral behavior & the President asked him to ensure these sorts of things don't happen again. The PM's Chief of Staff is a maniac& he is going to cost the Prime Minister his seat eventually.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this