Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Clan Clashes erupt in the dacawalay Hawd region of Ethiopia+Casualties

Recommended Posts

War deg deg ah: khasaare dhimashi iyo dhawa be leh oo ka dhashay iska horimaad dhex maray meleyshi beleed iyo geeljirayaal

 

Dacawalay (HWN) inta la ogyahay 7 qof ayaa ka dhimatay beesha Dhagaxbuur kadib marki iska hor imaad socday sacaado koobani uu ku dhex maray deegaanka dacawalay geeljire ka tirsan beesha gobolka hawd iyo rag Hubaysan oo ka so jeeda beesha dhagaxbuur

 

 

War deg deg ah khasaare dhimasho iyo dhawaac be leh oo ka dhashay iska horimaad galabta dhex maray meleshiyo beeled iyo geeljirayaal

 

 

dacwalay (HWN) inta la ogyahay 7 qof ayaa ka dhimatay beesha dhagaxbuur kadib marki iska hor imaad socday sacaado koobaani uu ka dhex maray deegaanka dacawalay geeljire ka tirsan beesha gobolka hawd iyo rag hubeysan oo ka so jeeda beesha dhagaxbuur iyago geeljirahas uu ka dhintay 1 qof 3 kalana ka dhawacmaeen

 

iska hor imaadkan oo soconayey muddo sacaado ah ayaa bilowday meel deegaanka dacawalay kaga beegaan dhinaca hawd kaaso marki danbe istaagay wararka ay shebekada hadhwanaagnews. ka heleyso deegaanada ay dirirtu ka dhacday ayaa sheegaya in geeljiraha ka so jeeda gobolka hawd ay u galeen ciidamo hubaysan oo ka soo jeeda beesha dhagaxbuur kuwaaso isla markiiba dagaal ka dhex qarxay.

 

Maaha marki ugu horaysay eeh beesha dhagaxbuur iyo beesha gobolka hawd uu iska horimaad noocaan ahi ku dhex maro deegaankaas balse dhow bilood ayaa laga jooga marki ay beesha dhagaxbuur weerar gaadmo ah ku so qaaday rag ka tirsan beesha hawd..

 

 

si kastaba ha ahaate waxa jiray dhoowanahan odayaal isaga dab qaaday inay baajiyaan colaado mar kale dib uga qarxa deegaankaas balse waxa aan ila imika la tallaabada xigta tan eeh ay labada dhinaca ka qaadi doonaan iska horimaad.

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

^ so you wanted more blood spill.. Alle ha kala qaboojiyo umada soomaliyeed... BTW where is this gobol of Hawd in eithoipia or somalia?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

A_Khadar;752031 wrote:
Where the hell is this Baligubadle? Other day I was Siiraanyo visiting it?.. Alle ha kala qaboojiyo..

 

Baligubadle is the capital of Hawd Region (South of former Waqooyi galbeed). Its on the Ethiopian border. Comparable with Buuhoodle en Cayn Region. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Carafaat;752050 wrote:
Baligubadle is the capital of Hawd Region (South of former Waqooyi galbeed). Its on the Ethiopian border. Comparable with Buuhoodle en Cayn Region.
:D

So every sub-clan declared its own region.. Nice! Hawd, oodweyne, salaal, saraar, caanaybo habaro wadal...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wejiga Labaad Ee Dagaal Shalay Gudaha Itoobiya Ku Dhex Maray Geelay Reer Somaliland Iyo beelaha ka so jeeda dhagaxbuur Ah Oo Qarxay & Khasaaraha Uu Keenay

 

Dacawaley (Ramaas) Oct 17,2011 – Khasaare dhimasho iyo dhaawac ah ayaa ka dhashay dagaal maalintii labaad ka socda deegaanka Dacawaley oo ka tirsan kililka shanaad ee Itoobiya.

 

Dagaalkan ayaa u dhaxeeya beesha dhagaxbuur iyo beesha Hawd, kuwaas oo deegaankaasi wada dega isla-markaana xoolahoodu isku meel wada daaqaan, waxaana la sheegay in dagaalku shalay si kedis ah uga qarxay deegaanka Dacawalay oo ah gudaha Kililka Soomalida Itoobiya.

