Sign in to follow this  
Miscar

Maxaa Keenay in Somalida hadda Joogtaa ay barashad Maadiga ka hor mariyaan Tan Diineed.

Recommended Posts

Miscar   

Sida iska cad somalida hada nool waxay aad u door bidaan inay bartaan maadiga iyagooo ay awal arrintu ahayd Caksigeeda. Barigii hore Somalidu ma jeclinayn in caruurta ay gaalo wax barto laakiin hada qofka aan school aadin ama college ama jaamacad waxay u arkayaan nin is khasaariyay. Haduu maadiga barto waa nin fiican isagoon la odhan badanaa maxaad diinta ugu dari wayday. Laakiin diintaan baran hadaad tidhaa waxaa la leeyahay war maadiguna waa lagama maarmaan ee meel saar isagana. Waxay arrintu u egtahay Aaas Aaaska noloshu waa Maadi ee maadi baro dheeraadku waa diinta ee baro waa sifiicane hadii kale maadigu horta Yuuna kaa fakan!!!!11

Arinkani mujtamaca somaliyeed aad bu uga muuqdaa wuxuuna u baahan yahay inay iska daweeyaan hadii kale dhib.net ayaa la dhex galayaa meel laga sameeyo sign off na lagaran maayo

Share this post


Link to post
Share on other sites

asxabeey xal keena hee,

 

Diintu waa furaha nolasha.

 

Although some nagging fellows, complain of sacrilege, diintu waa nuur, iyo iftiinasxabeey xal keena hee,

 

Diintu waa furaha nolasha.

 

Although some nagging fellows, complain of sacrilege, diintu waa nuur, iyo iftiinasxabeey xal keena hee,

 

Diintu waa furaha nolasha.

 

Although some nagging fellows, complain of sacrilege, diintu waa nuur, iyo iftiin

Share this post


Link to post
Share on other sites

Aqoonta maadiga laba ina loo kala qaado ayaa aad muhiim u ah:

 

1-sayniiska, ama wixii aqoon ah ee tajrubo iyo tijaabin lagu gaaro, iyo maadooyinka sidoo kale la'isku wada waafaqsanyahey ee la'aantood dhib ka dhalanayso (luqadaha, taariikhda, xisaab-xirka, koombuyuuterka culuumihiisa iwm).

 

2-maadooyinka ra'yi iyo mabaa'di kale ku dhisan ee u badan khuraafaad ama maskax-dhiqid sida "economics" ama cilmiga dhaqaalaha, oo dad badan aaminsanyihin inay cilmi muhiim ama xaqiiqta ka turjumaya yahay, inkasto khubaro ku xeel dheer ee ku tilmaamayaan dhalanteed "agenda" lugu hirgeliyo.

Waxaa shaabaha falsafada iyo cilmiga bulshada ama "sociology" qeyb ka mida;

xitaa qeybo sayniska, khaasatan "evolution" ama isbadal joogta ah oo ah diirada ama qaacidada lagu fiiriyo "biology"-ga (adaamigu inuu daanyeer inbadan doorsoomay inu yahay iwm), sidoo kale dood ayaa ka taagan madaama ayna cadeemo culus ama kama dambeyn ah aaney ku salaysneen.

 

Ka bacdi qeybitaankaas dadka badankooda u cadeen oo dadka fahmid iyo aqoon yaridooda iyadoo laga ambaqaadayo si kadis ah lugu difaaco ama gado waxyaabo cadaaladu ama caqligu diidayo iyadoo xaqiiq iyo khayr loogu eekeesiinayo ("economics", "development" iwm),

waxaa haboon inaa la ogaado oo aad looga foojignaado arinta ugu muhiimsan ee ah qaabka maadooyinka sida taariikhda iyo kuwa kale loo barto oo inta badan ku saleysan falsfadaha dadka baraya ardayda ama daabacaya buugaagta.

 

Miithaal ahaan, waxaa inta badan ey ka ambaqaadan qoraalaha saynisku qaacidada "evolution"-ka;

sidoo kale culuumta kale kama maqno inbadan oo ra'yi gaabni ama casabiyad daahsoon ah maadaama ey xiitaa sayniska tajrubada ugu adag ku dhisan sida fiisikada, iskawa dhaf cilmi kaloo bini aadam, ayna iyadaba ka maqneen saameyn uu ku yeesho dhaqanka iyo bay'ada khubaradiisu.

 

Waxay keentaana arintaasu inay xiita saynisku ka turjumeyso bay'ada bulshadeed ee khubaradeeda;

badanaa iyagoo xitaa dareensaneen ayay indhatirtaa waxyaabaha ay u arkaan muhiim ama xaqiri karaan aqoonta umadaha kale ama qaab ka gedisan lagu gaarey.

Miithaal ahaan, iyadoo inbadan khubarada maraykanku ku daaleen dawo labaad oo cudurka "malaria"-ga ama kaneecada ayaay geed ka mida geedaha shaayniiska koox "chinese" ah iclaamiyeen inuu daweynayo dadka "choloroquine" waxba u tari weydey (geedkaaso laga sifeeyo dawada "artemisin").

 

Sidoo kale maanta marka horumar ama "development" lagu qalqaalinayo umadaha waxaa laga wadaa uun makiinado, warshado, baahi-abuuritaan (si loo gado badeecado la cusbooneysiyo mar walba hadana waxba kordhineen) iyo ku dayasho bulsho ahaan iyo dhanka ganacsiga ama sharciga qaanuunada iyo dhaqamada reer galbeedka.

 

Nasiib daro waxaa sii iftiimeysa malinba maalinta ku xigta inay arrimahaasi dhibaatooyin aad u waji badan oo cusub iney dhalayaan, natiijooyinkaaso xalintoodu ay aad u dhib badan tahay, sida cuduro nafsi ah oo faafsan, bay'ado fasaada, yacni hawada iyo biyahoo sumoowa, dhulka iyo wixii ka baxayey oo barako beela, nafaqo xumo ka dhalata raashinkaas beeley "nutrients" arintaasoo saameeyn dib ugu yeelata caafimadka nafsiga iyo ka jirka iyo xiitaa amniga ama xasiloonida bulshada, amniga iyo musuq-maasuqa oo faraha ka baxaha maadaama shacabka badidiisu uuna ka qeyb qaadan karin tartanka dhanka "consumerism-ka" (u tartanka dhaldhalaaka baahi-abuurid lagu gado) iyo kuwa kalo aad u fara badan oo lasoo koobi karin manta iyo berito...

 

Isku soo duudub, aqoonta dhabta ah ama ugu dambeynta ah ee bini aadamku aad ayeey u koobantahay oo umad walba inteeda wakhtigaa la taagan yahay ay cajaabisa ama laweyntahay, hadana mar walba sawirka iyo qawaacidada guud ee xiitaa cilmiga ugu asaasisan sida "physics"-ka uu isbadala (waxaa looga gudbey "Newtonian mechanics" tafsiirka "quantum mechanics");

hase yeeshe, sayniska khalqiga iyo kowniga, taariikhdu iyo maadooyinka kale (ee xaqiiqda ugu dhaw) qofka shakhsiyadiisa iyo fahamkiisa ayey dhisi karta hadii uu qofku foojiganyahey marwalba oo qaab haboon lugu baro oo hadana qofkaasi yahay qof maskax furan, badanaana la'islama wada helo shuruudahaaso dhan oo maanta inbadano ismoodaysa inay wax taqaan ayaa xaalad ka khatarsan jaahilnimo ku sugan ama umada ku hogaaminaysa...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this