 

Dagaalkan oo shalay markii bilaabmay ay ku dhinteen afar qof oo ka soo jeeda Beesha dhagaxbuur iyo hal qof oo beesha Gobolka hawd ayaa sidoo kale maanta galinkii dambe markii uu soo laba kacleeyay waxa uu sababey khasaare dhimasho iyo dhaawac ah, iyadda oo wararka halkaasi ka imanayaa sheegayaan in labada dhinac si aad u hubaysan yihiin.

 

Dagaalkan oo aan ahayn kii ugu horeeyay balse ay hore u dhaceen dagaalo kale oo door ah ayaa waxa aan ilaa hadda soo kala dhex galin dawlada Kililka Soomalida Itoobiya oo gudaha deegaankeeda lagu dagaalamayo.

 

Dagaalkan oo aan ilaa hadda si rasmi ah loo ogeyn waxa sababey ayaa loo malaynayaa inuu ka dhashay damac ka yimid geelay reer dhagaxbuur ah oo weerar ku soo qaaday geel beesha kale halkaas u joogay, iyagga oo doonayey inay qaadaan, balse geelayda reer Somaliland oo iyaguna hubaysnaa ayaa wakhtigaa difaacay geelooda, dagaalka halkaas ka dhacayna waxa uu sababey dhimashada shan ruux oo kala ah afar dhinac ah iyo qof dhinaca kale ah.

 

Dagaalka ayaa la sheegay inuu istaagay balse ilaa hadda ay labada ciidan ee geelayda ahi ay is-hor-fadhiyaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Golaha Guurtida Somaliland Oo Dood Ku Qiimeeyay Xaaladda Nabadgelyada

October 18th, 2011

 

Hargeysa (Somaliland.Org)- Fadhigii golaha Guurtida Somaliland ee maanta ayaa Mudaneyaasha aqalkaasi kaga doodeen xaalada nabadgelyada dalka oo ay tallooyin u soo jeediyeen Ha’yadaha amniga.

 

Fadhigaasi oo uu gudoominayay Gudoomiye ku xigeenka labaad ee golahaas Mudane Siciid Jaamac Cali ayaa waxay mudane yaashu kagaga doodeen xeerka nabadgalyada kaas oo ka mid ahaa ajandaha kalfadhiga 45aad oo ay mudane yaashu ku jiraan.

 

Xildhibaan Caydiid Cabdi Maxamed oo ka hadlay aragtidiisa ku wajahan qodobka nabad galyada ee laga doodayay ayaa si gaar ah waxa uu uga hadlay arrinta colaada beelaha wada daga dalka aynu jaarka nahay ee Itoobiya gaar ahaan kililka shanaad isagoo xildhibaanku arrintaa ka hadlaayayna waxa uu yidhi “Arrintaa Kililka shanaad ee Itoobiya laga soo sheegayo oo dad ku dhinteen waxaan soo jeedinayaa in golle ahaan aynu ka qaadano doorka aynu ku leenahay oo aynu ka soo saarno baaq nabadeed oo arrintaa ku wajahan ayaan anigu soo jeedinayaa.”

 

xildhibaan Caydiid waxa kale oo uu ka hadlay arrintii colaadii Kalshaale waxaanu yidhi “Arrinta Kalshaale wali beelihii layskuma keenin waxaad moodaa in ay siyaasadi ku jirto, waxaan raacsanahay in uu gaabis jiro oo loo baahan yahay in inaga iyo xukuumadu aynu dib isugu noqono si loo saxo wixii qaladda ee jira haddii ay xukuumada noqoto iyo haddii ay inaga.”

 

Xildhibaanku waxa kale oo uu ka hadlay arrinta dhalinyarada xaafadaha waxanuu yidhi “Anigu xaafada aan deganahay oo ah Xawaadle iyo Goljano habeen walba isku dhac dhalinyaraa ka dhaca,isku dhacaasna dhalinyaraa wadda oo la saf baa loo dagaalamaa, wax bilays ah oo yimaadaana ma jiraan haddii ay sii socotana dhibaataa ka imanaysa, waxaan soo jeedinayaa in arrintaa bilaysku wax ka qabto.”

 

Xildhibaan Cawil Xuseen Axmed oo isna ka mid ahaa mudaneyaashii ka qayb galay doodan nabad galyada ayaa isna isagoo ka hadlaaya arragtidiisa ku wajahan nabagalyada waxa uu yidhi “Nabad galyada dalku aad bay u wanaagsan tahay, hadana iyadoo wanaagsan in mar walba laga werweraa aad bay u wanaagsan tahay.aniga aragtidaydana waxa inoogu dhib-badan caruurteenii oo habeenkii saf-saf isku laynaaya taas oo nabad galyada wax u dhimaysa.”

 

“Waxaan leeyahay bilaysku way ka shaqeeyaan, laakiin kaligood waxba kama qaban karaan hadaan dadka shacabka ahi la shaqayn oo aan lagu kaalmayn gudashada waajibadkooda qaranee shacbigu ha la shaqeeyo,”ayuu yidhi Md. Cawil.

 

Xildhibaan Cawil waxa uu ka digay halista ay nabadgelyada ku hayaan kooxaha argagixisada waxaanu yidhi “Arrintaasi waxay u baahan tahay siddii aynu awalba dawlada iyo shiciba u wada shaqaynay in aynu uga wadda shaqayno oo uu qofwaliba bilays noqdo oo uu halka uu joogo nabadgalyada ka illaaliyo wixii dhib wadda ee uu arkona la socodsiiyo ciddii ku shaqo leh. Anigu waxaan soo jeedinayaa in Golaha guurtidu kordhiyo wacyi galinta dadwaynaha ee xagga nabadgalyada.”

 

Xildhibaan Ibraahin Ciise Buux oo isna ka hadlay aragtidiisa ku wajahan nabadgalyad gaar ahaan ta wadooyinka waxa uu yidhi “Dhibaatooyinka nabadgalyada wadooyinka ee maalin walba dhaca waxa ka mid in darawalku isagoo gaadhigii wadda ayuu haddana Moobil ku hadlayaa taas waxay keentaa in ay maskaxdiisu baxdo taasina waxay sahli kartaa in uu si fudud shil u galo, annigu waxaan u soo jeedinayaa in marka ay darawaliintu Moobilada ku hadlayaan in wadada dhinac uga baxaan, ciidanka ku shaqada leh nabadgalyada wadooyinka waxaan u soo jeedinayaa in ay wax ka qabtaan arrimahaas.”

 

“Dadkii shisheeyaha ahaa ee dhawaan xukuumadu ku dhawaaqday in dalka ka baxaan waxay culays weyn oo saarnaa ka qaaday xagga nabadgalyada, wadankana culays weyn baa ka fududaaday oo ay wax badan u khafiifisay xukuumaduna way ku mahad santahay waxaana loo baahan yahay in arrintaa la sii adkeeyo oo la socdo dadka xuduudaha dalka soo galaya oo la ogaado cida dalka soo gaysa,” Xildhibaan Farxaan Ciise Ubaxle, oo ka mid ahaa Mudaneyaashii fadhigaasi ka hadlay.

 

Xildhibaanku waxa uu intaasi ku daray “Wadamada aynu jaarka nahay haddii aad tagto illaa Hudheelka aad ku dagayso waa la ogyahay oo waxa la baadhayaa waxa aad u socato iyo halka aad ka timi, waxaana jira fiiseyaal lagu galo wadamadaa inaguna kuwaas uun baynu la mid nahay. Waxaan soo jeedinayaa in go’aankaa la sii xoogeeyo oo aan halkaa lagaga hadhin.”

 

Xildhibaan Maxamuud Xareed Rooble ayaa ku baaqay in la sii xoojiyo Guddiyadii nabadgelyada ee xaafadaha magaalooyinka laga sameeyay.

 

“Waxaan leeyahay waa in la xoojiyaa guddiyada nabadgalyada ee xaafadaha ka jira waxaana loo bahan yahay in loo sameeyo shuruuc arrimahaas wax lagaga qabto madaama oo aynu nahay golleyaashii sharci dajinta,”ayuu yidhi Md. Xareed.

 

Gababgabadii fadhigaasna waxa loo balamay in fadhiyada maalmaha soo socda halkaa laga sii abo qaado dooda xeerka nabad galyada.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this